Maalin kasta Puntland waan la hadlaa waana la igala so hadlaa,
waxaana ka war qabaa meesha ay marayso siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, amni
ahaan iyo horumar ahaan halka ay joogto ama haddii ay dib-u-dhac ku jirto.
Waxaan si weyn ula qabaa qoraha article-kan iyo arrimaha uu ka
hadlay, waxana habboon in xaqiiqda mar kasta laga hadlo. Shanta sano ee la
doortay aqoon yahanka isbeddeldoonka ah ee Dr. Abdiweli M. Ali waxay noqoneysaa shan sano oo
khasaartay mid waaba tegaye, haba khasaaretee qiimo badan ugu kacaysaa dadka
reer Puntland.
Siyaasad ahaan Puntland waxay magan u tahay kooxaha Dam Jadiid
iyo Ictizaam oo u muuqda iney midoobeen ama isku darsameen, kana midaysan
qorshayaal badan gaar ahaan Puntland, waxana xusid mudan in Puntland ay
hoggaamiyaan kooxda Ictimsaam oo aan Al-shabaab wax badan ka duwanayn dhinaca
aragtida.
Dhaqaale ahaan, Puntland waxay maraysaa meelihii ugu xumaa ee
abiid ay gaadho, waxana ilaa lix bilood aan la bixin mushaharaadkii shaqaalaha
rayidka ah iyo ciidamada. Marka la eego dhaqaalaha sida gaarka ah loo leeyahay
waxaa saameeyey hoggaan xumo iyadoo dhowaan la soo daabacay lacago Soomaali ah
oo qiimo dhac sababaya iyo maciishada iyo nolosha dadka oo hoos u dhacda. Waxaa
laga yaabaa iney dad badan ku khaldaan lacagta 18 ama 19 malyuun ee dollar ah
ee World Bank siinayo si ay mushaharaadka shaqaalaha u bixiyaan, waxana dadka
aan war hayn ay ku khatali doonaan miisaaniyadda ayaan kor u qaadnay oo
todobaataneeyo malyuun gaarsiinay.
Amni ahaan, Puntland waxay ku sugan tahay meel aad u hooseysa,
waxana muuqata in kooxda argagaxisada ah ee Al-shabab ay u bareereen iney
magaalooyinka waaweyn sida Boosaaso ku qaadaan duullaan hubaysan iyadoo la
filan karo weeraro kale oo ay inakaga baxaan naf iyo maal.
Midnimada dadka Puntland maba jirto oo maanta waxa lagu midaysan
yahay iyo degaan midaysan ma jiro, waxana xilliyada soo socda ay caqabado fara
badan ka iman doonaan Gobolada Dhexe oo furin hor leh ah iyo Sool iyo Sanaag oo
furimo kale ah , halka Al-shabaa ay tahay furin iyo khatar kale.
Maamulka Cabdiweli Gaas oo ku sifoobey mid jilicsan oo aan la
tacaali karin dhibaatooyinkaa waaweyn waxa uu ku jiraa xilli imtixaan ah oo ay
u badan tahay in uu ku fashilmo. Waxa ku geedaaman koox yar oo wiilal iyo
gabdho u badan oo aan waxba ku kordhin karin iyo Gole Wasiirro oo karti daran.
Inta badan dadka uu magcaabay oo reerkiisa u badan waxay u adeegaan dhinacyo
kale oo ka baxsan Puntland, waxana uu dhaqaalaha inta badan ku bixiyaa waxa loo
yaqaan " Fadlan" iyadoo lacagtu inta badan aaddo dhinaca gabdhaha oo
uu saaxiibo badan ku leeyahay.
Safarradiisa maran ee uu ku tago gobolada iyo meelo dibadda ah
waxba ma soo kordhiyaan aan ka ahayn in dhaqaale badan ku baxo. Kooxda Isbeddel
doonka ah ee Puntland iyo hoggaankooda Cabdiweli Gaas waxaa la gudboon iney
dhega u yeeshaan baahiyaha iyo cabashada ka imanaysa dadka gudaha Puntland ee
wanaagga jecel. Laakiin waxaaba muuqda iney yihiin niman aan wax maqlin oo
keligood-talis ah oo xitaa warbaahintii madaxa bannaanayd ee dhaliilaha
qoraysay ay shirkadihii ganacsigu hawadaka saareen. Waa layaab waxa sidaa
yeelaya waa aqoon yahankii Maraykanka iyo dhulkii xorriyadda hadalka iyo
Dimuquraadiyadda ka yimi ee wax ku soo bartay ee Mudane Cabdiweli Gaas.
Abdirashid Muse
Link-ga hoose waa qoraal uu sameeyey nin lagu magcaabo Ismail H. Warsame markaa tani waa dood la wada qabo oo ha la is dhegaysto si wax loo saxo.
http://www.wardheernews.com/president-gas-political-show-buz-ivory-tower-attitude-hurt-puntland/
Aragti gaar ah
Abdirashid Muse
Link-ga hoose waa qoraal uu sameeyey nin lagu magcaabo Ismail H. Warsame markaa tani waa dood la wada qabo oo ha la is dhegaysto si wax loo saxo.
http://www.wardheernews.com/president-gas-political-show-buz-ivory-tower-attitude-hurt-puntland/
No comments:
Post a Comment