Maanta Soomaali badan ayaa si xaq-darro ah ugu dhimatay weerarkii argagaxiso, tira badana waa ay ku
dhaawacmeen. Si guud marka loo eego qof kasta oo Soomaali dhab ah wuu ka
naxayaa walaalkiis si xaq darro ah loo dilay ama loo dhaawacay waxana imanayaa
(Public hurt) ama in uu dhaawac gaaro dad weynaha oo dhan oo ay wax iska
beddelaan shucuurtooda/dareenkkooda. Carruur badan ayaa agoon noqotay, halka
haween baddana ay asay qaadeen.Dad badan ayaa saaxiibadii ay isla shaqaynayeen
ama kuwii ay yaqaaneen waayey ama dhaawac gaaray.
Anigoo sidaa iri, caawa waa jimce
waxana inta badan Idaacadaha Muqdisho ay soo sii daynayaan barnaamijyo jacayl iyo
heeso ah, mana muuqato dareen murugo ah ama mid waddaniyadeed oo ay u muujiyeen shacabka dhegaystayaashooda
ah. Waa ay jiraan saacado ay dhacdada ka hadlayeen, laakiin dareenka saxda ah
iyo tebin joogto ah ama (Coverage) ma siin.
Waxay ila tahay in loo baahnaa inay bulshada la wadaagaan
dareenka iyo xogta dhabta ah iyagoo wararka raadinaya, isla-markaana lafa-gurid
ama taxliil.ku samaynaya si wax badan looga ogaado waxa dhacay siday u dhaceen iyo waxa farriin ah ee bulshada loo gudbinayo si loo wacyi geliyo dadka. Tebinta joogtda ah waxay keenaysaa in wax badan laga ogaado dhacdada, dadkuna waxka bartaan oo wacyi helaan , iyadoo dad aqoon u leh mowduuca oo khuburo iyo culumo sax ah la waraysanayo.
Waxaa laga yaabaa inay tani ka mid
tahay la qabsiga arrimahan oo kale, adiga Maxay kula tahay?
Abdirashid Muse
No comments:
Post a Comment