Madaxweynaha Puntland mudane
Dr Cabdiwali Cali Gaas waxa uu booqasho lagu tilmaamay mid rasmi ah ku joogaa
dalka Ethiopia. Waxa uu madaxweynuhu Addis Ababa kala kulmay soo dhoweyn iyo
qaabilaad miiqaamkeedu sarreeyo, waxana ay wadahadalo saacado qaatay uu la
yeeshay madaxda ugu sarraysa ee dalkaasi sida Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka
Arrimaha Dibadda, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidamadda Difaaca Ethiopia
iyo madax .
Imika waxa uu booqanayaa magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, halkaasi oo si wanaagsan loogu soo dhoweeyey. Booqashadiisa Jigjiga waa mid dhinacyo badan taabanaysa sida siyaasad, dhaqaale iyo dhaqan ama bulsho.
Madaxweynuhu waxa uu maanta ka qaybgalay kulan uu yeeshay golaha xukuumadda ee maamulka Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, isagoo sidoo kale booqday xarumaha dowladda iyo taallada Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
Sida uu soo tebiyey television-ka Ethiopia, dowladdaEthiopia waxa ay maal-gashan doontaa Puntland si loo helo Dowlad Federal ah oo Soomaaliyeed oo gudan karta shaqadeeda, iyadoo Ethiopia oo ugu awood badan IGAD ay imika ciidamadeedu ku soo bireen hawlgalka Amisom, khilaafna ka jiro kaalinta IGAD ee maa maamul u samaynta degaanada laga qabto qolyaha dowladda ka horjeeda. Hadaba, Ethiopia maxay ka damacsan tahay Puntland ama guud ahaan dalka Soomaaliya?
Dhawr bilood ka hor Ra’iisul wasaaraha Ethiopia waxa uu si cad ugu dhiiraday in uu sheego in dowladdiisu ay cudud militari ku difaaci doonto Somaliland haddii ay khatari kaga timaado waxa ay iyagu ku sheegeen Soomaaliya ama quwado kale oo ka dhan ah Somaliland. Dowladda Federalka ee Soomaaliya kama hadlin hab-dhaqanka noocaasi ah ee ka dhan ah danaheeda qaran, waxana ay ka dhigtay mid iska caadi ah, laakiin baroortu orgiga ka weyn!
Arrintani waxa ay ka turjumaysaa wejiga siyaasadda dhabta ah ee Dawladda Itoobiya ee ah in Maamul Goboleedyada la siiyo awood ay kula gorgortami karaan dowlladda dhexe, awooddaasina ma aha mid dhamaystiran si balance loo sameeyo, qola kastana loo muujiyo in aanay ka maarmin Itoobiya.Nin walbana usha markiisa lagu dhufto.
Waxaa haboon in aynu Ethiopia maanta la samaysanno xiriir wanaagsan oo ku salaysan "Mutual Respect" ama is-qadarin, maadaama aanay dan inoogu jirin in aynu xilligan siyaasad ka-hor-imaad ah ku waajahno Ethiopia waayo waxaan joognaa meel eber ah.
Puntland ama Somaliland haddii ay xiriir gaar ah la samaysanayaan Ethiopia waa mid waaqica iyo duruufaha aan ku jirno ay keenayaan,laakiin arrintani qiil uma noqon karto in lagu xadgudbo qaranimada Soomaaliya iyo shuruucda caalamiga ah . Ethiopia waa dal aan jaarnahay oo aan wax badan wada qabsan karno haddii la ilaaliyo masaalixda qola kasta. Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in ay la timaado siyaasad cad oo micno iyo daraasad xanbaarsan oo arrintan lagu waajaho.

No comments:
Post a Comment