Wednesday, June 4, 2014

Soomaalidu ma qowmiyad baa mise waa qowmiyado?


Waayahan waxaa dhegahayga ku soo badanayey adeegsiga ereyga "Qowmiyad", waxaan ereygan inta badan ka maqlayey qalabka warbaahinta ee Soomaalida iyo meelaha dadku ku kulmaan ee ay ku sheekaystaan oo aan arkay dad leh anogoo ah qowmiyadda hebla.

Ereyga qowmiyad waxa uu isticmaalkiisu soo batay markii uu bilaabmay baraarugga Maamul Goboleedyada qaarkood, waxana kooxdii dooneysa in ay degaan mucayin ah maamul ka samayso ay isku magcaabeen qowmiyad. Tusaale ahaan waxaan maqlay qowmiyadda Daarood markaasaan waxaan is-weydiiyey oo miyaanay ka mid ahayn beelaha Soomaaliyeed, haddana, waxaa iigu xigtay qowmiyadda Digil iyo Mirifle kolkaasaan is-weydiiyey oo tolow qolyahan doonaya lixda gobol ama saddexda gobol waxa keliya ee ay dad ku abaabuli karaan malaha waa in ay yiraahdaan innagu qowmiyad goonni ah ayeynu nahay. Waxaan is-weydiiyey oo haddii ay iyagu lahjad duwan ku hadlaan miyaanay marmarsiinyo u heli karin in lagu magcaabo qowmiyad, maaddaama dastuurka lagu dhigay " May iyo Maxaa tiri".

Intaa markaan maqlay ayaan haddana maalin dhoweyd waxaan niman  ka maqlay iyagoo leh " annagoo ah Qowmiyadda Hawiye". Waa yaab! oo haddii qola kasta ay qowmiyad sheegato sow Soomaalidu iskuma suntin qawmiyado kala duwan?

Aniga maxay ila tahay " Qowmiyad,
قومية"

Kelmadda Qowmiyad waa carabi waxana ay ka timi " Qowm" , waana dad ama shacab goonni ah oo ka duwan ummadaha kale marka loo eego afka, iyo asalka ama sooyaalkooda.Dadkaasi waxa ay leeyihiin waxyaalo mideeya marka loo eego dadka kale, waana laga yaabaa in ay laftigoodu aanay waxyaalaha qaar ka midaysnayn sida diinta.

Qowmiyad waa aydaloojiyad iyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid bulsho oo ka imanaya fahamka guud ee Ummad, waxana ereygan qowmiyadnimadu kor u kacay xilliyadii kacaanadii wershadaha, burjiwaasiyada iyo lebaraalnimada.

Ummad marka laga hadlayo waa erey-bixin qaanuuni ah iyo mid siyaasadeed, waxana lagu cabbiraa dad ay isku xirto waxyaalo goonni ah sida luuqad, taariikh iyo jinsi marka dhinac laga eego, iyo weliba iyagoo ay ka dhexeyso dan iyo ujeedooyin mid ah marka dhinaca kalena laga eego, waxana dadkaasi leeyihiin dhul ay deggan yihiin, xitaa muhiim ma aha in ay lahaadaan nidaam siyaasadeed oo gaar ah ama mid iyagoo dhan mideeya oo ay ku hoos jiraan.

Dadka Soomaalidu markaan eegno waa dad ka midaysan afka, dhaqanka, diinta, taariikhda iyo ujeedooyinka marka loo eego aragtidayda, waxana ay ku sifoobayaan hal qowmiyad iyo ummadd.

Soomaalidu waxa ay la mid yihiin qowmiyadaha Carabta, Kurdiyiinta, Oromada, Amxaarada IWM. Waxa kale oo muhiim ah in la kala ogaado in qowmiyad kasta ay u qaybsamayso qabiilo waaweyn iyo qaybo kala duwan.

Sidoo kale, waxaa ayaan-darro ah in mararka qaar aan maqalno wax loogu yeeray ummadda Somaliland iyo ummadda Puntland IWM. Dadka Soomaaliyeed ee dhulkaasi ku dhaqan iyo kuwa kale oo ku jira nidaamyo siyaasadeed oo ka baxsan kan Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ma noqon karaan ummado gooni ah ee waxa ay ka mid yihiin ummadda Soomaaliyeed ee ballaaran.

Ugu damayntii, walaacayga ugu weyn waxa weeye in dadka Soomaaliyeed lagu hayo dagaal dhinac fikirka ah oo duullaanna lagu yahay midnimadooda iyo ummadnimadooda.Waxaan kula talin lahaa Warbaahinta in ay xushaan isticmaalka ereyada oo ay ka eegaan micnaha dhabta ah ee ay yeelan karaan ereyada ay adeegsanayaan. Dadka Soomaaliyeedna waxaan ku boorin lahaa in ay adkaystaan midnimadooda iyo ummadnimadooda.

Abdirashid Muse

No comments:

Post a Comment