Ma rumaysni in dadkayga
Soomaaliyeed qaar ka mid ah loo liidi karo ama loo hoos marin karo iyadoo loo
eegayo midabkooda, reerka ay yihiin, degaanka ay degan yihiin iyo xirfadda ay
leeyihiin. Dadka Soomaaliyeed waa mid, mana kala sarreeyaan ee waxay leeyihiin
xuquuq isku mid ah. Ma oggolaan karno in dad Soomaaliyeed xuquuqdooda lagu
tunto qarankan weyn hortiisa oo ay aynu ka aamusno amaba qayb ka noqono dulmiga
dadkaasi lagu hayo. Waa in la soo afjaraa faquuqidda lagu hayo qayb muhiim ah oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed, oo wax
weynna u taray dadka iyo dalkaba.
Dadka Soomaaliyeed waxay
leeyihiin hayb mid ah iyo mustaqbal ay wadagaan oo mid ah, waana in aan wada
ilaalinaa waxa inna mideeya ee ummadnimo, oo awoodda aan leenahay uga
faa'iidaysannaa sidii aynu horay ugu qaadi lahayn qarankeenna iyo weliba
sugidda in caddaalad taam ah ay wada gaadho geyiga Soomaaliyeed. Soomaaliyeey,
Waxaan u baahanahay in aynu maalgashanno mustaqbalka wanaagsan ee ifaya ee aynu
wadaagno ee horteenna yaalla, waana in mustaqbalkaasi noqdaa mid aynu ku wada
jirno ama abuuritaankiisa qayb ka wada nahay. Qof kasta oo Soomaaliyeed waxa uu
kaalin iyo boos ku leeyahay mustaqbalkaasi, waxaana saaran masuuliyad qaran oo
ah in uu ka qaybqaato ilaalintiisa iyo difaaciddiisa.
abrashidmuse@gmail.com
No comments:
Post a Comment