Shalay si guud ayaan qaranka ugaga tacsiyeeyey
dadkii inakaga dhintay weerarkii argagaxiso ee kooxaha sharwadayaashu ku dileen
hal-door badan oo dalku lahaa.
Marka laga tago naxdinta iyo murugada weyn ee masiibadan qaran oo dalku ku waayey kuwii u hiilinayey, haddana waxaa tiiraanyo weyn igu reebay markii la ii sheegay in dadka dhintay uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamuud Ducaale Muuse (Xaaji Kafee) oo ka mid ahaa mudanayaasha qaran ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, waana ninkii dhowaan beddelay Halyeeyaddii Qaran Allaha u naxariistee Saado Cali Warsame oo iyadana ku dhimatay halgankan iyo hayaankan ay ummaddeenu ku dooneyso Dawladnimo, Caddaalad iyo midnimo.
Ma garanayn ereyo aan ku cabbiri karo tacsidiisa iyo
geerida ku timi iyo sida xaq-darrada iyo arxan-darrada ah ee loo dilay.Laakiin
waxa uu la mid ahaa geesiyaashii inaka dhintay, waxana uu lahaa sifooyinkoodii
wanaagsanaa.
Waxa uu ahaa nin iimaan leh oo cibaado badan, si xaq
darro ahna loo dilay isagoo gudanaya Salaaddii Illaahay soo rogay ee uu
addoomadiisa ku waajib yeelay.Waxa uu ahaa waxa uu noqdo nin qiimo leh oo weyn,
waxa uu ahaa mid ka mid ah ragga leh qiyam iyo casiimo adag oo aan ka laaban
waxa uu rumaysan yahay oo aan cidna marti ugu noqon. Waxa uu ka mid ahaa
garbahayga iyo awoodahayga. Waxa uu ahaa saaxiib iyo masuul, waxa uu ahaa
taliye iyo yeele, waxa uu ahaa oday iyo dhalinyaro, waxa uu ahaa dhexyaal iyo
qof aan isla weynan oo mutawaaddic ama humble ah.
Waxa uu i raacay markii ay iga tageen kuwii ii
dhowaa, waxa uu ii hiiliyey markii ay iga hiiliyeen kuwo kale, waxa uu iska
diiday in uu indhaha ka qabsado kuwo ku andacoonaya iney wakiil iga yihiin ama
ay i metelaan oo aan iyaga magan u ahay, laakiin isaga ayaa si sax ah ii
metalayey dabcan. Waxa uu ahaa geesi aan cabsida aqoon, waxa uu ahaa nin abaal
gala oo hadana guda, waxa uu ahaa nin abaal loo galo mudana in loo gudo.Waxaan
is naqaannay muddo saddex sano ah oo aan ka bartay duruus badan.
Illaah waxaan uga baryayaa in uu Jannadiisa Fardawsa
geeyo oo uu taa ku abaal mariyo, Illaah waxaan uga baryayaa in uu denbigiisa
dhaafo oo kitaabkana midigta ka siiyo.
Amen Yaa Rabbi
Abdirashid Muse
Abdirashid Muse
No comments:
Post a Comment