Wax shaki ah haba yaraatee
igagama jiro in Puntland ay soo food saari doonto xaalad adag sannadkan
gudihiisa. Imtixaanka siyaasadeed ee haysta Madaxweyne Abdiweli M. Ali waxa uu u muuqdaa mid ay ku fashilmi
doonaan kooxdan loogu magac daray Xaflad-joog.Hoggaanka jilicsan ee Cabdiweli
Gaas ma aha mid Puntland ka samata bixin kara caqabadaha siyaasadeed, dhaqaale
iyo amni ee haatan jira iyo kuwa abuurmi doona.
Dadka Puntland iyo
Baarlamanka Puntland waxaan ugu baaqayaa iney ka tashadaan oo la xisaabtamaan
Maamulkan taagta daran ee khatarta gelinaya midnimadeena iyo jiritaanka
Puntland. Puntland waa lagu caano maalay, cidna lagama yeeli karo iney
gacmahooda ku burburiyaan. Xilliyadii ugu danbeeyey wixii ka dhacayey Garoowe
iyo Puntland guud ahaan waxay ahaayeen kuwo aan la aqbali karin oo khatar badan
xanbaarsan, mana muuqato in kooxda Gaas ay fahmi karaan amuurahan iyo xalka loo
baahan yahay.
Baarlamanka Puntland waa in aanay
noqon makhaayad hadba ninka yimaado iska shito oo mushahar laga qaato ee waa in
ay noqdaan kuwo la mid ah baarlamaanada adduunka iyo Soomaaliya oo ay gutaan
waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta haykalka Maamul ee Puntland,
waana in aan laga oggolaan kooxdan boobka iyo lacag urursiga ku mashquulsan
iney khatar sii geliyaan nidaamka jilicsan ee lagu caano maalay ee Puntland.
Baarlamaanku waa in ay caddeeyaan iney yihiin metelayaasha shacabka iyo
ilaaliyayaasha danta iyo maslaxadda Puntland oo aan la fiirsan koox isa siisay
awood xad dhaaf ah oo sidey doonto u dhaqmaysa.
Haddii sannad khasaaray ma aha in
aynun iska fariisanno innagoo ayaan daran oo daawanno waxa ka dhacaya Puntland.
Qof walba masuuliyad ayaa ka saaran degaankeenna, waxana masuuliyadda inta
badan qaadaya Baarlamanka la doortay iyo hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo
bulshada. Markaa Baarlamanku waa in ay soo gole joojiyaan Madaxweynaha iyo
Xukuumaddiisa si loola xisaabtamo, haddii kale dee Puntland ha iska ahaato meel
shantii sanoba reer iyo koox u xiran oo la is bedelo ama xukunka la iska dhaxlo
sidii gabar la kala dumaalayo oo aan la isla xisaabtami karin.
Waxaan ka rajaynayaa dadka iyo
hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo bulshada ee Puntland inay qaddiyadan si dhab u
fahmaan oo u gudagalaan si loo ilaaliyo Puntland iyo mustaqbalka
dadkeeda.Waxaan filayaa in dadka intiisa badan ila qabaan in hoggaanka
Madaxweyne Gaas aanay wax horumar ah gaarsiin karin Puntland aan ka ahayn iney
u horseedaan dib-u-dhac iyo iney kala daadato, halkii loo doortay iney isku
hayaan Puntland-tii loo dhiibay, isla markaana raadiyaan inta maqan, iyagoo
ilaalinaya kaalinta Puntland ee siyaasadda Soomaaliya iyo tan gobolka.
Ujeedadeenu waa Puntland oo mid
ah, horumar samayneysa oo dadkeeduna ku nool yihiin nabad iyo caddaalad.
Guuleysta
Puntland ha midowdo
Puntland ha iksutashato
Puntland ha is raacdo
Puntland ha ka adkaato lidkeeda
Puntland ha horumarto
Puntland ha guuleysato
Puntland ha iksutashato
Puntland ha is raacdo
Puntland ha ka adkaato lidkeeda
Puntland ha horumarto
Puntland ha guuleysato
Abdirashid Muse
No comments:
Post a Comment