Waxaan haweenka Soomaaliyeed iyo
kuwa adduun weynaha ugu hanbalyeynayaa maalinta qiimaha badan ee 8-da March.
Maalintan waxaa loo asteeyey in la aqoonsado xuquuqda haweenka iyo kaalintooda
weyn ee ay ku biiriyaan horumarka bulshooyinka. Marka la eego dadka
Soomaaliyeed, haweenku waa asaaska qoyka iyo awoodda wax soo saarka ee
qarankeenna weyn. Ma jiraan ereyo lagu cabiri karo wanaaggga iyo waxtarka
haweenka Soomaaliyeed ee ilaa gobanimadoonkii, ka hor, iyo xilliyadii ugu
danbeeyey ee dalkeenna dhibaatadu la deristay oo haweenku noqdeen waxa lagu
badbaaday.
Waa in la garawsadaa dhibaatooyinka
faraha badan ee loo geystay haweenka dhabarka adag ee Soomaaliyeed xilliyadii
dhibaatadu jirtay iyo haatanba, waana in la aqoonsadaa xuquuqda lama taabtaanka
ah ee ay leeyihiin si qarankeennu horey ugu socdo. Xuquuqda haweenku kuma eka
oo keli ah ka-qayb-gal kooban oo siyaasadda ah ee waa in la joojiyo dhammaan ficilada
iyo dhaqamada xun ee liddiga ku ah haweenka Sooomaaliyeed, kuwaasi oo muddo soo
jiitamayey, oo runtiina lagu tilmaami karo xadgudub iyo tacaddi.
Anigoo ku hadlaya magacayga shakhsiga
ah, waxaan mar kale haweenka Soomaaliyeed iyo kuwa adduunkaba ugu
hanbalyeynayaa maalintan qiimaha badan ee 8-da March. Maalintan waa in aanay innoo kala qaybin rag iyo dumar, ee
waa in dhammaanteen ay inaku midaysaa ilaalinta iyo difaacidda xuquuqda
haweenka, waana in la xusuustaa waxa qof walba u tari karo wanaagga iyo horumarka
haweenka Soomaaliyeed oo ah hooyooyin, walaalo iyo xaasas.Waxaan haweenka
Soomaaaliyeed u rajaynayaa horumar iyo guul
Haweenka Soomaaliyeedoow weligiin horseed
ayaad ahaydeen
Abdirashid Muse
abrashidmuse@gmail.com
No comments:
Post a Comment