War-murtiyeed ka soo baxay wada-xaajoodkii
magaalada Garoowe ku dhex maray Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad
Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed, waxaa lagu sheegay in Puntland saddex kun
oo ciidamo ah loogu daro ciidamada qaranka si ciidamada la isugu dhafo. Marka
la eego Puntland, maamulka Cabdiweli Gaas waxaa haysta caqabado badan oo ay ka
mid yihiin la dagaalanka Al-shabaabta buuraha Galgala, iska-difaacidda haddii
weerar uga yimaado Somaliland iyo la tacaalidda ammaanka gudaha oo ay adag
tahay in la hanto maaddaama dadku wada hubaysan yahay. Sidoo kale, waxaa dadka
qaar walaac ka qabaan in magaalada Boosaaso oo kale ay khatar ugu jirto inay
soo galaan kooxda Al-shabaab ee argagaxisada ah.
Maamulka Cabdiweli Gaas oo
xilliyadii ugu danbeeyey ay soo waajahday maamul-xumo baahsan iyo in uu xitaa
Garoowe hanan kari waayo, ayaa haatan ku tiirsan maleeshiyo gaar ah oo ay isku
hayb yihiin, isagoo dhowaanna beelaha gobolka Bari ka codsaday ciidan iyo
dhaqaale si la isaga difaaco khatar la filan karo oo Puntland ku iman karta
xilli kasta. Waxa iyana xusid mudan, haddii la doonayo ciidan dadka
Soomaaliyeed oo dhan wada metela oo saraakiisha iyo dablayaashiisu ay ku wada
jiraan dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka ama beelahaba, waxaa dadka qaar
is weydiin karaan war horta ciidanka Puntland ma yahay mid loo dhan yahay oo
dadka degaanka oo dhan ay ku wada jiraan marka la eego saraakiishiisa iyo xitaa
dablayaasha hoose? Jawaabta inay bixiyaan waxaa laga rabaa dadka deggan
dhulkaasi.
Maamulka Cabdiweli Gaas diyaar ma u
yahay in uu saddex kun oo ciidamadiisa ah u diro Xamar ama kuwo hor leh u qoro
Dawladda Dhexe? Ma oggolaan karaa in hoggaanka ciidamada Puntland la hoos geeyo
Wasaaradda Gaashaandhiga ee Dawladda Federaalka? Haddi Ciidanka Puntland la
hoos geeyo Taliska Dhexe ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxay ku
shaqayn doonaan awaamiirta Dawladda Dhexe oo xilli kasta ciidamadaasi isku
beddeli karta ama ugu yaraan ciidamo ka yimi gobolada dhexe ama kuwa koonfureed
u soo beddeli karta Puntland. Sidoo kale Puntland diyaar ma u tahay in ay hubka
ay samaysatay ku wareejiso Dawladda Dhexe?
Aniga waxay ila tahay qodobkan waxa
uu niyad-dhis u yahay Dawladda Federaalka oo u muuqata in ay awoodo dastuuri ah
oo badan oo ay leedahay ka tanaasulayso oo u oggolaanayso Dawlad Goboleedyada.
Tusaale ahaan, Dawladda Dhexe waxay ka tanaasulaysaa siyaasadda arrimaha
dibadda iyo xiriirka caalamiga ah, socdaalka, ciidamada militariga, maamulidda
dakhliga iyo lacagta dalka. In Puntland xaquuq ku yeelato Dawladda Dhexe oo ay
ka mid tahay sida deeqaha caalamiga ah
iyo kuwo kale oo badan oo dhinaca horumarka ah ma aha arrin la diidi karo, ee
waxaa meesha yaalla waa anigoo waxayga haysta waxaaga iyo wax kale ha la iigu daro.
Wax shaki ah igagama jiro in
maamulka Cabdiweli Gaas oo ku fashilmay arrimaha Puntland oo bixin kari waayey
mushaharaadka Ciidamada Daraawiishta iyo shaqaalaha rayidka ah uu doonayo in
arrintaasi uu xal u helo oo Dawladda Dhexe ay dhaqaale ay Muqdisho ka qaadday
siiso ciidamadiisa. Waxaa jirta in Bangiga Adduunka uu Puntland ka saacidi
doono bixinta mushaharaadka shaqaalaha rayid ah si la mid ah Dawladda
Federaalka, laakiin maamulkaasi waxa uu u caal la' yahay bixinta mushahaardka
ciidamada militariga ee loo yaqaan Daraawiishta. Ogow, ciidamada nabadsugidda ee
Puntland waxaa mushahar siiya Maraykanka, halka kuwa baddana ay mushaharka ka
helaan Dawladda Imaaraadka, kolkaa Cabdiweli Gaas waxa uu u baahan yahay in Saddex
kun oo Daraawiish ah uu mushahar uga helo Muqdisho.
Xilligan waxa uu Cabdiweli Gaas ku
mashquulsan yahay in uu urursado dhaqaale badan oo uu doonayo in uu mar kale
ugu tartamo Madaxtinimada Soomaaliya oo uu ku guuldarraystay sannadkii
2012-kii. Tan iyo markii uu awoodda wareejiyey Madaxweynihii hore ee Puntland
Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, Puntland oo ahayd go'doon waxay ka maqnayd
saaxadda siyaasadda ee Soomaaliya, waxana maamulkan talada haya uu doonayaa inuu
saaxadda dib ugu soo laabto, maaddaama ay caddaatay in Puntland keligeed aanay
waxba qabsan karin, kaddib markii ay go'doon ku soo rogtay kooxda Damul Jadiid
ee haysata awoodda Soomaaliya oo iyadu awoodda giijisanaysay sanooyinkii ugu
danbeeyey.
Waxaan filayaa in qodobada
is-afgaradka ah ee Garoowe lagu gaaray, aanay wax badan ka hirgeli doonin,
maaddaama labada dhinac uu mid walba masaalix gaar ah eeganayo ee aan laga wada
shaqaynayn maslaxadda qaran ee dalka Soomaaliya. U malayn maayo in amuuraha
qaar waqtigoodii la joogo, waxana ay u baahan yihiin is-aaminaad, kalsooni
bulshada iyo hoggaanada siyaasadda ee Dawladda Dhexe iyo Dawlad Goboleedyada ah
iyo weliba in la helo daacadnimo iyo Soomaalinimo dhab ah oo laga tago danaha
gaarka ah ee shakhsiga, kooxaha iyo reeraha ku dhisan.
Cabdirashiid Muuse Siciid
Qoraa, lafa-gure siyaasadeed iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax bannaan
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid Muse
No comments:
Post a Comment