Hordhac & Koobid
Alxamddu Lilaahi wa Salaatu
wa Salaamu calaa Rasuuli Laah wa c alaa Aaalihi wa Saxbati Ajmaciin.. Intaa
kaddib..
Kolka taariikhda dib loo
eego mar kasta oo ummad mid ah oo hal waddan wada leh ay khatar ugu jirto inay
furfuranto oo kala qaybsanto iyadoo dadka intiisa badan ay aamusan yihiin,
waxaa jira rag xor ah oo ka horyimaada oo yiraahda maya maya maya. Midnimada
umaddu waa dalabka ugu muhiimsan ee shucuubta adduunka, si qarankaasi iyo
dadkiisu ay u ahaadaan kuwo awood badan oo ku noolaado cise iyo sharaf.
Kala-qaybsanaan kasta oo ku dhacda ummad waxay u horseeddaa diciifnimo, u
nuglaanshaha cadawgooda iyo yaraansho ku yimaada xoogga ay wax ku qabsan
lahaayeen iyadoo bulsho ahaan, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanna u
taag-darraata. Luuqad kasta oo adduunka laga adeegsado waxaad ku arkaysaa
maahmaahyo ama halkudhigyo kor u qaadaya midnimada iyo wada jirka ummadda,
tusaale ahaan Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa gacmo wada jir bey waxku gooyaan,
iskaashato ma kufto IWM. Diinteenna suubban waxay ummadda ugu baaqaysaa
midnimo, wadajir iyo isku-tiirsanaan, sidaa awgeed, midnamada ummaddu Islaamka
waa waajib iyo lama taabtaan iyadoo Aayado Quraanka Kariimka ka mid ah iyo
Axaadiista ka sugnaaday Nebi Maxamed (SCW) ay xoojinayaan midnimada ummadda.
Ummadda Soomaaliyeed oo ka
midaysan cirqiga ama jinsiga, diinta, dhaqanka iyo afka waxay nasiib u yeesheen
inay dhul ahaan u degaan Geeska Afrika iyagoo mulkiyey dhul ballaaran oo ay si
siman ugu wada noolaayeen muddo qarniyo ah. Dadka Soomaaliyeed ma lahayn nidaam
dowladeed oo mideeya,islamarkssina habeeya amuurahooda dhaqaale iyo siyaasadeed
ka hor gumeystaha Reer Galbeedka. Soomaalida oo ahaa xoolo dhaqato waxay
ahaayeen dad guur guura waxana taasi keentay inay dhul ballaaran qabsadaan
iyagoo riixay qawmiyadihii ay ood-wadaagga ahaayeen. Markii isticmaarku yimi
ayey dadka Soomaaliyeed ku dhaceen godkii dhagarta ee magaaladda Berlin loogu
qaybiyey shan qaybood.
Ummadda Soomaaliyeed isma
dhiibin ee waxay gashay halgan xorriyad –doon ah oo ay dhulkooda kaga saarayaan
ninka cad, inkastoo loo sameeyey soodimo gumeysi oo lagu kala qoqobayey, hadana
bartimihii qarnigii hore waxaa soo dhowaaday xorriyadda. 1960-kii ayaa labadii
gobol ee ay kala gumeysan jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu ka xoroobeen
isticmaarka, waxana iyagoo dumiyey gidaarkii soodin beenaadka ay dhiseen
Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waxana loo hawlgalay sidii dhulka maqanna loo
xorayn lahaa.
Dhammaadkii
toddobaatanaadkii, waxaa xorriyad qaatay dhulkii Soomaaliyeed ee maxmiyadda
Faransiiska, waxana lagu hungoobay dadaalkii lagu xorayn lahaa Soomaali Galbeed
iyo NFD, iyadoo xilligaasi sidoo kale ay dalka ka bilaabmeen dhaqdhaqaaq
hubaysan oo ka dhan ahaa nidaamkii militariga ahaa ee uu hoggaaminayey Gen.
Maxamed Siyaad Barre. Dhaqdhaqaaqyadaasi hubaysan oo taageero caalami ah helay
waxay waddanka kaga soo duulayeen gudaha Itoobiya iyagoo ku wada doodayey inay
yihiin waddaniyiin doonaya inay xukunka ka tuuraan taliskii militariga ahaa,
inkastoo ay wateen ajendo khiyaamo qaran oo gurracan oo ka dhan ahaa ummadda.
Jabhadahaasi oo geddigood lahaa qorshe qabiil iyo damac gaar ah, waxay
horraantii kow iyo shagaashankii ku guuleysteen damacood qaran-dumis, waxana ay
meesha ka saareen dawladdii dhexe. Fallaagooyinkaasi reeruhu waxay mid kasta
xoogga saartay dhulkii qabiilkoodu deganaa inkastoo ay hawlgaladoodu mararka
qaar midaysnaayeen. Jabhadihii Koonfurta Soomaaliya ka hawlgalayey waxay ku
dhaqaaqeen dagaal sokeeye iyo laynta, barakicinta iyo boobka hantida
muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan denbi lahayn oo loo bartilmaameedsaday haybta
ay yihiin oo keliya.
Jabhaddii keliga ahayd ee
ka abaabulnayd waqooyiga Soomaaliya ee isku magcawday Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah
ee Soomaaliyeed “Somali National Movement ama SNM” waxay iyana fulisay
mashruucii khiyaamo qaran ee ay waddanka ku kala qaybinaysay. Sidoo kale,
iyagoo ka faa’iideysanaya tababaradii iyo hubkii uu cadawgu soo siiyey ayey
duullaan ku qaadeen goboladii ay ku dhaqnaayeen shacabkii Soomaaliyeed ee aan
jabhadda ku qabiilka ahayn, waxana ay gabood fallo baahsan u geysteen dadkii
Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee ay u aanaynayeen inay taageersanaayeen
nimaadkii Siyaad Barre. Dhaqarqabayaashii jabhaddaasi waxay fuliyeen mashruucii
khiyaamo ee cadawgu dalka la damacsanaa, waxana iyagoo xoog iyo caga-juglayn ku
afduubay dadkii aan ku fikirka ahayn ay maalinta madaw ee 18-ka May 1991-dii
magaalada Burco si haldhinac ah kaga dhawaaqeen in ay dalka kala gooyeen.
Dagaalkii
waqooyiga Soomaaliya
Sida kor ku xusan
dhaqdhaqaaqyada hubaysan waxaay Soomaaliya ka bilaabmeen dhammaadkii
toddobaatanaadkii, kaddib markii laga soo laabtay dagaalkii 1977-dii ee dalka
Soomaaliya uu la galay Itoobiya. Jabhadda isku magcawday Dhaqdhaqaaqa Waddaniga
ah ee Soomaaliyeed “ SNM” ee ka been sheegtay magacaasi, waxaa 1980-kii lagu
dhisay magaalada London ee caasimadda dalka Britain iyadoo saldhig ka dhigatay
waddanka Itoobiya si la mid ah jabhaddii ka horreysay ee SSDF.Ujeedada ay
Itoobiya hoyga u siisay jabhadahaasi waxay ahayd inay wiiqaan awoodda dowladda
Soomaaliya oo dagaal kula jirtay Itoobiya, waxana tallaabo noocaasi ah qaaday
nidaamkii Maxamed Siyaad oo gacan u fidiyey jabhadihii ka horjeeday taliskii
Dergiga ee Itoobiya. Jabhaddii SNM waxay iyadoo kaashanaysa Itoobiya ay
dagaallo ku dhufoo ka dhaqaaq ah ku soo qaadday difaacyadii iyo fariisimadii
CXDS ee aagga waqooyi waxana ay markiii danbe u wareejisay magaalooyinka iyo
meelaha ay dadku degan yihiin maaddaama lagaga adkaaday dagaaladii duurka,
waxana tani ku tuseysaa laba arrimood: tan kowaad, inay gabbaad ama gaashaan ka
dhiganayeen dadka rayidka ah ( Human Shields) si ay shacabka xanuunka u
dareensiiyaan iyagoo ka rajaynaya inay dagaalkooda awood ku biiriyaan iyo in ay
sahay iyo agab dagaal ay si sahal ku qabsan karaan, tan labaad, dagaalkooda
waqooyiga ku koobnaa waxa uu muujinayaa mashruuca khiyaamo qaran ee ay ku
doonayeen inay qabsadaan waqooyiga si ay dalka u kala gooyaan waayo haddii ay
wadan lahaayeen ajendo qaran oo ah inyay xukunka militariga tuuraan waxay
xoogga saari lahaayeen caasimadda sida ay inta badan sameeyaan jabhadaha
xukun-doonka ah ee adduunka.
Dowladda Soomaaliyeed waxa
keliya ah ee la gudboonaa waxay ahayd inay waddanka ka difaacdo jabhadaha
rimay-gacmeedka ah ee ay soo hubeeyeen kuwii Soomaaliya ka horjeeday. Ma jirto
dowlad adduunka ka mid ah oo daawata koox hubaysan oo khatargelinaysa ammaanka
guud ee dalka, badbaadada nafta iyo maalka muwaaddinka iyo midnimada waddanka.
Sidaa awgeed, Dowladdu iyadoo ka duuleysa waajibka qaran ee saaran waxay
qaadday hawlgalo difaacu nafsi ah oo ay dalka kaga badbaadinayso dhagarta iyo
shirqoolka cadawga iyo kaaliyayaashooda. Jawaabta dowladda ee xooggan waa wax
qiil loo samayn karo maxaa yeelay xitaa maamulka gooni-goosadka ee Somaliland
maanta ma aqbalayo in duullaan lagu soo qaado dhulka uu ka arrimiyo, tusaale
ahaan, waxa uu tacaddiyo dagaal ka geystay degaanka Buuhoodle, isagoo sidoo
kale laayey shacab si nabad ah ugu muddaharaadayey magaalada Laascaanood,
dadkaasi oo taageersanaa midnimada Soomaaliya, islamarkaasina ruxayey calanka
buluugan. Haddii laynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee midnimada taageersan ee
gobolada waqooyi ay tahay xaq ay Soomaaliland ku difaacayso midnimada dhulka ay
sheegato maxaa markaa diidaya in dowladdii Soomaaliyeed ay gacan adag kala
hortagto kooxihii kaga soo duulay Itoobiya? Waxaan u arkaa in doodda Hargeysa
taalla ee ah waa nala xasuuqay ay tahay hadal aan qiimo badan lahayn oo ay ku
difaacayaan damaca gooni-goosadka.
Waxaa wax laga xumaado ah
in dad Soomaaliyeed oo muwaadiniin ah ay ku dhinteen dagaaladii dhex maray CXDS
iyo SNM iyagoo dadkaasi dhexda u galay dagaaladii u dhexeeyey CXDS iyo SNM.
Khasaarihii naf iyo maal ee halkaasi ka dhacay waa in ay qaaddaa jabhaddii
weerarka soo qaadday ee shacabka rayidka ah ka dhex dagaalantay ama gaashaanka
u isticmaashay.Inkastoo, maamulka gooni-goosadka ah ee Hargeysa fadhigiisu
yahay uu buunbuuniyey dadkii dagaaladaasi ku dhintay si ay shacabka cuqdad iyo
xagjirnimo ugu abuuraan, hadana, waxaan qirayaa inay ayaan-darro ahayd in
shacab Soomaaliyeed ay inaka dhinteen.
Qolyaha gooni-goosadka ah
waxay ku doodaan in ay dhinteen dad gaaraya 50,000 ruux, waxana ay
sheegashadooda ku xoojiyaan in diyaarado dagaal lagu garaacay Hargeysa. Waa sax
in nidaamkii militariga oo keligii-talis ahaa uu diyaarado adeegsaday laakiin
marka caqliga saliimka ah ee dhexdhexaadka ah iyo qiyaasta caalamiga ah la
raaco waxaa kuu soo baxaya in tiradaasi si weyn loo buunbuuniyey waayo tirada
dadkii halkaasi ku noolaa oo yaraa, islamarkaasina haajiray iyo awoodda ama
saanadda loo adeegsanayey dagaalka oo baaxad yarayd. Tusaale ahaan, dagaalada
waqtiga saddexda sano ka badan ka socda waddanka Suuriya waxaa ku dhintay wax
xoogaa ka yara badan boqol kun iyadoo la ogyahay in dadka Suuriya uu ku dhowaad
saddex jeer ka dad badan yahay dadkii Soomaaliyeed ee siddeetamaadkii iyo in
saanad aad uga xooggan sida hubka kiimikada, duqayn cir, dhul iyo bad ahba loo
adeegsanayo dagaalka iyadoo sidoo kale dagaalka oo mid gobol ah ay ka
qaybqaadanayaan dhinacyo badan.
Intaasi waxaa dheer,
Dhaqdhaqaaqii Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM waxay ku kaceen gaboodfallo ka dhan
ah xuquuqda aadanaha waxana ay gumaad ku sameeyeen qaxootigii Soomaali Galbeed
ama gobolka Ogaden ee ku sugnaa magaalooyinka waqooyiga iyagoo u aaneeyey in
nidaamkii Siyaad Barre uu doonayey in uu dhulkaasi ku beero, waxa kale oo inta
ay isku xirxireen meelo fagaare ah ku laayeen shaqaalihii rayidka ahaa ee
dowladda. Markii uu dhacay xukunkii Maxamed Siyaad Barre, SNM waxay iyagoo ka
faa’iidaysanaysa tababaradii ay soo qaateen iyo ciidankooda oo abaabulanaa oo
watay hubkii jabhadda iyo kii dowladda Soomaaliya oo intiisa badan taalley
waqooyiga ay weerar ballaaran ku qaadeen gobolada Awdal, Sool iyo Sanaag oo ay
ku dhaqnaayeen bulshadii Soomaaliyeed ee reer waqooyiga ahayd ee aan hayb
qabiil iyo mowqif ahaanba uga mid ahayn SNM.
Jabhaddaasi macnaheeda saxa
ah uu ka tarjumayey “Dhaqdhaqaaqa Khaa’imul Waddaniyiinta Soomaaliyeed” waxay
kumanaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan hubaysnayn ay ku laayeen magaalooyinka
Dila, Boorame, Ceerigaabo, Hadaaftimo, Badhan, Xiingalool iyo degaano fara
badan oo ka mid ah gobolada Awdal, Sool iyo Sanaag iyagoo fulinayey olole
ballaran oo aargudasho ah oo ay ku andacoonayeen inay soo xirayaan xuduudihii
Ingiriiska iyagoo markii danbe beelaha ku khasbay inay la qaataan mashruuca
khiyaamo qaran, runtiina ma jirin jid kale oo u bannaanaa beelaha aan sida weyn
u abaabulnayn aan ka ahayn inay madaxa u ruxaan wixii Burco ka socday inta
xaaladdu iska beddeleyso. Waxaa xusid mudan, saraakiishii horjoogayaasha u ahaa
SNM waxay horseed ka ahaayeen olole gumaad ah oo taliskii Maxamed Siyaad ku
qaaday dhulka dadka ay ka soo jeedday jabhaddii ka horreysay ee SSDF, waxana
saraakiil u badnaa reerka SNM ay fuliyeen hawlgaladaasi oo intiisa badan ay ka
dheceen gobolka Mudug. Raggii gaboodfalladaasi geystay waxaa ka mid ahaa G/le
Dhegaweyne, Maxamed Kaahin, Tansaaniya iyo Ina Askar sida ku xusan buugga
taariikh-nololeedkii Cabdullaahi Yuusuf Axmed ee Halgan iyo Hagardaamo boggiisa
138.
Dawlad
la’aanta Koonfur & gooni-goosadka
Jabhadihii hubaysnaa ee
xukunka ka tuuray nidaamkii Maxamed Siyaad Barre ma lahayn qorshe qaran oo lagu
badbaadinayo dowladnimada Soomaaliya, taa bedddelkeedii, waxay wateen ajendo
gaaban oo qabyaalad xanbaarsan waxana durba markii ay qabsadeen caasimadda ay
ku dhaqaaqeen olole nidaamsan oo lagu bartilmaameedsanayo bulsho Soomaaliyeed
oo mucayin ah oo ay u aanaynayeen inay hayb la ahaayeen Siyaad Barre. Qorshe
la’aanta jabhadaha waxay keentay in waddanku galo dagaal sokeeye iyo xaalad
bani aadantinimo oo xun iyadoo ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee dalka
isku haysay.
Kaddib markii ay meesha ka
baxday dowladdii dhexe, islamarkaasina waddanku galay dagaal sokeeye oo ay adag
tahay in uu si sahal ah uga baxo, waxaa halkaasi fursad dahabi ah ka helay
kooxdii gooni-goosadka ahayd ee SNM si ay ugu sii socoto qorshayaasheeda
gurracan ee ay dalka ku kala qaybinayaan maaddaama aanay jirin cid ama awood
arrintaasi ka hor istaagi karta. Waxaa sidoo kale sii caawiyey abaabul la’aanta
beelaha kale ee dega waqooyiga Soomaaliya ama la’aanta quwad u dhiganta oo
iyaga ka horjeedda oo ka jirta waqooyiga.
Asaaskii Maamul Goboleedka
Soomaaliyeed ee Puntland ee sannadkii 1998-dii, waxa uu noqday caqabad cusub oo
ku timi maamulka gooni-goosadka ah maaddaama maamulkan cusub ay ku bahoobeen
dad isku hayb ah oo qaybo ka mid ah ay degaan gobolo ay qolyaha gooni-goosadku
ku andacoonayaan inay ka mid yihiin maamulkooda . Dhismaha Puntland waxa uu
abuurayaa awood bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed oo caqabad ku noqon kara
dadaalka ay Hargeysa ku dooneyso inay gacanta ku wada dhigto dhulka ka maqan ee
ay degaan taageerayaasha midnimada Soomaaliya. Dhismaha Puntland waxa uu ahaa
khayaar istaraatiiji ah oo ka dhan ahaa damaca gaarka ah ee kooxda
gooni-goosadka.
Sidoo kale, Dhismaha
Dawlada Goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo iyo kuwa la mid ka ah sida Maakhir
State iyo Awdal state waxay ceejintii ku adkeeyeen mashruuca khiyaamo qaran ee
xaruntiisu tahay Hargeysa, waxana uu bannaanka soo dhigay in dadka waqooyiga
Soomaaliya ee mar loo yaqaanay maxmiyaddii Ingiriiska ee dhulka Soomaaliyeed ay
ka jiraan maamullo intooda badan taageersan yihiin midnimada iyo hal koox oo ku
taagan damac gaar ah oo gooni-goosad ah. Dhismahan maamulladan oo loo baahan
yahay in dowladda dhexe ee Soomaaliya gacan weyn siiso ay dirayaan farriin ah
waxa loogu yeero Somaliland ma aha mashruuc ay garwadeen ka wada yihiin dadkii
wixii xilli lagu magcaabi jiray maxmiyaddii Ingiriiska ee dhulkii Soomaaliyeed
(British Somaliland protectorate)
Rubuc
qarni: Ictiraaf hungoobay iyo saadaasha mustaqbalka
Ku dhuwaad rubuc qarni
maamulka gooni-goosadka ee Somaliland waxa uu daba cararayey aqoonsi uu ka helo
beesha caalamka iyadoo samaysay shuruud kasta oo dal lagu ictiraafi karo sida
deganaansho, maamul shaqaynaya, dhaqaale iyo dimuquraadiyad qabiil lagu barxay.
Ilaa iyo imika ma jirto hal waddan oo adduunka ka mid ah oo taageero u muujiyey
go’aanka halka dhinac ee gooni-goosadka, mana jirto ifafaalo muujinaya taageero
la fili karo iyadoo ay sababtu tahay: Xeerarka caalamiga ah, cahdiyada Qaramada
Midoobey iyo Midowga Afrika oo sharci darro ka dhigaya go’aankaasi; Dowladda
dhexe ee Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed oo si weyn u diidan kala-qaybinta
dalka;Xaqiiqda dhulka taalla oo aan taageerayn; qiimo badan oo aanay adduunka
ugu fadhiyi dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan; cabsi laga qabo inay
dhiirrigeliso mawjad gobolo dalalkooda ka go’a oo Afrika ka hanaqaadda iyo inay
deganaansho la’aan gelin karto gobolka maaddaama lagu muransan yahay.
Iyadoo Dowladda Federaalka
Soomaaliya ay hananayso dalka intiisa badan, islamarkaasina ay soo noqotay
kaalintii dowladda Soomaaliya ee ku matalaadda Soomaaliya fagaarayaasha
adduunka, iyadoo quwado iyo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah gooni-goosadka ay ka
hanaqaadeen waaqooyiga dalka, xiriirka DFS ee caalamka oo xoogeysanayo
islamarkaasina aanay cidna maslaxad ugu jirin gooni-goosadka, waxaa muuqata
inaanay jirin cid dooneysa inay ictiraafto maamulkaasi. DFS waxay wadahadal
kula jirtaa maamulka gooni-goosadka ee Somaliland, waxan wadahadaladaasi oo
dowladda Ingiriisku dabada ka riixaysay ay Somaliland ka faa’iideysaa oo keliya
inay qaddiyadeeda geyso fagaarayaal caalami ah iyo inay ugu danbayn abuurto
ismariwaa ay ku dalbanayso in dhexdhexaadiyaal caalami ah la keeno si arrinta
loogu dhameeyo afti dadweyne sidii Koonfur Suudaan, laakiin dadka Soomaaliyeed,
dowladda dhexe iyo saaxiibada Soomaaliya ma oggolaan doonaan tallaaba kasta oo
lagu sharciyeynayo go’aankii Burco.
Gabagabo
iyo talooyin
Tan iyo markii mucaaraka
hubaysan uu ka bilaabmay Soomaaliya dhammaadkii todobaatameeyadii, waxaa
waddanka ka dhacay xad-gudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay
geysteen jabhadihii qabiilka, taliskii militariga ahaa ee xilligaasi jiray iyo
wixii natiijo ah ee ka soo baxay dagaalkoodii ee ay dalka ka abuureen. Ma jirto
cid manta inkiraysa wixii ka dhacay ama hadda ka dhacaya waqooyi galbeed
Soomaaliya, waqooyi bari Soomaaliya iyo Koonfurta Soomaaliya waana diiwaan iyo
taariikh qoran oo aan cidna ka been sheegi Karin.Sida maamulka gooni-goosadka
ah ee Somaliland uu taag ugu waayey in uu muquniyo dadka xorta ah ee karaamada
badan ee reer Buuhoodle isagoo shacabkaasi midnimada iyo nabadda jecel u
adeegsaday awood kasta ee uu haystay, ma jirto cid Soomaaliya ku sugan oo awood
u leh in ay bulsho geyaysiiso waxaanay raalli ka ahayn. Iyadoo taasi jirto, waa
maangaabnimo iyo faham-darro khibradihii dhaxalgalka ahaa ee la soo maray,
waaqicinimo-darro iyo bisayl la’aan tusmeyneysa garasho la’aanta taariikhda,
casrigan iyo adduunku sida uu u shaqaynayo iyo odoris la’aan mustaqbalka. Waxaa
muhiim ah in labada qaybood ee Soomaali-doonka iyo Soomaali-diidku fahmaan waxa
maanta ku xeeran ummadda Soomaaliyeed, dhulka mowqica istaraajiga ah ku yaalla
iyo waxa illaah khayraad ku manaystay, siyaasadaha gurracan ee cadawgoodu horey
ugu dhagray iyo qorshayaasha imika socda ee ka dhanka ah, quwadda wadajirkooda
iyo waxay wada qabsan karaan ee ay u qalmaan. Waxaa kaloo xusid mudan in
midnimada dadka Soomaaliyeed aanay jirayn cid lagaga adkaanayo oo ku
khasaaraysa, mana jirayso beel qarinaysa ama ka awood badanaysa mid kale sida
imika lagu arki karo maamulada is-magcaabay iyadoo faa’iidadu noqoneyso mid loo
siman yahay.
Xilligan xaadirka ah lama
helayo Soomaalidii is-jeclayd ee lixdamaadkii oo ummaddu waxa ay u qaybsan
tahay imaarado qabiil ah oo aan waxba istari Karin, sidaa awgeed, waxaa loo
baahan yahay in la helo nidaam siyaasadeed oo heshiish lagu yahay oo aan cidna
u eexanayn cid kalena ka eexanayn. Xalka siyaasadeed ee ummaddu godka dheer ka
bixin kara waa heli taanka nidaam siyaasadeed oo dadka meel dhexe isugu keenaya
oo aqoonsanayana waaqicii abuurmay muddadii qaran-jabka ee ummaddu soo martay,
daweynayana sababihii fashilka iyo dhibaatadii ka dhalatay. Ma jirto qof boos
ka waayaya Soomaali midaysan oo awood badan ee waxaa boos laga waayayaa
Soomaali qoqoban iyo maamul beeleedyo cid gaar ah u adeegaya ama u badinaya.
Kolka meel la iska dhigo
caaddifadda ee xaqiido si geesinimo leh loo waajaho, ajende qabiil qaran dhali
waa, horumar iyo barwaaqana keeni waa, sidaa awgeed, waxaa muhiim ah in laga
fikiro dhinicii kale ee looga wareegi lahaa ee xalka baddiilka ah noqon kara.
Siyaasadda jahawareersan ee qaybaha Soomaalidu waxay maanta mudan tahay in
iyadoo xaqiiqda la garawsanayo si geesinnimo leh loo beddelo itijaaheeda.
Muslimka hal god laba jeer laguma qaniino ee waxaa maanta gudboon oo ay tahay
in loo hawlgalo sidii xaaladdan natiijadeeda la wada arkay looga bixi lahaa oo
loo samayn lahaa taariikh iyo Soomaaliya cusub oo midaysan, dadkeedu u siman
yihiin fursadaha iyo xuquuqaha oo dhan, dulmigana caddaalad lagu beddelo,
iyadoo sida dimuquraadiyaddu inna faraysona xukunka iyo talada shacabka loo
celinayo.
Waa in hoggaamiyayaasha
qaybaha Soomaaliyeed ay qaataan geesinimadii Nelson Mandela oo kale iyagoo
burburinaya derbiga khiyaaliga, beenta, nacaybka, damaca gaaban ee reeraha
iyagoo u adeegaya danta qof kasta iyo qarankan weyn ee Soomaaliya. Nelson
Mandela waxa uu adduunka baray is-cafiska, dib-u-heshiinta iyo sida qaran iyo
bulsho is-dulmiday dib loogu mideeyo oo loo walaaleeyo iyadoo taasi inna
tuseyso guusha iyo natiijada wanaagsan ee arrintaasi laga dhaxlay. Hadaladiisa
caanka ahaa ee markii uu xabsiga dheer ka soo baxay uu jeediyey waxaa ka mid
ahaa “ Waxaan jidkaasi dheer u soo lugeeyey xorriyadda. Waxaan isku dayey in
aanan turunturroon; waxaan sameeyey khaladaad intii aan jidka soo hayey.
Laakiin waxaan ogaaday sirta ah markaad buur ka booddo, waxaa jira qof helaya
ama ogaanaya inay jiraan buuro kale oo ay tahay in laga boodo. Waxaan qaatay
daqiiqad si aan halkaan ugu nasto si aan u milicsado muuqaalka iyo aragga
quruxda badan ee igu geedaaman, si aan u xusuusto oo u jalleeco masaafada aan
soo gooyey. Laakiin waxaan nasan karaa daqiiqad ay massuuliyaddu xorriyad ku
imanayso, waxaan ku dhacayaa ama ku dhiirranayaa in aanan daahin, socodkayga
dheer waa mid aan dhammaanayn ” markaa miyaanay hoggaamiyayaasha qaybaha
Soomaaliya go’aankaasi geesinimada ah qaadan Karin?
Walaalaha Somaliland waxaan
kula talin lahaa inay ka noqdaan go’aanka sharci-darrada ah ee ay muuqato in
aan meel lagu gaari karin ee u adeegaya cadawgeenna oo keliya, waxana la
gudboon inay ku gorgortamaan xaq kasta oo ka maqnaa iyo wax kasta oo ay geyaan
sida madaxtinimada, awood-qaybsi xaq ah, caasimadda IWM, mana jirto mawduuc aan
laga wada hadli karin. Sidoo kale, waxaan ku boorrin lahaa inay ka waantoobaan
ku xad-gudubka sharafta iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee midnimada jecel
ee waqooyiga Soomaaliya. Waa inay cabburinta, dilka, barakicinta iyo haysashada
militari ka joojiyaan dadka aan ku fikirka ahayn, islamarkaasina aanay cid kale
ku samayn wixii ay ka cabayeen ee ay ku doodayeen in nidaamkii militarigu ku
sameeyey.
Dawladda Federaalka
Soomaaliya waxaa la gudboon inay la timaaddo istaraatiijiyad iyo qorshe dalka
lagu midayn karo oo xaqiiqda imika jirta taabanaysa iyo in ay qaddiyadda
waqooyiga si xeel-dheer u deristo iyadoo muhiimad siineysa miisaanka dadka
gooni-goosadka ka horjeeda ee aanay si indha-la’aan ah waqooyi ugu aqoonsan in
maamulka Hargeysa uu wakiil ka yahay dadka oo dhan sida ka muuqata wadahadalada
ka socda Turkiga iyadoo cidda la hadlaysa Somaliland aan laga dhigayn
shakhsiyaad gobollo kale ka yimi oo aan faham weyn ka haysan waxa waqooyi
yaalla. DFS waxaa laga doonayaa in aanay u dhaqmin mid wakiil ka ah Koonfurta
iyo Bartamaha Soomaaliya ee ay ballaariso kaalinteeda gobolada kale iyo inay u
hawlgasho sidii ay u taageeri lahayd dadka midnimada u go’ay ee ay dhegaha ka
fariisatay, maxaa yeelay tallaabadaasi waa mid istaraatiiji ah oo wax ka
beddeleysa waaqica imika jira ee u hiilinaya gooni-goosiga. Gooni-goosigu waa
in uu isugu ururaa guriga cidda uu ka yimi, waana in dadka kalena ay ka
madaxbanaadaan qabshada iyo awood ku muquninta, si mashruucaasi halka dhinac
aanu u noqon mid la isku khasbo oo ah khayaarka ama dookha keliya ee jira. DFS
iyo Soomaalida badan ee midnimada jecel waa inay shaqadooda xoojiyaan oo
mideeyaan si guusha loo gaaro.
Guul Soomaaliya oo Mid ah oo
Awood badan
Cabdirashiid Muuse Siciid
Qoraa, lafa-gure
siyaasadeed iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax bannaan
Waxaa Lagu heli karaa:
Email:
abrashidmuse@gmail.com
Twitter:@AbdirashidMuse