Thursday, September 11, 2014

Tallaabo ma qaadi karto, adiguna Tallaabo ma qaadi karto!



Intii lagu guda jiray Shir-madaxeedkii Wadamada Afrika iyo Maraykanka ee  horraantii bishii hore ee August ka qabsoomay magaalada Washington ee dalka Maraykanka, Wasaaradd Betroolka iyo Macdanta ee DFS waxay ku luglahayd wadahadalo ay la yeelanaysay Madax sare oo ka socotay Maraykanka iyo wakiilo kale oo metelayey shirkadihii waaweynaa ee qandaraasyada Shidaal baarista ka haystay Soomaaliya ka hor inta aanay dhicin Dowladdii Maxamed Siyaad. Wadahadaladaasi waxay ahaayeen kuwo natiijo fiican leh oo asaas u noqon kara inay qaabeeyaan mustaqbalka shidaalka Soomaaliya, iyagoo saamayn ku yeelan kara siyaasadda Maraykanka iyo tan gudaha ee Soomalaiya.

Dawladda Maraykanku  waxay dooneysaa inay shiinaha ka hor istaagto soo-gelitaanka wadanka khayraadka dabiiciga ah hodonka ku ah ee Soomalaiya , isla-markaasina ku yaalla barta istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika oo noqon doona albaabka laga galo qaarada Afrika iyo buundada ama biriijka isku-xira Wadamada Asia iyo dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika. Dhulkaasi ay Soomaaliya ku taallo oo ay maraan marino badeed, waxaa isha ku haya Maraykanka iyo Shiinaha.

Washington waxay mar hore meesha ka saaratay siyaasaddii labada gees (Dual Track) oo ay kula macaamili jirtay DFS iyo Maamulada Gobolada, waxana ay aqoonsatay Dawladda sharciga ah ee Muqdisho oo wakiil ka ah dalka oo dhan. Tallaabadani kuma faraxsanayn Maamulada Goboladu, waxana ay u  arkayeen in ay wiiqmayso awoodda ay horey u haysteen iyo sida ay ula macaamili jireen dawladda ugu weyn adduunka iyo weliba raadka ay tallaabadani ku keeni karto in dalalka kalena ay tubtan qaadaan.

DFS waxay awoodeeda ku baahinaysa gobolada dalka, waxana la dhisayaa Maamul Goboleedyo ka hanaqaadi doona Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya iyadoo xitaa maamulo ka soo bixi karaan dhul ay markii hore sheegan jireen Maamulo isu arka inay ka horreeyeen nidaamka Federaalka ama ay dalka ka go'een. Waxaa suuragal ah in arrintan ay dalka khilaaf dhaxalsiiso ama xitaa dagaal uu ka dhici karo dhulka ay ka soo baxayaan Maamuladaasi, laakiin ugu danbaynta khilaafkaasi laguma jiri doono waqti dheer ee waxay arrintu isugu biya-shubanaysaa in la wada ogolaado awoodaha uu bixinayo Dastuurka Federaalka. Ma jiri doonto Dawlad Dhexe iyo Maamul Goboleed isku awood ah iyo Maamul Goboleed mid kale ka awood badan, waxana dhammaan lagu wada dhaqmaya heshiish bulsho ee dastuuri ah oo dadka si siman wax ugu qaybinaya.

Arrinta Maaraynta Khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya ma jirto
keligeed cid go'aamin karta ha ahaato Maamulada Gobolada oo galay heshiishyada sharci-darroda ah ama Dawladda Dhexe oo aan samayn Shuruucdii hagi lahayd oo ay tahay inay gacan ku yeeshaan  Maamulada Goboleedyada sida uu farayo Dastuurka Federaaliga ah ee Soomaaliya. DFS waxay leedahay awoodda weyn marka ay timaado arriman iyo kuwo kale, maadaama adduunku iyada la macaamilayo ama loo aqoonsan yahay Dawladda Metesha Soomaaliya oo dhan, mana jirto wax adduunku u yaqaan laba Soomaaliya ama Saddex Soomaaliya.

Awoodda Dawladda Dhexe waxaa laga akhrisan doonaa sida ay uga jawaabaan shirkadaha Maamul Goboleedyada heshiishka kula galay  dhulka xilli hore ay dawladda Maxamed Siyaad ruqsada ugu siisay inay shidaal ka baaraan, maadaama ay dalka kaga baxeen khatar amni oo soo waajahday ee aanay jirin sabab kale (Force Majeure). Arinta tijaabada kowaad ah waa shirkadda laga leeyahay Norway DNO oo hubeyneysa cutubyo ka tirsan ciidanka Somaliland si ay u ilaaliyaan hawlaha shidaalka lagaga baarayo dhulka gobolka Sool oo uu ku taagan yahay khilaaf loo arko in arrintani ay dab ku sii shidi karto. Arrintan waxay saamaynaysaa dhammaan shirkadaha yar yar ee heshiishyada ka haysta Maamulada Puntland iyo Somaliland oo u shaqeeya qaab madax bannaan, laakiin hadda ay iyo wixii ka danbeeya ay soo waajihi doonto caqabado wiiqaya awoodooda iyo habka ay u shaqeeyaan.

Ugu danbayntii, waxaan rajaynayaa in arrintani ku dhamaato si waafaqsan dastuurka dalka iyo dawladnimada Soomaaliya, isla-markaasina cid walba qaadato awoodda ay leedahay si loo yareeyo siku-dhac ku yimaada DFS iyo Maamulada Gobolada. Marka la eego DFS iyo Maamul Goboleeydyada, Labada qoloba waxay leeyihiin laba awoodeed oo is weydaarsan; tan kowaad, Dawladdu waxay leedahay sharciyad ay dalka ku metelayso Magaca Dawladda Soomaaliya, Maamulada Goboladuna waxay leeyihiin awood ah inay dhulka shidaalka ee laga hadlayo ay iyagu maamluanaan. Waxaa loo baahan yahay in labadaa arrimood inta la is waafajiyo laga soo saaro wax dan u ah dadka Soomaaliyeed oo dhan ee aan waqti iyo khilaaf aan macno lahayn lagu dhammayn wax aan dadka Soomaaliyeed waxba dhaxalsiin doonin.

Halkaan ka akhri war-saxaafadeedkii Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta DFS ay ka soo saarat shirarkii Washinton

http://kismaayonews.com/2014/09/04/the-ministry-of-petroleum-and-mineral-resouces-had-two-days-intensive-meetings-with-us-state-department-and-the-major-international-oil-companies-in-washington/



Cabdirashiid Muuse Siciid
Qoraa, lafa-gure siyaasadeed iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax bannaan
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter:@AbdirashidMuse


No comments:

Post a Comment