Alshabaab waxay gudaha Soomaaliya
ku dilayaan dad Soomaaliyeed oo muslimiin ah, iyagoo aan dadka kala saarin
ayeyna qarxiyaan, toogtaan ama bartilmaameedsadaan meel rayid ah, halka Kenyana
ay dadka u kala saarayaan Muslimiin iyo Masiixiyiin. Ujeedada dagaalkoodu kuma
salaysna diin iyo in ay u dagaalamaayaan Soomaali iyo Muslimiin, waayo dhamaan
ficiladooda waxay dhibaato ka soo gaadhaa dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo
dibadda.
Marka ay Kenya la joogo, in daka Muslimiin iyo Masiixiyiin loo kala saaraa waxay ii
muujinaysaa inay uga golleeyihiin in shacabka Kenya ay u kala qaybiyaan laba
qaybood oo ay abuuraan isku-dhac diimaha ah. Waxay ka faa'iidaystaan isku-dhaca
bulshooyinka si ay halkaas boos uga helaan, iyagoo doonaya inay kasbadaan
shacbiyad ama taageero dadweyne, hadba cidda ay u arkaan inay dagaalkooda wax
ku biirin karto.
Gudaha Soomaaliya, waxay isku
diraan beelaha dhexdooda iyo Maamullada iyo beelaha si ay khilaafkooda fursad
uga dhex raadiyaan. Waa koox ay hagto aragti gurracan oo dhiigyacabnimo ah,
mana jirto cid gaar ah oo ay wanaag u sameeyaan ama ay dantooda ka shaqeeyaan.
Koox maafiya ah oo wax burburinaysa oo aan cidna dhaafayn, ma aha in
warbaahinta adduunku ku summado inay Soomaali yihiin ama diinta Islaamka ee
xaniifka ah iyo dadka Soomaaliyeed ee dhaqanka wanaagsan ay ka tirsan yihiin oo
ku abtirsadaan, mana jirto cid u wakiilatay Soomaalinimo iyo Islaanimo oo ay metelaan
oo ay u dagaalamayaan.
In la bartilmaameedsado goob
waxbarasho oo ay joogaan dad rayid ah, waa arrin fulaynimo iyo naflacaarinimo
ah oo aan qiil loo samayn karin. Qof kasta oo damiir bani aadantinimo leh waa
in uu canbaareeyaa oo dareenkiisa la wadaagaa dadka dhibaatadu soo gaadhay.
Kani waa weerar bahalnimo ah oo lagu soo qaaday insaaniyadda, nabadda gobolka
iyo caalamka, mana jirto diin, qiyam iyo akhlaag oggolaan karta.
Qaramada gobolka iyo adduun
weynuhu waa in uu isu yimaadaa oo xooggiisa mideeyaa si uu u waajaho masiibadan
kawniga ama caalamiga ah ee dhibaatada ugu badan ka soo gaadho dadka iyo
dalalka ay magacooda dhiigga ku daadiyaan.
No comments:
Post a Comment