Horraantii sanadkan waxaa is-bedel ku yimi hoggaankii Puntland , waxana xafiiska madaxtinimada la wareegey madaxweyne mudane Cabdiweli Maxamed Cali ( Gaas). Isbedelkani ma ahayn laba qof oo is-bedelay ee waxa uu ahaa laba nidaam oo is-bedelay.
Is-bedelka ka dhacay
Puntland waxaa si weyn looga soo dhoweeyey Koonfurta iyo bartamaha dalka
Soomaaliya, iyadoo la rajaynayo in hoggaanka madaxweyne Gaas uu isku soo
dhoweynayo Puntland iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, laakiin taa
beddelkeedii Somaliland waxaa soo waajahay walaac ku aaddan is-bedelkani
degdegga ah, iyadoo u aragtay in hoggaanka Gaas uu qaadan doono itijaah
siyaasadeed oo ka duwan tii madaxweyne Faroole oo lagu tuhmayey in uu jaal la
ahaa Somaliland.
Walaaca Somaliland waxa uu
ka imanayaa sal-ballaarnaanta xukuumadda madaxweyen Gaas iyo sida loogu soo
daray laba ka mid ah madaxweynayaashii Khaatumo iyo weliba iyadoo markii ugu
horreysay taariikhda Puntland uu madaxweyne ku xigeen noqdo qof ka soo jeeda
degaanka Buuhoodle oo sanooyinkii ugu dameeyey halgan la galay Somaliland,
iskana difaacay qorshe Hargeyso ku dooneysay in ay ku qabsato degaankaasi xorta
ah, hadaba, labadaan arrimood waxa ay culays iyo miisaan siyaasadeed u
yeelayaan hoggaanka madaxweyne Gaas.
Walaaca Somaliland ma aha
mid qrasoon waxana uu ka soo baxayey ilo ka mid ah xukuumadda iyo mucaaradka
Somalilan, tusaale ahaan, guddoomiyaha Xisbiga Daryeelka iyo Caddaalada ee
Somaliland mudane Faysal Cali Waraabe waxa uu dhowaan sheegay in Puntland ay garaacayso
durbaan qabiil iyo mid dagaal, waxana uu hadalkan jeediyey markii uu
madaxweynaha Puntland safar ku bixinayey magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad
Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Madaxweynaha Somaliland
mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dhowaan booqasho daandaansi ah ku
tegay dhul ay labada maamul ku muransanyihiin,taasina waxa ay abuurtay xiisad
hor leh.Jawaabtii ay ka bixisay xukuumadda Gaas waxa ay ahayd mid aad u
jilicsan, waxana ay taasi caro iyo qaneeco la’aan ku abuurtay dadkii awal u
raxlaynayey hoggaanka Gaas.
Madaxweyne Gaas waxa uu
saaka bilaabay safar dhulka ah oo ku tegi doono gobolada Karkaar, Bari,
Gardafuu, Highland iyo Sanaag, taasi oo qayb ahaan jawaab u ah safarkii
Madaxweyne Siilaanyo.
Safarada noocan ah ee
siyaasadeed waxa ay soo dedejinayaan isku-dhac hubaysan oo mar kale ka dhex
bilaabma labada maamul ee Puntland iyo Somaliland, xilli Puntland ay weli la
halgamayso kooxda Al-shabab ee ku sugan buuraleyda Galgala, waxana kooxdaasi ay
dhowaan khaarijiyeen taliyihii hoggaaminayey hawlgalada jiidda Galgala AUN
Afguduud.
Dadka badan oo reer
Puntland ah waxa ay rumaysan yihiin in kooxda Al-shabab ee ku sugan buuraha
Galgala iyo Somaliland ay ka dhexeyso wada-shaqayn; ugu yaraan waxa ay ka
midaysan yihiin sidii loo maja-xaabin lahaa Puntland maadaama ay hal cadow wada
waajahayaan ( the enemy of my enemy is my friend, cadawgayga cadawgiisu waa
saaxiibkay ).yadoo ay hawlgalo ka socdaan Koonfurta iyo bartamaha Soomalaiya,
waxaan rumaysnahay in baxsadka kooxda Al-shabab ay tegi doonaan dhulka
buuraleyda ah ee Golis ee Puntland si ay halkaasi uga helaan dhul gabbaad ah oo
ay ku dhuuman karaan.
Marka Al-shabab lagu jebiyo
Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya fursadda keliya ee u furan waa in ay ku
shubmaan dhulka Puntland ee ay horey joogitaanka ugu lahaayeen. ogow dhulkaasi
waa muhiim istaraatiijiyad ahaan, waxana ay noqon karaan Toorabooradii
Soomaaliya. Waxaa kale oo dhulkaasi muhiimadda u sii yeelaya waa u
dhowaanshihiisa Jaziirad-u-ekaha Carbeed, gaar ahaan, wadanka Yemen oo ay ku
xooggan yihiin kooxda la magacbaxday Al-qaacidada Jaziiradda Carbeed.
Kooxda Al-shabab waxa ay
doonayaan in ay dhulkii dadka xorta ahaa ee Puntland ka yagleelaan “Dowlad
Mugdi ah”, haddii ay fursaddaan helaan waxa ay Puntland isu bedelayso qubuuro iyo
meel dadka lagu bireeyo, waxana lumaya himilooyinkii dadka reer Puntland ee
ahaa in ay noqdaan mujtamac furfuran oo xadaari ah, oo ku nool sharaf iyo nolol
wanaagsan.
Sanooyinkii ugu dameeyey
waxaa Puntland lagu laayey kumanaan qof oo isugu jiray saraakiil, dhalinyaro,
wax-garad, aqoonyahanno, haween , isimo iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee
bulshada. Dagaalkii iyo halgankii dadka nabadda jecel ee Puntland la galeen
Al-shabab waxaa ku baxay dhiig iyo maal, maantana illaah mahaddii waa la
joojiyey khatartii kooxdaasi.Mashquulka iyo madax-iskulajirida Puntland iyo
Al-shabab ayaa fursad u siiyey Somaliland in ay ku dhaqaaqdo hawlgalo ay dhul
ku qabsanayso, doorashooyin kaga qabanayso dhul lagu muransan yahay,
islamarkaasina horey ugu sii soconeyso dadaalka gooni-goosadnimada ku dhisan ee
halka dhinac.Al-shabab waxaa hogaamiya qof ka soo jeeda Waqooyi Galbeed
Soomaaliya, waxana dad badan shaki ka qabaan sida uu kooxdiisa u hawlgeliyo.
Waxaan filayaa in Somaliland ay fursad kale u noqoneyso haddii dagaalka lagula
jiro Al-shabab uu u soo wareego Puntland.
Ugu damayntii, Xukuumadda
madaxweyne Gaas waxaa la gudboon in ay labadan qaddiyadood si waaqica ku
salaysan u waajahaan, waana in la sameeyo ka-baaraandegid iyo ka-fiirsasho ,
inta aan lagu degdegin waxa ay ku tilmaameen dib-u-xoraynta dhulka maqan,
haddii kale kuwa xorta ah ayaa dib loo xorayn doonaa.
Sanadka 2014 waxa uu ahaan
doonaa sanad muhiim u ah Soomaaliya, waxana dhici doona is-bedelo waaweyn oo
qeexi doona mustaqbalka siyaasadeed ee Soomalaiya iyadoo ay abuurmi doonaan
waaqic siyaasadeed oo aan laga tallaabsan kari doonin xilliyada soo socda.
FG: Tani waa fikirkayga
shakhsiyadeed ee gaarka ah
Abdirashid Muse
Nairobi, Kenya
No comments:
Post a Comment