Nidaamka
Federaalka ah ee Soomaaliya waxa uu gelayaa marxaladdiisii muhiimka ahayd, ee
haddana aadka u xanafta badnayd, waxana socda hirgelintiisa iyo sida ay
gobolada isu raacayaan. Gobolada haatan la is raaciyey ee abuuray Dawlad
Goboleedyada rasmiga ah, waxaa la isu raaciyey iyadoo laga shidaal qaadanayo
hannaanka laba gobol iyo wixii ka badan ee la isuma raacin intii isku isir ama
isku hayb ah, maaddaama gobolada ay beelaha Soomaaliyeed wada degaan. Dawladda
Federaalka ee Soomaaliya laba State ama Dawlad Goboleed oo qura ayey u
aqoonsatay Gobolada iyo degaanada ay ka koobmayaan mustaqbalka, waxana ay kala
yihiin:
1. Jubaland
Marka
la eego heshiisyadii Dawladda Federaalka iyo Maamulka Jubaland, Dawladda
Federaalka Soomaaliya waxay oggolaatay in gobollada Jubbada Hoose, Jubbada
Dhexe iyo Gedo ay abuuraan Dawlad Goboleedka Jubaland ee Soomaaliya, waxana
muran sannad qaatay kaddib ay hoggaanka Jubaland, Dawladda Federaalka iyo
Beesha Caalamkuba arrinta ku
dhammmeeyeen xeer jajab, iyadoo ay xusid mudan tahay in geeddi-socodkii lagu
abuuray Jubaland uu ahaa mid aan
nidaamka waafaqsanayn oo duruuftu keentay.
2.
Koonfur Galbeed
Dawladda
Federaalka Soomaaliya kaddib markii la isku qabtay lix gobol iyo saddex gobol, waxaa
ugu danbayntii la isla waafaqay in saddexda gobol ee Baay, Bakool iyo
Shabeellaha Hoose ay abuuraan Dawlad Goboleed, taasi oo markii danbe dhammaan
dhinacyadu isla wada oggolaadeen oo maanta sidaa lagu aqoonsaday. Dawlad
Goboleedkaasi, waxaa ku jira beelo Soomaaliyeed oo kala hayb ah, laakiin
tusaale waanagsan u noqon kara wax wadaagga iyo wax wada qaybsiga
Soomaalinimada ku dhisan ee aan qabiilka ahayn.
Intaa
waxaa dheer, dhammaadkii bishii July ee sannadkii hore Dawladda Federaalka
Soomaaliya, dadka degaanka iyo Beesha
Caalamka ee inna taageerta, waxaa la
isla oggolaaday in Gobolada Mudug iyo Galguduud ay abuuraan Dawlad
Goboleed ay yeeshaan labadaasi gobol, maaddaama Dastuurku qorayo laba gobol iyo
wixii ka badan ayaa noqon kara State ama Dawlad Goboleed. Maantana waxaa loo
fadhiyaa abuuritaankii Dawlad Goboleedkaasi oo aan u rajaynayo in hawshiisu guul
ku dhamaato.
Iyadoo
arrintu halkaa marayso, waxaa jirta in Puntland
la asaasay sannadkii 1998-dii oo ay ka horraysay nidaamka Federaalka,
waxana Puntland sheegataa iny ka kooban tahay shan gobol oo kala ah Bari,
Nugaal, Mudug, Sool, iyo Sanaag oo ay weheliso degmada Buuhoodle marka loo eego
18-ka gobol, walow Puntland ay iyadu ay gobollo cusub magcaabatay. Laakiin ku
dhowaad18 sano kaddib xaqiiqda jirta ee dhulka taalla (facts on the ground) wey ka duwan tahay
sheegashada haatan ee Puntland, sida Puntland lagu asaasay iyo wixii lagu
midoobey. Gobollada Sool iyo Sanaag iyo degmada Buuhoodle marka la is raaciyo,
waxaa ka jira Maamullo degaanka ah oo doonaya inay ka baxaan Puntland oo ay
abuuraan State gooni ah oo Federaalka hoos taga, waxana sidoo kale ka jira Somaliland oo iyaga laftigoodu
sheeganaya in gobolladaasi ay ka tirsan yihiin maamulkaasi gooni-goosadka ah ee
Somaliland.
Halkaa
waxaa kaaga soo baxaya in aanay jirin hubanti iyo sharciyad go'aamisay sida ay
isu raacayaan gobolada dalka iyo astaynta xuduudahooda marka laga tago inta la
isu oggoladay ee aan kor ku xusay, waana
hawl qabyo ah ooo dastuurka federaalkuna farayo cidda qaban doonta. Hubanti
kama jirto in Sool iyo Sanaag ay mustaqblka soo socda ka mid ahaan doonaan
Puntland, in ay Dawlad Goboleed goonni ah ahaan doonaan, in la kala qaybin
doono iyo in ay Somaliland raaci doonaan, haddiiba la isla afgarto midnimo iyo
in ay wax wada yeeshaan. Sidoo kale waxaan caddayn mustaqbalka Somaliland,
maaddaama goboladaasi ay muhiim u yihiin Somaliland, laakiin la isku diidan
yahay go'itaanka iyo midnimada, waxaa cad in Somaliland aanay go'i karin
goboladaasi la'aantood. Sidoo kale, waxaa goboladan la duruuf ah gobolka Mudug,
mana cadda in gobolka Mudug iyo magaalada xarunta ah ee Gaalkacanyo la kala qaybin
doono iyadoo loo eegayo hadba intii isku isir iyo isku qabiil ah iyo in la
midayn doono meeshey doonaanba ha raaceene.
Dastuurka
Federaalku ma dhigayo in gobolada iyo degaanada ay qabiil isu raacaan, waayo
haddii qayb ka mid ah gobol ay diido in ay gobolka intiisa kale raacdo maaddaama aanay isku qabiil
ahayn, waxay keenaysaa in dadka kalena ay ka laabtaan gobolada aanay isku
haybta ahayn, tusaale ahaan haddii la diido in Mudug la is raaciyo maxaa
diidaya in degmada saakow tiraahdo anigu Jubaland ma raacyo ee waxaan ku
biirayaa Koonfur Galbeed, ama Bu'aale tiraahdo magaaladan ha la kala qaybiyo
miyaanay dadkaasi xaq lahayn? Waxaa xusid mudan, in israacinta gobolada
Jubaland iyo Koonfur Galbeed aanay talo ku lahayn dadweynuhu. Heshiisyada lagu
unkay Jubaland iyo Koonfur Galbeed waa kuwo siyaasadeed ee ma aha heshiis
shacabka ka yimi iyo maamullada gobolada iyo degmooyinka. Dastuurku waxa uu
qabaa waxa isku biiraya waa maamulada gobolada, dadka la rabo in ay go'aan ku
yeeshaanna waa dadweynaha si loo abuuro Dawlad Goboleed. Nin gobolkiisa
Al-shaab haysatay oo la go'aamiyey in uu gobol kale raaco, miyaanu berri xaq u
lahayn in uu diido? isku soo wada duuboo waxaa innaga horreeya jid qodax badan,
guushuna ma dhowa ee waxay u baahan tahay isu tanaasul iyo in Soomaalinimo wax
lagu dhiso oo qabiilka laga tago.
FG:
Khariidada ama Map-ka Federaalka Soomaaliya ee aan isticmaalay kama tarjumayo
aragtidayda ee waxa uu yara tusaalaynayaa sida ay wax abuurmayaan, laakiin
xaqiiqda wax badan ayaa iska beddeli kara. Khariidadan waxaa la isticmaalay
sannadkii hore, waqtigana lama socoto. Waxaan ka soo qaatay somaliawakeuponline.
Cabdirashiid Muuse Siciid
Qoraa, lafa-gure siyaasadeed iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax bannaan
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid Muse
No comments:
Post a Comment