Wednesday, June 25, 2014

Hanbalyada iyo Farriintayda Kowda July




Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu hanbalyeynayaa 1-da bisha Luuliyo oo ku beegan sannadguuradii 54-aad ee Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliya.Maanta waa maalin ku weyn taariikhdeena iyo dowladnimadeena, waana maalintii aynu ku soo biirnay mujtamaca adduunka, isla-markaana muujinay in aynu u qalano waxa aynu nahay. Inkastoo aynu soo marnay maalmo farxad iyo murugo leh, haddana waxaan wada ognahay in himilooyinka ummadeenu ku dooneysay inay ku noqdaan bulsho casri oo la jaan-qaadda ummadaha adduunka uu dhaawac weyn soo gaaray, taasina waxaa sabab u ah innaga iyo kuwa inaka horjeeday ee doonayey inay wiiqaan awooddeena, midnimadeena iyo dowladnimada.

Maanta oo laga googo 64 sano markii aynu isu nimi si aynu u dhisno qarankan weyn, waxaa aniga oo fadhiya halkii xarunta u ahayd qarankan aan dareemayaa in ummaddeena ay ku hareeraysan yihiin khataro fara badan oo u baahan in dadkeedu fahmaan oo ay si wada jir ah u wada waajahaan. Waxaan fahamsanahay aynu soo marnay waqti aad u adag oo khatar badan, welina dalkeenu aanu gaarin meel berri-ammaan ah.
Weynu taag-daranahay, weynu is-necebnahay, weynu kala qaybsannahay, weynu kala horjeednaa, waxaynu u muuqannaa kuwo laga dhigay inay kala dan iyo ujeeddooyin yihiin. Dalkeenna Soomaaliya waxa la suntay qaran fashilmay iyadoo dadkiisu u fikirayaan xaafad xaafad iyo gobol gobol u kala tartama lidkeenna.

Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay mar kale isu yimaadaan oo midoobaan iyagoo wax ka baranaya wixii ay soo mareen, isla-markaana dhayaya dhaawacyadii inna wada gaaray. Waa in aan isla garanaa in xaaladda aan ku jirno ay dan u tahay kuwa inaka horjeda oo keliya ee ay tahay in aynu burburino gidaaraka kala-qaybsanaanta. Waxaan idiinku baaqayaa inaad ka tagtaan qabiilka iyo is-xaafadaysiga. Fadlan nacaybka ku bedela is-jacayl iyo walaaltinimo, fadlan damaca gaarka ah ah ku beddela danta guud iyo wax-wada-yeelasho.

Waxaan ummadda u rajeynayaa midnimo, walaaltinimo, is-jacayl iyo in laga wada shaqeeyo danta guud ee aynu wada leenahay.

Ilaahoow u hiili ummadda Soomaaliyeed iyo qarankan weyn.

Wednesday, June 4, 2014

Soomaalidu ma qowmiyad baa mise waa qowmiyado?


Waayahan waxaa dhegahayga ku soo badanayey adeegsiga ereyga "Qowmiyad", waxaan ereygan inta badan ka maqlayey qalabka warbaahinta ee Soomaalida iyo meelaha dadku ku kulmaan ee ay ku sheekaystaan oo aan arkay dad leh anogoo ah qowmiyadda hebla.

Ereyga qowmiyad waxa uu isticmaalkiisu soo batay markii uu bilaabmay baraarugga Maamul Goboleedyada qaarkood, waxana kooxdii dooneysa in ay degaan mucayin ah maamul ka samayso ay isku magcaabeen qowmiyad. Tusaale ahaan waxaan maqlay qowmiyadda Daarood markaasaan waxaan is-weydiiyey oo miyaanay ka mid ahayn beelaha Soomaaliyeed, haddana, waxaa iigu xigtay qowmiyadda Digil iyo Mirifle kolkaasaan is-weydiiyey oo tolow qolyahan doonaya lixda gobol ama saddexda gobol waxa keliya ee ay dad ku abaabuli karaan malaha waa in ay yiraahdaan innagu qowmiyad goonni ah ayeynu nahay. Waxaan is-weydiiyey oo haddii ay iyagu lahjad duwan ku hadlaan miyaanay marmarsiinyo u heli karin in lagu magcaabo qowmiyad, maaddaama dastuurka lagu dhigay " May iyo Maxaa tiri".

Intaa markaan maqlay ayaan haddana maalin dhoweyd waxaan niman  ka maqlay iyagoo leh " annagoo ah Qowmiyadda Hawiye". Waa yaab! oo haddii qola kasta ay qowmiyad sheegato sow Soomaalidu iskuma suntin qawmiyado kala duwan?

Aniga maxay ila tahay " Qowmiyad,
قومية"

Kelmadda Qowmiyad waa carabi waxana ay ka timi " Qowm" , waana dad ama shacab goonni ah oo ka duwan ummadaha kale marka loo eego afka, iyo asalka ama sooyaalkooda.Dadkaasi waxa ay leeyihiin waxyaalo mideeya marka loo eego dadka kale, waana laga yaabaa in ay laftigoodu aanay waxyaalaha qaar ka midaysnayn sida diinta.

Qowmiyad waa aydaloojiyad iyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid bulsho oo ka imanaya fahamka guud ee Ummad, waxana ereygan qowmiyadnimadu kor u kacay xilliyadii kacaanadii wershadaha, burjiwaasiyada iyo lebaraalnimada.

Ummad marka laga hadlayo waa erey-bixin qaanuuni ah iyo mid siyaasadeed, waxana lagu cabbiraa dad ay isku xirto waxyaalo goonni ah sida luuqad, taariikh iyo jinsi marka dhinac laga eego, iyo weliba iyagoo ay ka dhexeyso dan iyo ujeedooyin mid ah marka dhinaca kalena laga eego, waxana dadkaasi leeyihiin dhul ay deggan yihiin, xitaa muhiim ma aha in ay lahaadaan nidaam siyaasadeed oo gaar ah ama mid iyagoo dhan mideeya oo ay ku hoos jiraan.

Dadka Soomaalidu markaan eegno waa dad ka midaysan afka, dhaqanka, diinta, taariikhda iyo ujeedooyinka marka loo eego aragtidayda, waxana ay ku sifoobayaan hal qowmiyad iyo ummadd.

Soomaalidu waxa ay la mid yihiin qowmiyadaha Carabta, Kurdiyiinta, Oromada, Amxaarada IWM. Waxa kale oo muhiim ah in la kala ogaado in qowmiyad kasta ay u qaybsamayso qabiilo waaweyn iyo qaybo kala duwan.

Sidoo kale, waxaa ayaan-darro ah in mararka qaar aan maqalno wax loogu yeeray ummadda Somaliland iyo ummadda Puntland IWM. Dadka Soomaaliyeed ee dhulkaasi ku dhaqan iyo kuwa kale oo ku jira nidaamyo siyaasadeed oo ka baxsan kan Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ma noqon karaan ummado gooni ah ee waxa ay ka mid yihiin ummadda Soomaaliyeed ee ballaaran.

Ugu damayntii, walaacayga ugu weyn waxa weeye in dadka Soomaaliyeed lagu hayo dagaal dhinac fikirka ah oo duullaanna lagu yahay midnimadooda iyo ummadnimadooda.Waxaan kula talin lahaa Warbaahinta in ay xushaan isticmaalka ereyada oo ay ka eegaan micnaha dhabta ah ee ay yeelan karaan ereyada ay adeegsanayaan. Dadka Soomaaliyeedna waxaan ku boorin lahaa in ay adkaystaan midnimadooda iyo ummadnimadooda.

Abdirashid Muse

Safarka Madaxweyne Gaas iyo siyaasadda Ethiopia?


Madaxweynaha Puntland mudane Dr Cabdiwali Cali Gaas waxa uu booqasho lagu tilmaamay mid rasmi ah ku joogaa dalka Ethiopia. Waxa uu madaxweynuhu Addis Ababa kala kulmay soo dhoweyn iyo qaabilaad miiqaamkeedu sarreeyo, waxana ay wadahadalo saacado qaatay uu la yeeshay madaxda ugu sarraysa ee dalkaasi sida Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidamadda Difaaca Ethiopia iyo madax .

Imika waxa uu booqanayaa magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, halkaasi oo si wanaagsan loogu soo dhoweeyey. Booqashadiisa Jigjiga waa mid dhinacyo badan taabanaysa sida siyaasad, dhaqaale iyo dhaqan ama bulsho.

Madaxweynuhu waxa uu maanta ka qaybgalay kulan uu yeeshay golaha xukuumadda ee maamulka Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, isagoo sidoo kale booqday xarumaha dowladda iyo taallada Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Sida uu soo tebiyey television-ka Ethiopia, dowladdaEthiopia waxa ay maal-gashan doontaa Puntland si loo helo Dowlad Federal ah oo Soomaaliyeed oo gudan karta shaqadeeda, iyadoo Ethiopia oo ugu awood badan IGAD ay imika ciidamadeedu ku soo bireen hawlgalka Amisom, khilaafna ka jiro kaalinta IGAD ee maa maamul u samaynta degaanada laga qabto qolyaha dowladda ka horjeeda. Hadaba, Ethiopia maxay ka damacsan tahay Puntland ama guud ahaan dalka Soomaaliya?

Dhawr bilood ka hor Ra’iisul wasaaraha Ethiopia waxa uu si cad ugu dhiiraday in uu sheego in dowladdiisu ay cudud militari ku difaaci doonto Somaliland haddii ay khatari kaga timaado waxa ay iyagu ku sheegeen Soomaaliya ama quwado kale oo ka dhan ah Somaliland. Dowladda Federalka ee Soomaaliya kama hadlin hab-dhaqanka noocaasi ah ee ka dhan ah danaheeda qaran, waxana ay ka dhigtay mid iska caadi ah, laakiin baroortu orgiga ka weyn!

Arrintani waxa ay ka turjumaysaa wejiga siyaasadda dhabta ah ee Dawladda Itoobiya ee ah in Maamul Goboleedyada la siiyo awood ay kula gorgortami karaan dowlladda dhexe, awooddaasina ma aha mid dhamaystiran si balance loo sameeyo, qola kastana loo muujiyo in aanay ka maarmin Itoobiya.Nin walbana usha markiisa lagu dhufto.

Waxaa haboon in aynu Ethiopia maanta la samaysanno xiriir wanaagsan oo ku salaysan "Mutual Respect" ama is-qadarin, maadaama aanay dan inoogu jirin in aynu xilligan siyaasad ka-hor-imaad ah ku waajahno Ethiopia waayo waxaan joognaa meel eber ah.

Puntland ama Somaliland haddii ay xiriir gaar ah la samaysanayaan Ethiopia waa mid waaqica iyo duruufaha aan ku jirno ay keenayaan,laakiin arrintani qiil uma noqon karto in lagu xadgudbo qaranimada Soomaaliya iyo shuruucda caalamiga ah . Ethiopia waa dal aan jaarnahay oo aan wax badan wada qabsan karno haddii la ilaaliyo masaalixda qola kasta. Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in ay la timaado siyaasad cad oo micno iyo daraasad xanbaarsan oo arrintan lagu waajaho.

Saxaafad kasta ee adduunka waxa ay ka shaqaysaa danta ummadeeda


Saxaafadda Masar waxa ay si gaar ah uga hadashay safarka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ku tegay dalka Ethiopia marka loo eego tan kale ee wadamada Carabta. waxaan soo qaadanayaa Al-Masrul Yowmiyo iyo Al-shuruuq oo il gaar ah siinayey safarkan iyo kuwii horeba.

Saxaafadda adduunka waxa ay xoogga saaraan waxa danta qarankoodu tahay, saxaafadda Carabtu si bey u hadashaa tan reer galbeedka iyo mid kasta oo waddan leeyahayna qaab goonni ah bey u hadlaan iyagoo muhiimadda siiinaya danta qarankooda iyo ummadooda.

Ethiopia iyo Masar waa laba quwadood oo ku loolamaya biyaha webiga Niilka, waxana Masar ay Soomaaliya u isticmaali jirtay aalad wax lagu tahdiidiyo ama lagu jirdilo, si aan muran u gelin Saamiga libaax ee Masar ee biyaha Niilka. Masar ma jecla in cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia hagaago ee waxa ay dooneysaa in ay weligood madaxa iskula jiraan. Dib-u-saaxiibidda Soomaaliya iyo Ethiopia waxa ay laf-dhuun-gashay ku tahay Masar oo aan haysan taageero wadamada uu maro webiga Niilka. Dhowaan Dalka Sudan waxa uu taageeray Biya-xireenka weyn ee Ethiopia dhisayso ee Renaissance Dam ama biyaxireenka Dib-u-curashada loogu magacdaray, kaasi oo tamar badan siin kara dalalka Afrika iyo xitaa dalka Yemen, ayna ku kacayso lacag ka badan $ 5 bilyan oo dollar.Ethiopia waa quwad soo baxaysa oo dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho waxana Masar oo sannadihii ugu dameeyey ay degeen khilaaf gudaha ah imika dooneysaa in Soomaaliya ay sii ahaato saaxiib ay danaheeda ku fushato.

Waxaan dorraad akhrinayey Buugga la magac baxay Halgan iyo Hagardaamo oo uu qoray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf Axmed, waxana ku xusan in Masar aanay doonayn in uu hagaago xiriirk aynu la leenahy dalka aan jaarka nahay ee Ethiopia, laguna sii jiro xaaladdii hore , taasi oo u danayneysay Masar. Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yusuf Axmed waxa uu sheegay in denjirahii Masar u fadhiyey Addis Ababa xilligii shirkii Sodare uu u sheegay siyaasadda dalkiisa ee ku aadan Soomaaliya.

Cabdulaahi Yusuf Allaha u naxariistee waxa uu buuggiisa ku sheegay in safiirku markii uu u sharraxayey danta qarankiisa ee ku aaddan biyaha Niilka, Ethiopia iyo Soomaaliya, uu ka codsaday in walaalaha Soomaalidu la difaacaan webiga Niilka. Allaha u naxariistee Abdullahi Yusuf waxa uu safiirkii weydiiyey safiirka war anagana Ethiopia waxaa naga dhexeeya webiyo aan lahayn heshiishyo xadeeya, biyahayaguna waxa ay ka yimaadaan Ethiopia ee ma wada difaacannaa labadaba, maxaad u leedihiin annaga Niilka nala difaaca? waxa ay ku noqotay su'aal aad u adag, waxana uu ugu jawaabay weligay ma arag nin kaa caqli badan oo Soomaali ah oo sidaasi iigu jawaabay intii aan hawlahan ku jiray.

Anigu waxaan dalka Masar weydiin lahaa haddii aad la hesiisiin Israel oo imika xiriir wanaagsan idinka dhexeeyo, maxaad uga xun tihiin haddii aan wada-shaqayn iyo xiriir wanaagsan la yeelano Ethiopia-yada maanta oo aan wax wada qabsanno, maadaama dhul iyo dano badan naga dhexeeyaan

Abdirashid Muse 


Maxaan ka baran karnaa xasuuqii Rwanda?



20 sano ayaa ka soo wareegtay markii dadka wadanka Rwannda ay muddo 4 bolood ka yar iska xasuuqeen dad ku dhow hal malyuun oo ruux, iyagoo u kala qaybsamay qawmiyadaha Hutu iyo Tutsi. Maanta, xaaladdu 20 sano ka hor waa ka duwan tahay waxana dadkaasi oo ka heshiiyey xasuuqaasi ay u midoobeen in ay qarankooda dhistaan dibna aanay u soo celin falkaasi gurracan. Haddaba maxaan ka baran karnaa xasuuqaasi gaar ahaan dhinaca dib-u-heshiinta dadka ?
Anigu waxaan qabaa in cashar fara badan aan ka baran karno sida loo duugo nacayb iyo cuqdadka ka dhexeysa dad marka loo maro nidaam caddaaladeed oo dadka u xaqsooraya, lana xalliiyo xididada ay dhibaatadu ka imanayso.

Dadka Soomaaliyeed waxaa soo maray dagaal dhexdooda ah, waxana ay isu dagaaleen qabiilo , iyadoo ay dheceen tacadiyo ba’an oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Waxaa la laayey dad fara badan waxaana la kala qabsaday hanti iyo dhul.
Suuragal ma aha in iyadoo aan laga garaabin dhibaatadii dhacday, laga heshiin tacadiyadii dhacay , hantida la kala haysto la isu celin, lana samayn nidaam dowladeed oo caddaalad iyo matalaad siyaasadeed oo xaq ah ku salaysna , ay hirgasho dowlad Soomaaliyeed oo la isku raacsan yahay.

Dhibaatada Soomaalidu waa ay ka adagtahay, kan weyna ka fac weyn tahay tan wadanka Rwanda, waxana ay soo socotay tan iyo taliskii Siyaad Barre iyo xilliyo ka horreeyey lakiin duruuftu kala duwanayd. Dad Soomaaliyeed ayaa lagu xadgudbay iyadoo la wato shaar dowladeed oo qabiil huwan. Dad Soomaaliyeed ayaa dhulkoodii, hantidoodii, sharaftoodii iyo dhiigoodii la banaysatay, iyadoo qaar kalena la adoonsaday.

Dadka u haysta in shir maalin iyo habeen lagu qabto oo dib-u-heshiisiin ah ay dhibaatada Soomaaliyeed ku dhammaanayso, waxa ay ku nool yihiin khiyaali, runtiina dhab kama aha xalinta dhibaatada Soomaalida haysata oo soo jiitamaysay 30 sano wax ka badan.
Markii ay burburtay dowladdii militariga ee Siyaad Barre, dadkii dowladdaasi ka horjeeday ee riday qola walba fursad ayey heleen, tusaale ahaan kuwii gooni-goosadka ku taamayey waxa ay ku dhawaaqeen maamul si hal dhinac ah u sheegtay in uu ka madax-banaanyahay dalka intiisa kale, halka, qoladii kalena ay gacanta ku wada dhigtay wixii Soomaali ay wada lahayd, islamarkaasina wada qaateen hantidii ummada, tii caamka ahayd iyo dhulkii , iyagoo xitaa madiidiyey ummaad Soomaaliyeed oo ay ahayd in ay si sharaf leh ku noolaadaan.

Dhibaatada Soomaalidu waxa ay ka soo bilaabanaysaa nidaamka siyaasadeed oo ahaa mid qabiil lagu barxay, waxana dadka markaa dowladda haystay ay ku tagrifaleen awoodda, waxana dadkii kale ay u arkeen nidaamka dowladeed mid iyaga lagu bahdilayo oo aan caddaalad ku salaysnayn.
Waxaan arkay dad Soomaaliyeed oo weligood ku doodayey waxaa na xasuuqay nidaamkii Siyaad Barre oo iyaguna shaar dowladeed ku laynaya dad Soomaaliyeed oo ka horjeeda aragtidooda siyaasadeed. Haddii aad rumaysan tahay in adiga lagugu tacidiyey ma aha in aad dhibaatadii lagugu sameeyey ku celiso dad aan waxba galabsan, keliya doonaya midnimada.

Ayaan dhoweyd ayaan waxaan akhrinayey qoraal ka hadlaya dad soo faagaya qabuuro wadareedyo ku yaalla meel ku dhow magaalada Hargeysa, waxana dadkii ka qaybgalay ka mid ahaa dad caddaan Maraykan ah oo ka socday urur ku-xeeldheer baaritaanka waxyaalihii hore, waxan ay baaritaan ku samaynayeen lafihii dad hore oo dhintay dhamaadkii sideetamaadkii, si daliilaha laga helo baaritaankan loogu xoojiyo dacwadda loo haysto General Cali Samantar.
Markii aan akhrinayey qoraalkan oo lagu qoray wakaaladda AP ayaa waxaa ishaydu qabatay arrin aan la yaabay oo ahayd waxaa dagaaladii dhexmaray taliskii Siyaad Barre iyo jabhaddii SNM ku dhintay 50 oo ruux oo rayid ahaa oo loola jeedya qabiilka Isaaq. Marka laga tago askarta labada dhinac ka kala dhimatay, waxaan qiyaasayaa in tiradaasi la buunbuuniyey waayo khasaaraha dhimashada waxa uu ka tarjumayaa tirada dadka iyo hubka la adeegsanayo. Marka laga hadlayo dalka Suuriya dad ahaan wuu ku laba jibaarmaa Soomaaliya, waxana dagaalka goob kasta ee dalkaasi ka mid ah mudada 3-da sano ka badan ka socda ee hubka ugu culus loo adeegsanayo sida kiimiko iyo duqayn dhul, cir iyo bad ah leh waxaa ku dhintay wax xoogaa ka yara badan boqol kun oo ruux. Waxaan filayaa in qof kasta oo labadaasi isu qiimeeya aanay wax isu dhow ahayn.

Waxaan qirayaa in dad Soomaliyeed lagu laayey waqooyiga Soomaaliya dadkaasi oo isugu jira ciidan dowladeed, jabhad iyo shacab cid walba oo Soomaali ah ka koobnaa oo halkaasi ku sugnaa ha ugu badnaadeen Isaaq iyo Soomaalida gobolka Ogadenia oo dhulkaasi ku soo qaxay. Waxaa intaasi dheer, markii xukunkii Siyaad Barre dhacay waxa jabhaddii SNM ay aargoosi kula dhaqaaqday dadkii Soomaliyeed ee aan hubaysnayn ee loo aanaynayey in ay taageersanaayeen nidaamkii Siyaad Barre. Waxaa Jabhadhaasi oo ka faa’iideysanaysa hubkii iyo tababaridii ay heshay ay galeen magaalooyin ku yaalla waqooyiga Soomaaliya ee ay degan yihiin beelaha Dhulbahante, Warsangeli iyo Samaroon, waxana ay halkaasi ka geysteen tacadiyo baahsan oo ka dhan ah aadanaha.

Haddii aan la qirin wixii dhacay iyo cidii geysatay islamarkaasina si caddaalad ah looga heshiin ilama aha in la heli karo wax la isku raacsan yahay iyo nidaam dowladeed oo dadku ay raalli ka wada yihiin, qof kastana xuquuqdiisa sugaya.
Xasuuqa Rwanda waxa uu cashar u yahay qaran kasta oo dhexdiisa uu ka dhaco dagaal sokeeye, waxa micnaha buuran samaynaya waa in dhibaata kasta oo dhacda inta ay doonto ha leekaato’e maalin uun laga heshiin karo oo dib loo yagleeli karo qaran fursad isku mid ah siinaya muwaadiniintiisa, loona siman yahay caddaaladda.
Dib-u-heshiisiinta Rwanda hal maalin kuma iman ee waxaa loo maray hannaan, waxaa loo saaray guddiyo iyo dad hawshaasi qaabilsan, tusaale ahaan waxaa la sameeyey guddiga is-cafinta iyo runta. Dib-uheshiinta waxaa laga soo bilaabay bulshada iyadoo lagu heshiiyey xukunka iyo talada dalka.

Maanta, Dadka Soomaaliyeed siyaasadda iyo xukunka dalkana kuma heshiin, bulshada dhexdeedana dib-u-heshiin iyo wax isu celini kama dhicin.
Wadanka Rwanda waxaan ka baran karno ee casharka muhiimka ah waa ” waxa inaka dhexeeya ayaa 100% ka muhiimsan oo ka qaalisan waxa aynu isku hayno oo wax badan inakaga lumayaan”. Waxa aynu isku khilaafsanahay ee aynu ku kala tagsanahay ee aynu ku luminay dowladnimadeena waxa uu inooku kacayaa qiimo badan iyadoo xitaa uu jiritaankeennu uu khatar gelayo, mana jirto cid si gaar ah u faa’iideysa.

Xasuuqa Rwanda waxa uu ina tusayaa sida wax kasta oo dhaca looga heshiin karo xitaa haddii ay malaayiin qof ku dhimato. Qiil ma leh kuwa ku doodaya anaga 50,000 baa nalaka dilay iyo diyaarado ayaa nalaku duqeeyey waayo taa waxaa geystay keligii-taliye la mid ah Bashaar Assad iyo nidaamkii Khmer Rouge ee dalka Cambodia, mana ahayn wax ay Soomaalidu heshiis ku wada ahayd.

Ma jirto cid qiil ka dhigan karta Muqdisho ayaa nalaku xasuuqay oo hantidayadii lagu dhacay, ma jirto cid oran karta lagama hadli karo meeqaamka iyo meesha ay caasimadda Soomaaliya noqoneyso maadaama Muqdisho lagu kala tegay, mana jirto cid hor-istaagi karta dib-u-heshiinta, is-cafinta iyo dib-u-yagleelidda dowladnimada Soomaaliyeed.
Ugu damayntii waxaan kula talin lahaa dadka Soomaaliyeed in ay is-cafiyaan, taasina waxa ay u baahan tahay waqti, maal iyo shaqo adag oo ay tahay in dad Soomaaliyeed qabtaan ama wadanka gudihiisa lagu sameeyo.

Illaah ha mideeyo dadka Soomaaliyeed
Illaah ha Karaameeyo Soomaaliya iyo dadkeeda
Illaah nabad ha innaku nimcaysto

Cabdirashiid Muuse Siciid 
Qoraa Soomaaliyeed oo madax-bannaan
abrashidmuse@gmail.com


Shidaalka Soomaaliya waxa uu beddelayaa sicirka saliidda ee caalamka haddii la soo saaro


Xeebaha Soomaaliya ee bad-weynta Hindiya ayaa loo badinayaa in ay ku jiraan kayd shidaal oo ka mid ah kuwa ugu weyn adduunka . Khuburada dhinaca daraasaadka Juquraafiga ayaa tilmaamaya in balaayiin birmiil oo shidaal aan weli la taaban ah uu ku jiro badda iyo berriga Soomaaliya.Sida uu qoray Strategic Intelligence, Dowladda Soomaaliya waxa ay shirkadda weyn ee British Petroleum heshiish kula gashay in ay baaritaan ku samayso shidaalka Soomaaliya, waxana ay shirkaddaasi sahmin doontaa gaaska iyo saliidda Soomaaliya.Mareegta Strategic Intelligence waxa ay qortay jiritaanka kayd shidaal oo weyn oo ku jira Soomaaliya, kaasi oo beddeli kara sicirka adduunka haddii la soo saaro. Xog la helay ayaa muujinaysaa in gobolka Soomaaliyeed ee Puntland uu leeyahay 10 bilyan oo birmiil ama fuusto oo kayd shidaal ah , waxana taasi gobolkaasi ka dhigaysaa 20-ka waddan ee ugu sarreeya wadamada leh shidaalka.
Khuburo ayaa sheegaya in dalka Soomaaliya laga heli karo 110 bilyan oo birmiil oo saliid ah iyo 100 tiriliyan oo Cubic feet oo gaas ah.Waxana ay tani Soomaaliya awood u siineysaa in ay beddeli karto sicirka seyladaha adduunka.

Shirkad baaris ku samaysay ceelal shidaal oo ku yaalla Puntland waxa ay qiyaas ku bixisay in 4 bilyan oo birmiil oo shidaal ah laga helayo ceelesha iyo degaanada ay baaritaanka ka samaysay ee Dharoor, waxana shidaalkaasi uu qiimo ahaan u dhigmaa $500 bilyan oo dollar marka loo eego sicirka xilligan ee seyladaha adduunka.
Haddii la soo saaro, shidaalka Soomaaliya waxa uu soo gelayaa suuqyada addduunka, iyadoo Soomaaliya ay ka hormarayso wadamada Nigeria iyo Kuwait, waxana ay geleysaa lambarka 7-aad ee wadamada ugu waaweyn ee shidaalka soo saara.

Danaha shidaaalka ee Britain ka leedahay Somalia
Danaha dhinaca shidaalka Britain ee Soomaaliya waxa uu dib u soo shaac baxay xilligii shirkii London ee loo qabtay dhinacyada Soomaalida iyo beesha caalamka bishii May sannadkii 2012ka, kaasi oo taageero loogu muujinayey Soomaaliya. Danaha Shidaalka ee Britain waxa ay ahaayeen kuwo qarsoon, waxana ay London ku doodeysay in taageeradeeda Soomaaliya aanay ku lamaanayn ujeedooyin dhaqaale.
Warbixino dhinaca war-doonka ah oo la helay waxa ay sheegayeen in dowladda Britain ay danaynaysay in ay hesho heshiisyo dhinaca shidaalka ee badda iyo berriga Soomaaliya ah. Dowladda Britain waxa ay heshiishyo la dooneysay shirkado dhawr ah oo waddankaasi laga leeyahay oo ay ka mid yihiin British Petroleum BP iyo Asante Oil.
Shirkadda British Petroleum BP waxa ay heshiish dhinaca shidaalka ah la gashay Dowladdii Militariga ee uu hoggaaminayey AUN Maxamed Siyaad Barre, laakiin waxa ay waddanka iskaga baxday markii ay dalka la wareegeen jabhadihii ay gar-wadeenka ka ahaayeen hoggaamiyayaasha Kooxaha.
Marka la eego xeerarka caalamiga ah, heshiishyadani weli waa kuwo sharci ah, waxana dowladda Britain dooneysaa in shirkadda BP ay dib u gasho Soomaaliya si ay hawlaheedii u bilowdo.Cabdulahi Xaydar oo la-taliye sare dowlada Soomaaliya ugu ah dhinaca shidaalka , ayaa dhowaan shaac ka qaaday in Dowladda Soomaaliya ay meelmarinayso heshiishyadii hore ay dalka Soomaaliya uu la galay shirkadaha shidaalka ee shisheeye – ee ay ka mid yihiin , Royal Dutch Shell, Chevron iyo BP – oo haystay heshiishyo ka hor dagaalkii sokeeye.Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in iyadoo la tixraacayo heshiisyadii hore, ay dowladdu wadahadal kula jirto shirkadahaasi si ay dib ugu soo laabtaan oo ay u sii wadaan hawlohoodii.Robert Sheppard, oo ah maamulaha shirkadda shidaalka ee Soma Oil and Gas oo ay dowladda Soomaaliya la gashay heshiis ku aaddan sahminta shidaalka Soomaaliya, ayaa dhowaan sheegay in Soomaaliya ay muhiimad weyn oo dhinaca shidaalka ah leedahay, waxana uu tilmaamay in muhiimaddaasi ay xoojinayso shidaalka laga helay dalalka bariga Africa.

Maamulka Somaliland ayaa shirkadda Asante Oil heshiish kula galay Boloogga Nugaal ( Nugal Block). Boloogga Nugaal waxa aad ugu badan Hydrocarbon –ka, waxana imika baaritaan ku haya shirkadaha Horn Petroleum iyo Africa Oil, oo iyaguna heshiish kula galay maamulka Puntland.Warar la helay ayaa xaqiijinaya in shirkadaha BP iyo Shell ay hindiseen in ay taageeraan mashaariic dhinaca shaqo-abuurka ah oo laga fulinayo xeebaha Soomaaliya si ay u adkaystaan danahooda shidaalka ee Soomaaliya.
Shirkadda Shell waxa ay Soomaaliya ka haysataa heshiis dhinaca sahminta shidaalka, waxana la qorsheynayaa in ay dalka dib ugu soo noqoto marka la gaaro 2015-ka, sida laga soo xigtay saraakiisha shirkaddaasi oo la hadlay Bloomberg.
Dowladda Britain waxa ay dooneysaa in ay si weyn u maal-gashato dhinacyada ammaanka iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya, iyadoo ay kor u kaceen danaheeda dhinaca tamarata ee Soomaaliya.

Marka laga tago gobolada nabdoon, dhulka kale ee dalka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxa uu u muuqdaa mid aanay suuragal ahayn in xilligan laga sameeyo shidaal-baaris, laakiin waxa keliya ee la samayn karo ayaa ah heshiisyo la galo iyo dhul la sii qabsado si hadhow markii nabaddu timaado looga hawlgalo
Danaha Dowladda Britain waxa xooggoodu u muuqdaan kuwo dhinaca tamarta ah, inkastoo ay jirto in ay yara xiisaynayaan in ay maal-gashadaan dhinaca ammaanka ee dalka sida ay sheegeen dadka la socda arrintan , waxaana taa laga garan karaa ku-luglahaanshaheedda la dagaalanka Al-shabaab.

Khatar amni
Shidaalka ayaa lagu tilmaamaa wax halaag iyo barwaaqoba labada noqon kara, waxana tusaale loo soo qaadan kara in dalal badan ay ku barwaaqoobeen halka kuwo kalena aanay ku hodmin. Wadanka Nigeria oo ka mid ah dalalka ugu horreeya adduunka ee dhinaca dhoofka shidaalka ayaa waxaa la tilmaamay in lacagaha ka soo xerooda la musuqmaasuqo iyadoo aan dhulkii laga soo saaray waxba loogu qaban ama lagu celin, waxana taasi dhalisay dil iyo afduub lagula kaco shaqaalaha shirkadaha shisheeye. Waxaa xusid mudan sida saboolnimadu weli ugu sii baahsan tahay dalka Nigeria iyadoo dagaalada iyo xagjirnimada ka jirta waqooyiga dalkaasi ay ka dhalatay horumar la’aanta iyo gacan-bidixaynta degaankaasi.

Marka laga tago dhibaatada dhinaca ammaanka ee Al-shabab, waxaa suuragal ah in xitaa haddii la soo saaro shidaalka Soomaaliya ee aan si hufan loo maarayn ay ka dhalan karto khatar dhinaca amniga ah , maadaama dadku weli hubaysan yihiin.
Xilligan xaadirka ah, waxaa jira khatar weyn oo ka imanaysa Al-shabab si dalka looga fuliyo hawlaha soo-saaritaanka shidaalka. Iyadoo kooxdaasi xilli horeba ku hanjabtay in ay beegsan doonto hawlaha shidaalka ee Soomaaliya, waxana ay abaabuli karaan beelaha si ay uga horkeenaan dowladda iyo maamul goboleedyada, iyadoo dadka ku kicinayso “waxaa la dhacayaa khayraadkiinna”.

Ururka Al-shabab waxa uu ka hawlgeli karaa inta badan dhulka Soomaaliya oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland. Al-shabab waxa ay joogitaan ku leeyihiin Puntland, waxana ay laayeen saraakiil iyo ciidan ka tirsan maamulkaasi, iyadoo ay taasi muujinayso in ay ku dhaqaaqi ka karaan hawlgalo dil iyo afduub ah sida wixii ka
dhacay gobolka uu shidaalku ka soo baxo ee Niger Delta ee waddanka Nigeria.
Ururka Al-shabab oo muddo joogitaan ku lahaa buuraleyda Galgala ee gobolka Bari waxa uu ku dooday in ay ka hortegayaan shirkadaha shisheeye ee doonaya in ay dhacaan khayraadka Soomaaliya. Waxaa muuqata in khatar dhinaca amniga ah oo ku imanaysa xitaa gobolada nabdoon, sidaa awgeed soo-saaritaanka shidaalka Soomaaliya waxaa weli ku geedaaman khatar dhinac aamniga ah. Sidoo kale, muranka dhulka ee ay u dhexeeya maamulada Soomaaliya ayaa waxaa uga sii dari karaa shidaalka iyo heshiishyada iska horjeeda ee dhinac walba uu iskii u galay.

Heshiisyo is garab socda iyo mugdi sharciyadeed
Madaxweynihii hore ee Puntland General Cadde Muuse Xirsi ayaa dareenka dadka Soomaaliyeed u duway dhinaca shidaalka ee waddanka, kolkii u sheegay in uu heshiisyo shidaal baaris ah la gelayo shirkado ajaanib ah. Madaxweynaha oo ka dhabeeyey go’aankaasi ayaa qandaraasyo shidaal baaris ah siiyey shirkadaha Range Resouce iyo Africa Oil.Shirkadahaasi ayaa hawshoodi si habsami ah u bilaabay, waxana ay sahan ka bilaabeen Dooxada Dharoor ee gobolka Bari. Heshiishyadaasi ayaa waxaa ka hor yimi Xukuumaddii uu gar-wadeenka ka ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi, laakiin maadaama uu dowladdaasi madaxweyne ka ahaa asaasihii Puntland AUN Cabdilahi Yuusuf Axmed, ayaa lagu dhameeyey in Puntland ay ku sii socoto heshiisyada noocaasi ah ilaa inta laga hirgelinayo nidaamka Federaalka.
Puntland waxa ay ballaarisay dhulka laga baarayo shidaalka, iyadoo qandaraasyo shidaal-baarista ee Boloogga Nugaal siisay shirkadaha ajnebiga ah, waxana go’aankaasi ka hor yimi Somaliland oo khilaaf dhinaca dhulka ah uu kala dhexeeyo Putland.
Dhinaca kale, Maamulka Somaliland ayaa heshiish shidaal baarista ah la galay shirkado shisheeye oo ay ka mid yihiin Jacka Resources ASX, Asante Oil iyo Genel Energy. Waxana ay arrintani abuurtay xiiso ku aaddan u tartanka shidaalka Soomaaliya.
Dhammaan heshiishyadani waxaa galay qaybo ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya , mana aanay saxiixin cid matalaysay Dowladda Dhexe. Marka laga tago Somaliland oo si hal dhinac ah u sheegatay in ay ka go’aday dalka intiisa kale, Puntland waxa ay iyadu ku doodeysaa in ay diyaar u tahay in Dowladda Federaalku kaalinteeda qaadato marka la hirgeliyo nidaamka Federaalka, lana meermariyo xeerarkii kala hagi lahaa awoodaha Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Doodda Puntland waa caddahay oo waxa ay dowladda dhexe ku xujeyneysaa hirgelinta nidaamka Federaalka oo ay Puntland taariikh ahaan dabada ka riixaysay, laakiin dowladda Federaalka ayey tahay in ay caddayso mowqifkeeda ku aaddan arrintan, inkastoo mararka qaar ay ka soo baxeen hadalo ay ku dureyso heshiishyada halka dhinac ah ee ay galeen maamulada ka tirsan Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Maamulka Somaliland waxa uu u muuqdaa in uu qaadayo jidkii gobolka Kurdistan ee ku yaal waqooyiga Ciraaq, kaasi oo heshiishyo shidaal-baaris ah la galay shirkado shisheeye, waxana gobolkaasi uu iskii u dhoofiyaa shidaalka uu soo saaro, iyadoo ay ka hawlgasho shirkadda Genel Energy oo Somaliland laftigeeda heshiish la gashay, inkastoo dhowaan ay halkaasi ka daadguraystay shaqaalaheedii. Gobolka Kurdistan waxa uu khilaaf dhinaca shidaalka ah kala dhexeeyaa dowladda dhexe ee Ciraaq, waxana mid kan la mid ah la filayaa in uu dhex maro dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulada Soomaalida sida Somaliland.

Arrinta sharciyadda mugdiga ah leh ee laga yaabo in ay khilaaf abuurto ayaa ah heshiishyada is garab socda ee ay galeen maamulada Soomaalida. Waxaa intaasi dheer, Maamulada Puntland iyo Somaliland oo u shaqeeya hab madaxbanaan waxa ay shirkado shisheeye siiyeen dhul xilligii hore ay dowladdi militariga ee Soomaaliya siisay shirkado kale, waxana arrintani abuureysaa muran dhinaca sharciyadda ah.
Dhinaca kale, xilliyadii ugu dameeyey waxaa jiray khilaaf u dhexeeyey Kenya iyo Soomaaliya oo ku aaddan ku-xadgudubka Kenya ee 4 Boloog oo shidaal oo ku yaalla dhulka bad-weynta hindiya ee koonfurta Soomaaliya oo Kenya ay siisay shirkado Faransiis iyo Talyaani ah.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in tallaabadaasi ay liddi ku tahaya Sharciga Badaha ee Qaramada Midoobey ee 1982-dii. Khilaafkan waxa uu ka dhalanayaa fidinta xuduudka badda ee Kenya, waxana Kenya ay fidisay xuduudka badda ee xagasha ah ee labada dal.

Gabagabadii, iyadoo Soomaaliya ay ka soo baxayso khilaaf iyo dagaal, waxaa la hubaa in qola kasta oo shisheee ah ay dooneyso in ay danaheeda dhex-gashato Soomaaliyada berri. Wadamada derisku waxa ay doonayaan in ay qaabeeyaan Soomaaliyada mustaqbalka si aanay iyaga dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba khatar ugu noqon.
Shirkadaha shisheeye iyo wadamadoodu, gaar ahaan kuwa reer galbeedku waxa ay doonayaan in ay dhaqaale ka sameeyaan Soomaaliya, maadaama khayraad badan uu ku jiro Soomaaliya, muhiimna ay tahay meesha uu ku yaallo dalka Soomaaliya.
Qaybaha kala duwan ee Somaliya iyo goboladu waxa ay leeyihiin dano kala gaar ah, laakiin waxa muhiim ah in la ogaado in danta Soomaaliya oo mid ah oo ku dhaqmaysa nidaam siyaasadeed oo lagu heshiiyey, lana xaqdhawrayo cid kasta oo dalka ka mid ah ay tahay danta guud ee u adeegaysa maslaxadda qof walba iyo qarankan weyn ee Soomalaiya. Danta gobolka iyo tan reerku waxa ay u adeegayaan kuwa ka horjeeda Soomaaliya ee doonaya in ay muddo dheer ay Soomaalidu iyaga marti u sii ahaadaan.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa la gudboon in ay ilaaliso sharciga, midnimada iyo dawladnimada Soomaaliya, islamarkaasina qaaddo tallaabo kasta oo ay ku difaacayso qaranimada iyo maslaxadda ummadda Soomaaliyeed iyadoo ka duuleysa sharciyadda caalamiga ah ee ay haysato.

Cabdirashiid Muuse Siciid
Qoraa, lafa-gure siyaasadeed iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax-bannaan
Waxaa Lagu gaari karaa:
Email: abrashidmuse@gmail.com
Tell: +252616318823
Twitter:@AbdirashidMuse
Mogadishu-Somalia



Somaliland 18 May: Damac Siyaasadeed, durbaan qabiil iyo dadaal hungoobey

Hordhac & Koobid

Alxamddu Lilaahi wa Salaatu wa Salaamu calaa Rasuuli Laah wa c alaa Aaalihi wa Saxbati Ajmaciin.. Intaa kaddib..

Kolka taariikhda dib loo eego mar kasta oo ummad mid ah oo hal waddan wada leh ay khatar ugu jirto inay furfuranto oo kala qaybsanto iyadoo dadka intiisa badan ay aamusan yihiin, waxaa jira rag xor ah oo ka horyimaada oo yiraahda maya maya maya. Midnimada umaddu waa dalabka ugu muhiimsan ee shucuubta adduunka, si qarankaasi iyo dadkiisu ay u ahaadaan kuwo awood badan oo ku noolaado cise iyo sharaf. Kala-qaybsanaan kasta oo ku dhacda ummad waxay u horseeddaa diciifnimo, u nuglaanshaha cadawgooda iyo yaraansho ku yimaada xoogga ay wax ku qabsan lahaayeen iyadoo bulsho ahaan, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanna u taag-darraata. Luuqad kasta oo adduunka laga adeegsado waxaad ku arkaysaa maahmaahyo ama halkudhigyo kor u qaadaya midnimada iyo wada jirka ummadda, tusaale ahaan Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa gacmo wada jir bey waxku gooyaan, iskaashato ma kufto IWM. Diinteenna suubban waxay ummadda ugu baaqaysaa midnimo, wadajir iyo isku-tiirsanaan, sidaa awgeed, midnamada ummaddu Islaamka waa waajib iyo lama taabtaan iyadoo Aayado Quraanka Kariimka ka mid ah iyo Axaadiista ka sugnaaday Nebi Maxamed (SCW) ay xoojinayaan midnimada ummadda.

Ummadda Soomaaliyeed oo ka midaysan cirqiga ama jinsiga, diinta, dhaqanka iyo afka waxay nasiib u yeesheen inay dhul ahaan u degaan Geeska Afrika iyagoo mulkiyey dhul ballaaran oo ay si siman ugu wada noolaayeen muddo qarniyo ah. Dadka Soomaaliyeed ma lahayn nidaam dowladeed oo mideeya,islamarkssina habeeya amuurahooda dhaqaale iyo siyaasadeed ka hor gumeystaha Reer Galbeedka. Soomaalida oo ahaa xoolo dhaqato waxay ahaayeen dad guur guura waxana taasi keentay inay dhul ballaaran qabsadaan iyagoo riixay qawmiyadihii ay ood-wadaagga ahaayeen. Markii isticmaarku yimi ayey dadka Soomaaliyeed ku dhaceen godkii dhagarta ee magaaladda Berlin loogu qaybiyey shan qaybood.

Ummadda Soomaaliyeed isma dhiibin ee waxay gashay halgan xorriyad –doon ah oo ay dhulkooda kaga saarayaan ninka cad, inkastoo loo sameeyey soodimo gumeysi oo lagu kala qoqobayey, hadana bartimihii qarnigii hore waxaa soo dhowaaday xorriyadda. 1960-kii ayaa labadii gobol ee ay kala gumeysan jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu ka xoroobeen isticmaarka, waxana iyagoo dumiyey gidaarkii soodin beenaadka ay dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waxana loo hawlgalay sidii dhulka maqanna loo xorayn lahaa.

Dhammaadkii toddobaatanaadkii, waxaa xorriyad qaatay dhulkii Soomaaliyeed ee maxmiyadda Faransiiska, waxana lagu hungoobay dadaalkii lagu xorayn lahaa Soomaali Galbeed iyo NFD, iyadoo xilligaasi sidoo kale ay dalka ka bilaabmeen dhaqdhaqaaq hubaysan oo ka dhan ahaa nidaamkii militariga ahaa ee uu hoggaaminayey Gen. Maxamed Siyaad Barre. Dhaqdhaqaaqyadaasi hubaysan oo taageero caalami ah helay waxay waddanka kaga soo duulayeen gudaha Itoobiya iyagoo ku wada doodayey inay yihiin waddaniyiin doonaya inay xukunka ka tuuraan taliskii militariga ahaa, inkastoo ay wateen ajendo khiyaamo qaran oo gurracan oo ka dhan ahaa ummadda. Jabhadahaasi oo geddigood lahaa qorshe qabiil iyo damac gaar ah, waxay horraantii kow iyo shagaashankii ku guuleysteen damacood qaran-dumis, waxana ay meesha ka saareen dawladdii dhexe. Fallaagooyinkaasi reeruhu waxay mid kasta xoogga saartay dhulkii qabiilkoodu deganaa inkastoo ay hawlgaladoodu mararka qaar midaysnaayeen. Jabhadihii Koonfurta Soomaaliya ka hawlgalayey waxay ku dhaqaaqeen dagaal sokeeye iyo laynta, barakicinta iyo boobka hantida muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan denbi lahayn oo loo bartilmaameedsaday haybta ay yihiin oo keliya.

Jabhaddii keliga ahayd ee ka abaabulnayd waqooyiga Soomaaliya ee isku magcawday Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee Soomaaliyeed “Somali National Movement ama SNM” waxay iyana fulisay mashruucii khiyaamo qaran ee ay waddanka ku kala qaybinaysay. Sidoo kale, iyagoo ka faa’iideysanaya tababaradii iyo hubkii uu cadawgu soo siiyey ayey duullaan ku qaadeen goboladii ay ku dhaqnaayeen shacabkii Soomaaliyeed ee aan jabhadda ku qabiilka ahayn, waxana ay gabood fallo baahsan u geysteen dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee ay u aanaynayeen inay taageersanaayeen nimaadkii Siyaad Barre. Dhaqarqabayaashii jabhaddaasi waxay fuliyeen mashruucii khiyaamo ee cadawgu dalka la damacsanaa, waxana iyagoo xoog iyo caga-juglayn ku afduubay dadkii aan ku fikirka ahayn ay maalinta madaw ee 18-ka May 1991-dii magaalada Burco si haldhinac ah kaga dhawaaqeen in ay dalka kala gooyeen.

Dagaalkii waqooyiga Soomaaliya

Sida kor ku xusan dhaqdhaqaaqyada hubaysan waxaay Soomaaliya ka bilaabmeen dhammaadkii toddobaatanaadkii, kaddib markii laga soo laabtay dagaalkii 1977-dii ee dalka Soomaaliya uu la galay Itoobiya. Jabhadda isku magcawday Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee Soomaaliyeed “ SNM” ee ka been sheegtay magacaasi, waxaa 1980-kii lagu dhisay magaalada London ee caasimadda dalka Britain iyadoo saldhig ka dhigatay waddanka Itoobiya si la mid ah jabhaddii ka horreysay ee SSDF.Ujeedada ay Itoobiya hoyga u siisay jabhadahaasi waxay ahayd inay wiiqaan awoodda dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirtay Itoobiya, waxana tallaabo noocaasi ah qaaday nidaamkii Maxamed Siyaad oo gacan u fidiyey jabhadihii ka horjeeday taliskii Dergiga ee Itoobiya. Jabhaddii SNM waxay iyadoo kaashanaysa Itoobiya ay dagaallo ku dhufoo ka dhaqaaq ah ku soo qaadday difaacyadii iyo fariisimadii CXDS ee aagga waqooyi waxana ay markiii danbe u wareejisay magaalooyinka iyo meelaha ay dadku degan yihiin maaddaama lagaga adkaaday dagaaladii duurka, waxana tani ku tuseysaa laba arrimood: tan kowaad, inay gabbaad ama gaashaan ka dhiganayeen dadka rayidka ah ( Human Shields) si ay shacabka xanuunka u dareensiiyaan iyagoo ka rajaynaya inay dagaalkooda awood ku biiriyaan iyo in ay sahay iyo agab dagaal ay si sahal ku qabsan karaan, tan labaad, dagaalkooda waqooyiga ku koobnaa waxa uu muujinayaa mashruuca khiyaamo qaran ee ay ku doonayeen inay qabsadaan waqooyiga si ay dalka u kala gooyaan waayo haddii ay wadan lahaayeen ajendo qaran oo ah inyay xukunka militariga tuuraan waxay xoogga saari lahaayeen caasimadda sida ay inta badan sameeyaan jabhadaha xukun-doonka ah ee adduunka.

Dowladda Soomaaliyeed waxa keliya ah ee la gudboonaa waxay ahayd inay waddanka ka difaacdo jabhadaha rimay-gacmeedka ah ee ay soo hubeeyeen kuwii Soomaaliya ka horjeeday. Ma jirto dowlad adduunka ka mid ah oo daawata koox hubaysan oo khatargelinaysa ammaanka guud ee dalka, badbaadada nafta iyo maalka muwaaddinka iyo midnimada waddanka. Sidaa awgeed, Dowladdu iyadoo ka duuleysa waajibka qaran ee saaran waxay qaadday hawlgalo difaacu nafsi ah oo ay dalka kaga badbaadinayso dhagarta iyo shirqoolka cadawga iyo kaaliyayaashooda. Jawaabta dowladda ee xooggan waa wax qiil loo samayn karo maxaa yeelay xitaa maamulka gooni-goosadka ee Somaliland maanta ma aqbalayo in duullaan lagu soo qaado dhulka uu ka arrimiyo, tusaale ahaan, waxa uu tacaddiyo dagaal ka geystay degaanka Buuhoodle, isagoo sidoo kale laayey shacab si nabad ah ugu muddaharaadayey magaalada Laascaanood, dadkaasi oo taageersanaa midnimada Soomaaliya, islamarkaasina ruxayey calanka buluugan. Haddii laynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee midnimada taageersan ee gobolada waqooyi ay tahay xaq ay Soomaaliland ku difaacayso midnimada dhulka ay sheegato maxaa markaa diidaya in dowladdii Soomaaliyeed ay gacan adag kala hortagto kooxihii kaga soo duulay Itoobiya? Waxaan u arkaa in doodda Hargeysa taalla ee ah waa nala xasuuqay ay tahay hadal aan qiimo badan lahayn oo ay ku difaacayaan damaca gooni-goosadka.

Waxaa wax laga xumaado ah in dad Soomaaliyeed oo muwaadiniin ah ay ku dhinteen dagaaladii dhex maray CXDS iyo SNM iyagoo dadkaasi dhexda u galay dagaaladii u dhexeeyey CXDS iyo SNM. Khasaarihii naf iyo maal ee halkaasi ka dhacay waa in ay qaaddaa jabhaddii weerarka soo qaadday ee shacabka rayidka ah ka dhex dagaalantay ama gaashaanka u isticmaashay.Inkastoo, maamulka gooni-goosadka ah ee Hargeysa fadhigiisu yahay uu buunbuuniyey dadkii dagaaladaasi ku dhintay si ay shacabka cuqdad iyo xagjirnimo ugu abuuraan, hadana, waxaan qirayaa inay ayaan-darro ahayd in shacab Soomaaliyeed ay inaka dhinteen.

Qolyaha gooni-goosadka ah waxay ku doodaan in ay dhinteen dad gaaraya 50,000 ruux, waxana ay sheegashadooda ku xoojiyaan in diyaarado dagaal lagu garaacay Hargeysa. Waa sax in nidaamkii militariga oo keligii-talis ahaa uu diyaarado adeegsaday laakiin marka caqliga saliimka ah ee dhexdhexaadka ah iyo qiyaasta caalamiga ah la raaco waxaa kuu soo baxaya in tiradaasi si weyn loo buunbuuniyey waayo tirada dadkii halkaasi ku noolaa oo yaraa, islamarkaasina haajiray iyo awoodda ama saanadda loo adeegsanayey dagaalka oo baaxad yarayd. Tusaale ahaan, dagaalada waqtiga saddexda sano ka badan ka socda waddanka Suuriya waxaa ku dhintay wax xoogaa ka yara badan boqol kun iyadoo la ogyahay in dadka Suuriya uu ku dhowaad saddex jeer ka dad badan yahay dadkii Soomaaliyeed ee siddeetamaadkii iyo in saanad aad uga xooggan sida hubka kiimikada, duqayn cir, dhul iyo bad ahba loo adeegsanayo dagaalka iyadoo sidoo kale dagaalka oo mid gobol ah ay ka qaybqaadanayaan dhinacyo badan.

Intaasi waxaa dheer, Dhaqdhaqaaqii Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM waxay ku kaceen gaboodfallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha waxana ay gumaad ku sameeyeen qaxootigii Soomaali Galbeed ama gobolka Ogaden ee ku sugnaa magaalooyinka waqooyiga iyagoo u aaneeyey in nidaamkii Siyaad Barre uu doonayey in uu dhulkaasi ku beero, waxa kale oo inta ay isku xirxireen meelo fagaare ah ku laayeen shaqaalihii rayidka ahaa ee dowladda. Markii uu dhacay xukunkii Maxamed Siyaad Barre, SNM waxay iyagoo ka faa’iidaysanaysa tababaradii ay soo qaateen iyo ciidankooda oo abaabulanaa oo watay hubkii jabhadda iyo kii dowladda Soomaaliya oo intiisa badan taalley waqooyiga ay weerar ballaaran ku qaadeen gobolada Awdal, Sool iyo Sanaag oo ay ku dhaqnaayeen bulshadii Soomaaliyeed ee reer waqooyiga ahayd ee aan hayb qabiil iyo mowqif ahaanba uga mid ahayn SNM.
Jabhaddaasi macnaheeda saxa ah uu ka tarjumayey “Dhaqdhaqaaqa Khaa’imul Waddaniyiinta Soomaaliyeed” waxay kumanaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan hubaysnayn ay ku laayeen magaalooyinka Dila, Boorame, Ceerigaabo, Hadaaftimo, Badhan, Xiingalool iyo degaano fara badan oo ka mid ah gobolada Awdal, Sool iyo Sanaag iyagoo fulinayey olole ballaran oo aargudasho ah oo ay ku andacoonayeen inay soo xirayaan xuduudihii Ingiriiska iyagoo markii danbe beelaha ku khasbay inay la qaataan mashruuca khiyaamo qaran, runtiina ma jirin jid kale oo u bannaanaa beelaha aan sida weyn u abaabulnayn aan ka ahayn inay madaxa u ruxaan wixii Burco ka socday inta xaaladdu iska beddeleyso. Waxaa xusid mudan, saraakiishii horjoogayaasha u ahaa SNM waxay horseed ka ahaayeen olole gumaad ah oo taliskii Maxamed Siyaad ku qaaday dhulka dadka ay ka soo jeedday jabhaddii ka horreysay ee SSDF, waxana saraakiil u badnaa reerka SNM ay fuliyeen hawlgaladaasi oo intiisa badan ay ka dheceen gobolka Mudug. Raggii gaboodfalladaasi geystay waxaa ka mid ahaa G/le Dhegaweyne, Maxamed Kaahin, Tansaaniya iyo Ina Askar sida ku xusan buugga taariikh-nololeedkii Cabdullaahi Yuusuf Axmed ee Halgan iyo Hagardaamo boggiisa 138.

Dawlad la’aanta Koonfur & gooni-goosadka

Jabhadihii hubaysnaa ee xukunka ka tuuray nidaamkii Maxamed Siyaad Barre ma lahayn qorshe qaran oo lagu badbaadinayo dowladnimada Soomaaliya, taa bedddelkeedii, waxay wateen ajendo gaaban oo qabyaalad xanbaarsan waxana durba markii ay qabsadeen caasimadda ay ku dhaqaaqeen olole nidaamsan oo lagu bartilmaameedsanayo bulsho Soomaaliyeed oo mucayin ah oo ay u aanaynayeen inay hayb la ahaayeen Siyaad Barre. Qorshe la’aanta jabhadaha waxay keentay in waddanku galo dagaal sokeeye iyo xaalad bani aadantinimo oo xun iyadoo ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee dalka isku haysay.
Kaddib markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe, islamarkaasina waddanku galay dagaal sokeeye oo ay adag tahay in uu si sahal ah uga baxo, waxaa halkaasi fursad dahabi ah ka helay kooxdii gooni-goosadka ahayd ee SNM si ay ugu sii socoto qorshayaasheeda gurracan ee ay dalka ku kala qaybinayaan maaddaama aanay jirin cid ama awood arrintaasi ka hor istaagi karta. Waxaa sidoo kale sii caawiyey abaabul la’aanta beelaha kale ee dega waqooyiga Soomaaliya ama la’aanta quwad u dhiganta oo iyaga ka horjeedda oo ka jirta waqooyiga.

Asaaskii Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee sannadkii 1998-dii, waxa uu noqday caqabad cusub oo ku timi maamulka gooni-goosadka ah maaddaama maamulkan cusub ay ku bahoobeen dad isku hayb ah oo qaybo ka mid ah ay degaan gobolo ay qolyaha gooni-goosadku ku andacoonayaan inay ka mid yihiin maamulkooda . Dhismaha Puntland waxa uu abuurayaa awood bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed oo caqabad ku noqon kara dadaalka ay Hargeysa ku dooneyso inay gacanta ku wada dhigto dhulka ka maqan ee ay degaan taageerayaasha midnimada Soomaaliya. Dhismaha Puntland waxa uu ahaa khayaar istaraatiiji ah oo ka dhan ahaa damaca gaarka ah ee kooxda gooni-goosadka.

Sidoo kale, Dhismaha Dawlada Goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo iyo kuwa la mid ka ah sida Maakhir State iyo Awdal state waxay ceejintii ku adkeeyeen mashruuca khiyaamo qaran ee xaruntiisu tahay Hargeysa, waxana uu bannaanka soo dhigay in dadka waqooyiga Soomaaliya ee mar loo yaqaanay maxmiyaddii Ingiriiska ee dhulka Soomaaliyeed ay ka jiraan maamullo intooda badan taageersan yihiin midnimada iyo hal koox oo ku taagan damac gaar ah oo gooni-goosad ah. Dhismahan maamulladan oo loo baahan yahay in dowladda dhexe ee Soomaaliya gacan weyn siiso ay dirayaan farriin ah waxa loogu yeero Somaliland ma aha mashruuc ay garwadeen ka wada yihiin dadkii wixii xilli lagu magcaabi jiray maxmiyaddii Ingiriiska ee dhulkii Soomaaliyeed (British Somaliland protectorate)

Rubuc qarni: Ictiraaf hungoobay iyo saadaasha mustaqbalka

Ku dhuwaad rubuc qarni maamulka gooni-goosadka ee Somaliland waxa uu daba cararayey aqoonsi uu ka helo beesha caalamka iyadoo samaysay shuruud kasta oo dal lagu ictiraafi karo sida deganaansho, maamul shaqaynaya, dhaqaale iyo dimuquraadiyad qabiil lagu barxay. Ilaa iyo imika ma jirto hal waddan oo adduunka ka mid ah oo taageero u muujiyey go’aanka halka dhinac ee gooni-goosadka, mana jirto ifafaalo muujinaya taageero la fili karo iyadoo ay sababtu tahay: Xeerarka caalamiga ah, cahdiyada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika oo sharci darro ka dhigaya go’aankaasi; Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed oo si weyn u diidan kala-qaybinta dalka;Xaqiiqda dhulka taalla oo aan taageerayn; qiimo badan oo aanay adduunka ugu fadhiyi dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan; cabsi laga qabo inay dhiirrigeliso mawjad gobolo dalalkooda ka go’a oo Afrika ka hanaqaadda iyo inay deganaansho la’aan gelin karto gobolka maaddaama lagu muransan yahay.

Iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hananayso dalka intiisa badan, islamarkaasina ay soo noqotay kaalintii dowladda Soomaaliya ee ku matalaadda Soomaaliya fagaarayaasha adduunka, iyadoo quwado iyo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah gooni-goosadka ay ka hanaqaadeen waaqooyiga dalka, xiriirka DFS ee caalamka oo xoogeysanayo islamarkaasina aanay cidna maslaxad ugu jirin gooni-goosadka, waxaa muuqata inaanay jirin cid dooneysa inay ictiraafto maamulkaasi. DFS waxay wadahadal kula jirtaa maamulka gooni-goosadka ee Somaliland, waxan wadahadaladaasi oo dowladda Ingiriisku dabada ka riixaysay ay Somaliland ka faa’iideysaa oo keliya inay qaddiyadeeda geyso fagaarayaal caalami ah iyo inay ugu danbayn abuurto ismariwaa ay ku dalbanayso in dhexdhexaadiyaal caalami ah la keeno si arrinta loogu dhameeyo afti dadweyne sidii Koonfur Suudaan, laakiin dadka Soomaaliyeed, dowladda dhexe iyo saaxiibada Soomaaliya ma oggolaan doonaan tallaaba kasta oo lagu sharciyeynayo go’aankii Burco.

Gabagabo iyo talooyin

Tan iyo markii mucaaraka hubaysan uu ka bilaabmay Soomaaliya dhammaadkii todobaatameeyadii, waxaa waddanka ka dhacay xad-gudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay geysteen jabhadihii qabiilka, taliskii militariga ahaa ee xilligaasi jiray iyo wixii natiijo ah ee ka soo baxay dagaalkoodii ee ay dalka ka abuureen. Ma jirto cid manta inkiraysa wixii ka dhacay ama hadda ka dhacaya waqooyi galbeed Soomaaliya, waqooyi bari Soomaaliya iyo Koonfurta Soomaaliya waana diiwaan iyo taariikh qoran oo aan cidna ka been sheegi Karin.Sida maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland uu taag ugu waayey in uu muquniyo dadka xorta ah ee karaamada badan ee reer Buuhoodle isagoo shacabkaasi midnimada iyo nabadda jecel u adeegsaday awood kasta ee uu haystay, ma jirto cid Soomaaliya ku sugan oo awood u leh in ay bulsho geyaysiiso waxaanay raalli ka ahayn. Iyadoo taasi jirto, waa maangaabnimo iyo faham-darro khibradihii dhaxalgalka ahaa ee la soo maray, waaqicinimo-darro iyo bisayl la’aan tusmeyneysa garasho la’aanta taariikhda, casrigan iyo adduunku sida uu u shaqaynayo iyo odoris la’aan mustaqbalka. Waxaa muhiim ah in labada qaybood ee Soomaali-doonka iyo Soomaali-diidku fahmaan waxa maanta ku xeeran ummadda Soomaaliyeed, dhulka mowqica istaraajiga ah ku yaalla iyo waxa illaah khayraad ku manaystay, siyaasadaha gurracan ee cadawgoodu horey ugu dhagray iyo qorshayaasha imika socda ee ka dhanka ah, quwadda wadajirkooda iyo waxay wada qabsan karaan ee ay u qalmaan. Waxaa kaloo xusid mudan in midnimada dadka Soomaaliyeed aanay jirayn cid lagaga adkaanayo oo ku khasaaraysa, mana jirayso beel qarinaysa ama ka awood badanaysa mid kale sida imika lagu arki karo maamulada is-magcaabay iyadoo faa’iidadu noqoneyso mid loo siman yahay.

Xilligan xaadirka ah lama helayo Soomaalidii is-jeclayd ee lixdamaadkii oo ummaddu waxa ay u qaybsan tahay imaarado qabiil ah oo aan waxba istari Karin, sidaa awgeed, waxaa loo baahan yahay in la helo nidaam siyaasadeed oo heshiish lagu yahay oo aan cidna u eexanayn cid kalena ka eexanayn. Xalka siyaasadeed ee ummaddu godka dheer ka bixin kara waa heli taanka nidaam siyaasadeed oo dadka meel dhexe isugu keenaya oo aqoonsanayana waaqicii abuurmay muddadii qaran-jabka ee ummaddu soo martay, daweynayana sababihii fashilka iyo dhibaatadii ka dhalatay. Ma jirto qof boos ka waayaya Soomaali midaysan oo awood badan ee waxaa boos laga waayayaa Soomaali qoqoban iyo maamul beeleedyo cid gaar ah u adeegaya ama u badinaya.

Kolka meel la iska dhigo caaddifadda ee xaqiido si geesinimo leh loo waajaho, ajende qabiil qaran dhali waa, horumar iyo barwaaqana keeni waa, sidaa awgeed, waxaa muhiim ah in laga fikiro dhinicii kale ee looga wareegi lahaa ee xalka baddiilka ah noqon kara. Siyaasadda jahawareersan ee qaybaha Soomaalidu waxay maanta mudan tahay in iyadoo xaqiiqda la garawsanayo si geesinnimo leh loo beddelo itijaaheeda. Muslimka hal god laba jeer laguma qaniino ee waxaa maanta gudboon oo ay tahay in loo hawlgalo sidii xaaladdan natiijadeeda la wada arkay looga bixi lahaa oo loo samayn lahaa taariikh iyo Soomaaliya cusub oo midaysan, dadkeedu u siman yihiin fursadaha iyo xuquuqaha oo dhan, dulmigana caddaalad lagu beddelo, iyadoo sida dimuquraadiyaddu inna faraysona xukunka iyo talada shacabka loo celinayo.

Waa in hoggaamiyayaasha qaybaha Soomaaliyeed ay qaataan geesinimadii Nelson Mandela oo kale iyagoo burburinaya derbiga khiyaaliga, beenta, nacaybka, damaca gaaban ee reeraha iyagoo u adeegaya danta qof kasta iyo qarankan weyn ee Soomaaliya. Nelson Mandela waxa uu adduunka baray is-cafiska, dib-u-heshiinta iyo sida qaran iyo bulsho is-dulmiday dib loogu mideeyo oo loo walaaleeyo iyadoo taasi inna tuseyso guusha iyo natiijada wanaagsan ee arrintaasi laga dhaxlay. Hadaladiisa caanka ahaa ee markii uu xabsiga dheer ka soo baxay uu jeediyey waxaa ka mid ahaa “ Waxaan jidkaasi dheer u soo lugeeyey xorriyadda. Waxaan isku dayey in aanan turunturroon; waxaan sameeyey khaladaad intii aan jidka soo hayey. Laakiin waxaan ogaaday sirta ah markaad buur ka booddo, waxaa jira qof helaya ama ogaanaya inay jiraan buuro kale oo ay tahay in laga boodo. Waxaan qaatay daqiiqad si aan halkaan ugu nasto si aan u milicsado muuqaalka iyo aragga quruxda badan ee igu geedaaman, si aan u xusuusto oo u jalleeco masaafada aan soo gooyey. Laakiin waxaan nasan karaa daqiiqad ay massuuliyaddu xorriyad ku imanayso, waxaan ku dhacayaa ama ku dhiirranayaa in aanan daahin, socodkayga dheer waa mid aan dhammaanayn ” markaa miyaanay hoggaamiyayaasha qaybaha Soomaaliya go’aankaasi geesinimada ah qaadan Karin?

Walaalaha Somaliland waxaan kula talin lahaa inay ka noqdaan go’aanka sharci-darrada ah ee ay muuqato in aan meel lagu gaari karin ee u adeegaya cadawgeenna oo keliya, waxana la gudboon inay ku gorgortamaan xaq kasta oo ka maqnaa iyo wax kasta oo ay geyaan sida madaxtinimada, awood-qaybsi xaq ah, caasimadda IWM, mana jirto mawduuc aan laga wada hadli karin. Sidoo kale, waxaan ku boorrin lahaa inay ka waantoobaan ku xad-gudubka sharafta iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee midnimada jecel ee waqooyiga Soomaaliya. Waa inay cabburinta, dilka, barakicinta iyo haysashada militari ka joojiyaan dadka aan ku fikirka ahayn, islamarkaasina aanay cid kale ku samayn wixii ay ka cabayeen ee ay ku doodayeen in nidaamkii militarigu ku sameeyey.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa la gudboon inay la timaaddo istaraatiijiyad iyo qorshe dalka lagu midayn karo oo xaqiiqda imika jirta taabanaysa iyo in ay qaddiyadda waqooyiga si xeel-dheer u deristo iyadoo muhiimad siineysa miisaanka dadka gooni-goosadka ka horjeeda ee aanay si indha-la’aan ah waqooyi ugu aqoonsan in maamulka Hargeysa uu wakiil ka yahay dadka oo dhan sida ka muuqata wadahadalada ka socda Turkiga iyadoo cidda la hadlaysa Somaliland aan laga dhigayn shakhsiyaad gobollo kale ka yimi oo aan faham weyn ka haysan waxa waqooyi yaalla. DFS waxaa laga doonayaa in aanay u dhaqmin mid wakiil ka ah Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee ay ballaariso kaalinteeda gobolada kale iyo inay u hawlgasho sidii ay u taageeri lahayd dadka midnimada u go’ay ee ay dhegaha ka fariisatay, maxaa yeelay tallaabadaasi waa mid istaraatiiji ah oo wax ka beddeleysa waaqica imika jira ee u hiilinaya gooni-goosiga. Gooni-goosigu waa in uu isugu ururaa guriga cidda uu ka yimi, waana in dadka kalena ay ka madaxbanaadaan qabshada iyo awood ku muquninta, si mashruucaasi halka dhinac aanu u noqon mid la isku khasbo oo ah khayaarka ama dookha keliya ee jira. DFS iyo Soomaalida badan ee midnimada jecel waa inay shaqadooda xoojiyaan oo mideeyaan si guusha loo gaaro.
Guul Soomaaliya oo Mid ah oo Awood badan


Cabdirashiid Muuse Siciid
Qoraa, lafa-gure siyaasadeed iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax bannaan
Waxaa Lagu heli karaa:
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter:@AbdirashidMuse


Qormo:Puntland waxay u dhexeysaa Al-shabab iyo Somaliland!




Horraantii sanadkan waxaa is-bedel ku yimi hoggaankii Puntland , waxana xafiiska madaxtinimada la wareegey madaxweyne mudane Cabdiweli Maxamed Cali ( Gaas). Isbedelkani ma ahayn laba qof oo is-bedelay ee waxa uu ahaa laba nidaam oo is-bedelay.

Is-bedelka ka dhacay Puntland waxaa si weyn looga soo dhoweeyey Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, iyadoo la rajaynayo in hoggaanka madaxweyne Gaas uu isku soo dhoweynayo Puntland iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, laakiin taa beddelkeedii Somaliland waxaa soo waajahay walaac ku aaddan is-bedelkani degdegga ah, iyadoo u aragtay in hoggaanka Gaas uu qaadan doono itijaah siyaasadeed oo ka duwan tii madaxweyne Faroole oo lagu tuhmayey in uu jaal la ahaa Somaliland.

Walaaca Somaliland waxa uu ka imanayaa sal-ballaarnaanta xukuumadda madaxweyen Gaas iyo sida loogu soo daray laba ka mid ah madaxweynayaashii Khaatumo iyo weliba iyadoo markii ugu horreysay taariikhda Puntland uu madaxweyne ku xigeen noqdo qof ka soo jeeda degaanka Buuhoodle oo sanooyinkii ugu dameeyey halgan la galay Somaliland, iskana difaacay qorshe Hargeyso ku dooneysay in ay ku qabsato degaankaasi xorta ah, hadaba, labadaan arrimood waxa ay culays iyo miisaan siyaasadeed u yeelayaan hoggaanka madaxweyne Gaas.

Walaaca Somaliland ma aha mid qrasoon waxana uu ka soo baxayey ilo ka mid ah xukuumadda iyo mucaaradka Somalilan, tusaale ahaan, guddoomiyaha Xisbiga Daryeelka iyo Caddaalada ee Somaliland mudane Faysal Cali Waraabe waxa uu dhowaan sheegay in Puntland ay garaacayso durbaan qabiil iyo mid dagaal, waxana uu hadalkan jeediyey markii uu madaxweynaha Puntland safar ku bixinayey magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dhowaan booqasho daandaansi ah ku tegay dhul ay labada maamul ku muransanyihiin,taasina waxa ay abuurtay xiisad hor leh.Jawaabtii ay ka bixisay xukuumadda Gaas waxa ay ahayd mid aad u jilicsan, waxana ay taasi caro iyo qaneeco la’aan ku abuurtay dadkii awal u raxlaynayey hoggaanka Gaas.

Madaxweyne Gaas waxa uu saaka bilaabay safar dhulka ah oo ku tegi doono gobolada Karkaar, Bari, Gardafuu, Highland iyo Sanaag, taasi oo qayb ahaan jawaab u ah safarkii Madaxweyne Siilaanyo.
Safarada noocan ah ee siyaasadeed waxa ay soo dedejinayaan isku-dhac hubaysan oo mar kale ka dhex bilaabma labada maamul ee Puntland iyo Somaliland, xilli Puntland ay weli la halgamayso kooxda Al-shabab ee ku sugan buuraleyda Galgala, waxana kooxdaasi ay dhowaan khaarijiyeen taliyihii hoggaaminayey hawlgalada jiidda Galgala AUN Afguduud.

Dadka badan oo reer Puntland ah waxa ay rumaysan yihiin in kooxda Al-shabab ee ku sugan buuraha Galgala iyo Somaliland ay ka dhexeyso wada-shaqayn; ugu yaraan waxa ay ka midaysan yihiin sidii loo maja-xaabin lahaa Puntland maadaama ay hal cadow wada waajahayaan ( the enemy of my enemy is my friend, cadawgayga cadawgiisu waa saaxiibkay ).yadoo ay hawlgalo ka socdaan Koonfurta iyo bartamaha Soomalaiya, waxaan rumaysnahay in baxsadka kooxda Al-shabab ay tegi doonaan dhulka buuraleyda ah ee Golis ee Puntland si ay halkaasi uga helaan dhul gabbaad ah oo ay ku dhuuman karaan.

Marka Al-shabab lagu jebiyo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya fursadda keliya ee u furan waa in ay ku shubmaan dhulka Puntland ee ay horey joogitaanka ugu lahaayeen. ogow dhulkaasi waa muhiim istaraatiijiyad ahaan, waxana ay noqon karaan Toorabooradii Soomaaliya. Waxaa kale oo dhulkaasi muhiimadda u sii yeelaya waa u dhowaanshihiisa Jaziirad-u-ekaha Carbeed, gaar ahaan, wadanka Yemen oo ay ku xooggan yihiin kooxda la magacbaxday Al-qaacidada Jaziiradda Carbeed.
Kooxda Al-shabab waxa ay doonayaan in ay dhulkii dadka xorta ahaa ee Puntland ka yagleelaan “Dowlad Mugdi ah”, haddii ay fursaddaan helaan waxa ay Puntland isu bedelayso qubuuro iyo meel dadka lagu bireeyo, waxana lumaya himilooyinkii dadka reer Puntland ee ahaa in ay noqdaan mujtamac furfuran oo xadaari ah, oo ku nool sharaf iyo nolol wanaagsan.

Sanooyinkii ugu dameeyey waxaa Puntland lagu laayey kumanaan qof oo isugu jiray saraakiil, dhalinyaro, wax-garad, aqoonyahanno, haween , isimo iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Dagaalkii iyo halgankii dadka nabadda jecel ee Puntland la galeen Al-shabab waxaa ku baxay dhiig iyo maal, maantana illaah mahaddii waa la joojiyey khatartii kooxdaasi.Mashquulka iyo madax-iskulajirida Puntland iyo Al-shabab ayaa fursad u siiyey Somaliland in ay ku dhaqaaqdo hawlgalo ay dhul ku qabsanayso, doorashooyin kaga qabanayso dhul lagu muransan yahay, islamarkaasina horey ugu sii soconeyso dadaalka gooni-goosadnimada ku dhisan ee halka dhinac.Al-shabab waxaa hogaamiya qof ka soo jeeda Waqooyi Galbeed Soomaaliya, waxana dad badan shaki ka qabaan sida uu kooxdiisa u hawlgeliyo. Waxaan filayaa in Somaliland ay fursad kale u noqoneyso haddii dagaalka lagula jiro Al-shabab uu u soo wareego Puntland.

Ugu damayntii, Xukuumadda madaxweyne Gaas waxaa la gudboon in ay labadan qaddiyadood si waaqica ku salaysan u waajahaan, waana in la sameeyo ka-baaraandegid iyo ka-fiirsasho , inta aan lagu degdegin waxa ay ku tilmaameen dib-u-xoraynta dhulka maqan, haddii kale kuwa xorta ah ayaa dib loo xorayn doonaa.

Sanadka 2014 waxa uu ahaan doonaa sanad muhiim u ah Soomaaliya, waxana dhici doona is-bedelo waaweyn oo qeexi doona mustaqbalka siyaasadeed ee Soomalaiya iyadoo ay abuurmi doonaan waaqic siyaasadeed oo aan laga tallaabsan kari doonin xilliyada soo socda.

FG: Tani waa fikirkayga shakhsiyadeed ee gaarka ah
Abdirashid Muse 
Nairobi, Kenya