Mar uu ka hadlayey kulanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxweynaha Khaatumo, sidan ayuu qoray
warlord-ka saxaafadda Soomaaliyeed: "Waan kulan geesinimo waana soo
dhoweynayaa" waa ereyo maran oo aan
wax micno ah xanbaarsanayn. Yuusuf Garaad haddii uu shalay Somaliland u
ictiraafay iney Jamhuuriyad yihiin xaqiirnimadiisa muxuu Khaatumona ugu
aqoonsan waayey Dawlad Goboleed? Cali Khaliif oo ay doorteenna Madaxweynaha
Khaatumo.
Dhowaan markii Jabhadda
Somaliland-SNM ku soo duushay dadka nabadda iyo Soomaalinimada Jecel ee
Khaatumo gaar ahaan Saaxdheer, waxaad sheegtay in dagaalka meeshaas ka dhacay
aanu ahayn mid qabiil ku salaysan, laakiin noomaad sheegin sababta rajiimka
halka reer ah ee duullaanka ka soo qaaday Hargeysa uu u soo weeraray Saaxdheer?
Kula yaabi maayo oo waxaad Dawlad iyo Jamhuuriyad u taqaan Jabhad shaar
Dawladeed u gashatay damac reerood, laakiin waxaan kuu sheegayaa reerna reer
kale ma sii haysan karo oo Dawladna uma noqon karo.
Yuusufoow stop the crocodile tears!
qoraalkan yar ee ducfigaaga
xanbaarsan ha u qaadaan inaad ku sasaban karto quluubta dadka Soomaaliyeed ee
badan ee ka horjeeda damaca reer Hargeysa iyo aragtidaada
Dameer-dhaanraacnimada ah ee aad mar kasta ugu ololeyso waxa aad ugu yeerto
Jamhuuriyadda Somaliland iyo erey bixinta aad la timi ee ah Somalia iyo
Somaliland. Adduunka iyo Soomaalida wanaaga jecel waxay ictiraafsan yihiin hal
dal oo la yiraahdo Soomaaliya ee ma jiraan laba dal oo la kala dhaho Somalia
iyo Somaliland. Ha isku khaldin in Xukuumad la hadasho garab ama dhinac kasta
oo ka horjeeda, malaha waxaan kuu kala baxsanayn dal Soomaaliya la yiraahdo oo
sharciyaan dhul ahaan iyo magac ahaanba
ay ka mid tahay Somaliland iyo qayb kasta oo kale oo Soomaaliya ah iyo Xukuumadda Federaalka ee la hadlaysa
Hargeysa!
Waxaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ugu hanbalyeynayaa in uu
fahmay in qaddiyadda waqooyi taalla si dhab ah loo guda galo oo aan kooxda
Hargeysa loo aqoonsan iney yihiin kuwo wakiil ka ah dadka waqooyi ku dhaqan
intiisa kale. Waxaan rajaynayaa in wadahadalada Turkiga ee u dhexeeya
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ay noqdaan kuwo laga
wada qaybgalo oo aan reerna reer kale wakiil ka noqon, isla markaana
wadahadalku aanu ku koobnaan koox Soomaalidiid gooni-goosad ah iyo Koox reer
Xamar ah oo aan aqoon u lahayn taariikh iyo sida loo kala degan yahay
dhulkaasi.
Abdirashid Muse
No comments:
Post a Comment