Waxaan
ummadda Soomaaliyeed ugu hanbalyeynayaa 1-da bisha Luuliyo oo ku beegan
sannadguuradii 54-aad ee Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliya.Maanta
waa maalin ku weyn taariikhdeena iyo dowladnimadeena, waana maalintii aynu ku
soo biirnay mujtamaca adduunka, isla-markaana muujinay in aynu u qalano waxa
aynu nahay. Inkastoo aynu soo marnay maalmo farxad iyo murugo leh, haddana waxaan
wada ognahay in himilooyinka ummadeenu ku dooneysay inay ku noqdaan bulsho
casri oo la jaan-qaadda ummadaha adduunka uu dhaawac weyn soo gaaray, taasina
waxaa sabab u ah innaga iyo kuwa inaka horjeeday ee doonayey inay wiiqaan
awooddeena, midnimadeena iyo dowladnimada.
Maanta oo laga googo 64 sano markii aynu isu nimi si aynu u dhisno qarankan weyn, waxaa aniga oo fadhiya halkii xarunta u ahayd qarankan aan dareemayaa in ummaddeena ay ku hareeraysan yihiin khataro fara badan oo u baahan in dadkeedu fahmaan oo ay si wada jir ah u wada waajahaan. Waxaan fahamsanahay aynu soo marnay waqti aad u adag oo khatar badan, welina dalkeenu aanu gaarin meel berri-ammaan ah.
Weynu taag-daranahay, weynu is-necebnahay, weynu kala qaybsannahay, weynu kala horjeednaa, waxaynu u muuqannaa kuwo laga dhigay inay kala dan iyo ujeeddooyin yihiin. Dalkeenna Soomaaliya waxa la suntay qaran fashilmay iyadoo dadkiisu u fikirayaan xaafad xaafad iyo gobol gobol u kala tartama lidkeenna.
Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay mar kale isu yimaadaan oo midoobaan iyagoo wax ka baranaya wixii ay soo mareen, isla-markaana dhayaya dhaawacyadii inna wada gaaray. Waa in aan isla garanaa in xaaladda aan ku jirno ay dan u tahay kuwa inaka horjeda oo keliya ee ay tahay in aynu burburino gidaaraka kala-qaybsanaanta. Waxaan idiinku baaqayaa inaad ka tagtaan qabiilka iyo is-xaafadaysiga. Fadlan nacaybka ku bedela is-jacayl iyo walaaltinimo, fadlan damaca gaarka ah ah ku beddela danta guud iyo wax-wada-yeelasho.
Waxaan ummadda u rajeynayaa midnimo, walaaltinimo, is-jacayl iyo in laga wada shaqeeyo danta guud ee aynu wada leenahay.
Ilaahoow u hiili ummadda Soomaaliyeed iyo qarankan weyn.

No comments:
Post a Comment