Tuesday, February 24, 2015

Qabqable Yuusuf Garaad stop the crocodile tears!




Mar uu ka hadlayey kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxweynaha Khaatumo, sidan ayuu qoray warlord-ka saxaafadda Soomaaliyeed: "Waan kulan geesinimo waana soo dhoweynayaa"  waa ereyo maran oo aan wax micno ah xanbaarsanayn. Yuusuf Garaad haddii uu shalay Somaliland u ictiraafay iney Jamhuuriyad yihiin xaqiirnimadiisa muxuu Khaatumona ugu aqoonsan waayey Dawlad Goboleed? Cali Khaliif oo ay doorteenna Madaxweynaha Khaatumo.

Dhowaan markii Jabhadda Somaliland-SNM ku soo duushay dadka nabadda iyo Soomaalinimada Jecel ee Khaatumo gaar ahaan Saaxdheer, waxaad sheegtay in dagaalka meeshaas ka dhacay aanu ahayn mid qabiil ku salaysan, laakiin noomaad sheegin sababta rajiimka halka reer ah ee duullaanka ka soo qaaday Hargeysa uu u soo weeraray Saaxdheer? Kula yaabi maayo oo waxaad Dawlad iyo Jamhuuriyad u taqaan Jabhad shaar Dawladeed u gashatay damac reerood, laakiin waxaan kuu sheegayaa reerna reer kale ma sii haysan karo oo Dawladna uma noqon karo.

Yuusufoow stop the crocodile tears!

qoraalkan yar ee ducfigaaga xanbaarsan ha u qaadaan inaad ku sasaban karto quluubta dadka Soomaaliyeed ee badan ee ka horjeeda damaca reer Hargeysa iyo aragtidaada Dameer-dhaanraacnimada ah ee aad mar kasta ugu ololeyso waxa aad ugu yeerto Jamhuuriyadda Somaliland iyo erey bixinta aad la timi ee ah Somalia iyo Somaliland. Adduunka iyo Soomaalida wanaaga jecel waxay ictiraafsan yihiin hal dal oo la yiraahdo Soomaaliya ee ma jiraan laba dal oo la kala dhaho Somalia iyo Somaliland. Ha isku khaldin in Xukuumad la hadasho garab ama dhinac kasta oo ka horjeeda, malaha waxaan kuu kala baxsanayn dal Soomaaliya la yiraahdo oo sharciyaan  dhul ahaan iyo magac ahaanba ay ka mid tahay Somaliland iyo qayb kasta oo kale oo Soomaaliya ah iyo  Xukuumadda Federaalka ee la hadlaysa Hargeysa!

Waxaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ugu hanbalyeynayaa in uu fahmay in qaddiyadda waqooyi taalla si dhab ah loo guda galo oo aan kooxda Hargeysa loo aqoonsan iney yihiin kuwo wakiil ka ah dadka waqooyi ku dhaqan intiisa kale. Waxaan rajaynayaa in wadahadalada Turkiga ee u dhexeeya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ay noqdaan kuwo laga wada qaybgalo oo aan reerna reer kale wakiil ka noqon, isla markaana wadahadalku aanu ku koobnaan koox Soomaalidiid gooni-goosad ah iyo Koox reer Xamar ah oo aan aqoon u lahayn taariikh iyo sida loo kala degan yahay dhulkaasi.


Abdirashid Muse

Monday, February 23, 2015

Shahru Casalkii wuu dhamaaday (The honeymoon is over)



Wax shaki ah haba yaraatee igagama jiro in Puntland ay soo food saari doonto xaalad adag sannadkan gudihiisa. Imtixaanka siyaasadeed ee haysta Madaxweyne Abdiweli M. Ali waxa uu u muuqdaa mid ay ku fashilmi doonaan kooxdan loogu magac daray Xaflad-joog.Hoggaanka jilicsan ee Cabdiweli Gaas ma aha mid Puntland ka samata bixin kara caqabadaha siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee haatan jira iyo kuwa abuurmi doona.
Dadka Puntland iyo Baarlamanka Puntland waxaan ugu baaqayaa iney ka tashadaan oo la xisaabtamaan Maamulkan taagta daran ee khatarta gelinaya midnimadeena iyo jiritaanka Puntland. Puntland waa lagu caano maalay, cidna lagama yeeli karo iney gacmahooda ku burburiyaan. Xilliyadii ugu danbeeyey wixii ka dhacayey Garoowe iyo Puntland guud ahaan waxay ahaayeen kuwo aan la aqbali karin oo khatar badan xanbaarsan, mana muuqato in kooxda Gaas ay fahmi karaan amuurahan iyo xalka loo baahan yahay.
Baarlamanka Puntland waa in aanay noqon makhaayad hadba ninka yimaado iska shito oo mushahar laga qaato ee waa in ay noqdaan kuwo la mid ah baarlamaanada adduunka iyo Soomaaliya oo ay gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta haykalka Maamul ee Puntland, waana in aan laga oggolaan kooxdan boobka iyo lacag urursiga ku mashquulsan iney khatar sii geliyaan nidaamka jilicsan ee lagu caano maalay ee Puntland. Baarlamaanku waa in ay caddeeyaan iney yihiin metelayaasha shacabka iyo ilaaliyayaasha danta iyo maslaxadda Puntland oo aan la fiirsan koox isa siisay awood xad dhaaf ah oo sidey doonto u dhaqmaysa.
Haddii sannad khasaaray ma aha in aynun iska fariisanno innagoo ayaan daran oo daawanno waxa ka dhacaya Puntland. Qof walba masuuliyad ayaa ka saaran degaankeenna, waxana masuuliyadda inta badan qaadaya Baarlamanka la doortay iyo hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo bulshada. Markaa Baarlamanku waa in ay soo gole joojiyaan Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa si loola xisaabtamo, haddii kale dee Puntland ha iska ahaato meel shantii sanoba reer iyo koox u xiran oo la is bedelo ama xukunka la iska dhaxlo sidii gabar la kala dumaalayo oo aan la isla xisaabtami karin.
Waxaan ka rajaynayaa dadka iyo hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo bulshada ee Puntland inay qaddiyadan si dhab u fahmaan oo u gudagalaan si loo ilaaliyo Puntland iyo mustaqbalka dadkeeda.Waxaan filayaa in dadka intiisa badan ila qabaan in hoggaanka Madaxweyne Gaas aanay wax horumar ah gaarsiin karin Puntland aan ka ahayn iney u horseedaan dib-u-dhac iyo iney kala daadato, halkii loo doortay iney isku hayaan Puntland-tii loo dhiibay, isla markaana raadiyaan inta maqan, iyagoo ilaalinaya kaalinta Puntland ee siyaasadda Soomaaliya iyo tan gobolka.
Ujeedadeenu waa Puntland oo mid ah, horumar samayneysa oo dadkeeduna ku nool yihiin nabad iyo caddaalad.
Guuleysta
Puntland ha midowdo
Puntland ha iksutashato
Puntland ha is raacdo
Puntland ha ka adkaato lidkeeda
Puntland ha horumarto
Puntland ha guuleysato

Abdirashid Muse

Saturday, February 21, 2015

Tacsi iyo Tiiraanyo



Shalay si guud ayaan qaranka ugaga tacsiyeeyey dadkii inakaga dhintay weerarkii argagaxiso ee kooxaha sharwadayaashu ku dileen hal-door badan oo dalku lahaa.



Marka laga tago naxdinta iyo murugada weyn ee masiibadan qaran oo dalku ku waayey kuwii u hiilinayey, haddana waxaa tiiraanyo weyn igu reebay markii la ii sheegay in dadka dhintay uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamuud Ducaale Muuse (Xaaji Kafee) oo ka mid ahaa mudanayaasha qaran ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, waana ninkii dhowaan beddelay Halyeeyaddii Qaran Allaha u naxariistee Saado Cali Warsame oo iyadana ku dhimatay halgankan iyo hayaankan ay ummaddeenu ku dooneyso Dawladnimo, Caddaalad iyo midnimo.

Ma garanayn ereyo aan ku cabbiri karo tacsidiisa iyo geerida ku timi iyo sida xaq-darrada iyo arxan-darrada ah ee loo dilay.Laakiin waxa uu la mid ahaa geesiyaashii inaka dhintay, waxana uu lahaa sifooyinkoodii wanaagsanaa.

Waxa uu ahaa nin iimaan leh oo cibaado badan, si xaq darro ahna loo dilay isagoo gudanaya Salaaddii Illaahay soo rogay ee uu addoomadiisa ku waajib yeelay.Waxa uu ahaa waxa uu noqdo nin qiimo leh oo weyn, waxa uu ahaa mid ka mid ah ragga leh qiyam iyo casiimo adag oo aan ka laaban waxa uu rumaysan yahay oo aan cidna marti ugu noqon. Waxa uu ka mid ahaa garbahayga iyo awoodahayga. Waxa uu ahaa saaxiib iyo masuul, waxa uu ahaa taliye iyo yeele, waxa uu ahaa oday iyo dhalinyaro, waxa uu ahaa dhexyaal iyo qof aan isla weynan oo mutawaaddic ama humble ah.

Waxa uu i raacay markii ay iga tageen kuwii ii dhowaa, waxa uu ii hiiliyey markii ay iga hiiliyeen kuwo kale, waxa uu iska diiday in uu indhaha ka qabsado kuwo ku andacoonaya iney wakiil iga yihiin ama ay i metelaan oo aan iyaga magan u ahay, laakiin isaga ayaa si sax ah ii metalayey dabcan. Waxa uu ahaa geesi aan cabsida aqoon, waxa uu ahaa nin abaal gala oo hadana guda, waxa uu ahaa nin abaal loo galo mudana in loo gudo.Waxaan is naqaannay muddo saddex sano ah oo aan ka bartay duruus badan.


Illaah waxaan uga baryayaa in uu Jannadiisa Fardawsa geeyo oo uu taa ku abaal mariyo, Illaah waxaan uga baryayaa in uu denbigiisa dhaafo oo kitaabkana midigta ka siiyo.

Amen Yaa Rabbi

Abdirashid Muse


Friday, February 20, 2015

Warbaahinta iyo Wacyiga



Maanta Soomaali badan ayaa si xaq-darro ah ugu dhimatay weerarkii argagaxiso, tira badana waa ay ku dhaawacmeen. Si guud marka loo eego qof kasta oo Soomaali dhab ah wuu ka naxayaa walaalkiis si xaq darro ah loo dilay ama loo dhaawacay waxana imanayaa (Public hurt) ama in uu dhaawac gaaro dad weynaha oo dhan oo ay wax iska beddelaan shucuurtooda/dareenkkooda. Carruur badan ayaa agoon noqotay, halka haween baddana ay asay qaadeen.Dad badan ayaa saaxiibadii ay isla shaqaynayeen ama kuwii ay yaqaaneen waayey ama dhaawac gaaray.

Anigoo sidaa iri, caawa waa jimce waxana inta badan Idaacadaha Muqdisho ay soo sii daynayaan barnaamijyo jacayl iyo heeso ah, mana muuqato dareen murugo ah ama mid waddaniyadeed  oo ay u muujiyeen shacabka dhegaystayaashooda ah. Waa ay jiraan saacado ay dhacdada ka hadlayeen, laakiin dareenka saxda ah iyo tebin joogto ah ama (Coverage) ma siin.

Waxay ila tahay in loo baahnaa inay bulshada la wadaagaan dareenka iyo xogta dhabta ah iyagoo wararka raadinaya, isla-markaana lafa-gurid ama taxliil.ku samaynaya si wax badan looga ogaado waxa dhacay siday u dhaceen iyo waxa farriin ah ee bulshada loo gudbinayo si loo wacyi geliyo dadka. Tebinta joogtda ah waxay keenaysaa in wax badan laga ogaado dhacdada, dadkuna waxka bartaan oo wacyi helaan , iyadoo dad aqoon u leh mowduuca oo khuburo iyo culumo sax ah la waraysanayo.


Waxaa laga yaabaa inay tani ka mid tahay la qabsiga arrimahan oo kale, adiga Maxay kula tahay?

Abdirashid Muse

Wednesday, February 11, 2015

Puntland iyo Hoggaanka Kooxda Bilis iyo Bililiqo






Maalin kasta Puntland waan la hadlaa waana la igala so hadlaa, waxaana ka war qabaa meesha ay marayso siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, amni ahaan iyo horumar ahaan halka ay joogto ama haddii ay dib-u-dhac ku jirto.

Waxaan si weyn ula qabaa qoraha article-kan iyo arrimaha uu ka hadlay, waxana habboon in xaqiiqda mar kasta laga hadlo. Shanta sano ee la doortay aqoon yahanka isbeddeldoonka ah ee Dr. Abdiweli M. Ali waxay noqoneysaa shan sano oo khasaartay mid waaba tegaye, haba khasaaretee qiimo badan ugu kacaysaa dadka reer Puntland.

Siyaasad ahaan Puntland waxay magan u tahay kooxaha Dam Jadiid iyo Ictizaam oo u muuqda iney midoobeen ama isku darsameen, kana midaysan qorshayaal badan gaar ahaan Puntland, waxana xusid mudan in Puntland ay hoggaamiyaan kooxda Ictimsaam oo aan Al-shabaab wax badan ka duwanayn dhinaca aragtida.

Dhaqaale ahaan, Puntland waxay maraysaa meelihii ugu xumaa ee abiid ay gaadho, waxana ilaa lix bilood aan la bixin mushaharaadkii shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada. Marka la eego dhaqaalaha sida gaarka ah loo leeyahay waxaa saameeyey hoggaan xumo iyadoo dhowaan la soo daabacay lacago Soomaali ah oo qiimo dhac sababaya iyo maciishada iyo nolosha dadka oo hoos u dhacda. Waxaa laga yaabaa iney dad badan ku khaldaan lacagta 18 ama 19 malyuun ee dollar ah ee World Bank siinayo si ay mushaharaadka shaqaalaha u bixiyaan, waxana dadka aan war hayn ay ku khatali doonaan miisaaniyadda ayaan kor u qaadnay oo todobaataneeyo malyuun gaarsiinay.

Amni ahaan, Puntland waxay ku sugan tahay meel aad u hooseysa, waxana muuqata in kooxda argagaxisada ah ee Al-shabab ay u bareereen iney magaalooyinka waaweyn sida Boosaaso ku qaadaan duullaan hubaysan iyadoo la filan karo weeraro kale oo ay inakaga baxaan naf iyo maal.

Midnimada dadka Puntland maba jirto oo maanta waxa lagu midaysan yahay iyo degaan midaysan ma jiro, waxana xilliyada soo socda ay caqabado fara badan ka iman doonaan Gobolada Dhexe oo furin hor leh ah iyo Sool iyo Sanaag oo furimo kale ah , halka Al-shabaa ay tahay furin iyo khatar kale.

Maamulka Cabdiweli Gaas oo ku sifoobey mid jilicsan oo aan la tacaali karin dhibaatooyinkaa waaweyn waxa uu ku jiraa xilli imtixaan ah oo ay u badan tahay in uu ku fashilmo. Waxa ku geedaaman koox yar oo wiilal iyo gabdho u badan oo aan waxba ku kordhin karin iyo Gole Wasiirro oo karti daran. Inta badan dadka uu magcaabay oo reerkiisa u badan waxay u adeegaan dhinacyo kale oo ka baxsan Puntland, waxana uu dhaqaalaha inta badan ku bixiyaa waxa loo yaqaan " Fadlan" iyadoo lacagtu inta badan aaddo dhinaca gabdhaha oo uu saaxiibo badan ku leeyahay.

Safarradiisa maran ee uu ku tago gobolada iyo meelo dibadda ah waxba ma soo kordhiyaan aan ka ahayn in dhaqaale badan ku baxo. Kooxda Isbeddel doonka ah ee Puntland iyo hoggaankooda Cabdiweli Gaas waxaa la gudboon iney dhega u yeeshaan baahiyaha iyo cabashada ka imanaysa dadka gudaha Puntland ee wanaagga jecel. Laakiin waxaaba muuqda iney yihiin niman aan wax maqlin oo keligood-talis ah oo xitaa warbaahintii madaxa bannaanayd ee dhaliilaha qoraysay ay shirkadihii ganacsigu hawadaka saareen. Waa layaab waxa sidaa yeelaya waa aqoon yahankii Maraykanka iyo dhulkii xorriyadda hadalka iyo Dimuquraadiyadda ka yimi ee wax ku soo bartay ee Mudane Cabdiweli Gaas.

Aragti gaar ah

Abdirashid Muse



Link-ga hoose waa qoraal uu sameeyey nin lagu magcaabo Ismail H. Warsame markaa tani waa dood la wada qabo oo ha la is dhegaysto si wax loo saxo.

http://www.wardheernews.com/president-gas-political-show-buz-ivory-tower-attitude-hurt-puntland/





Thursday, February 5, 2015

Noloshaa I Bartay




\




Laba sano ayuun baa ka soo wareegtay markii aan fadhiyey safka danbe ee shirka Golaha Wasiirrada ee Dawladda Federaalka Soomaaliya anigoo qorayey ama diiwaangelinayey hadal-qoraalka (minutes) kuwa fadhiya safka hore ee Madaxdayda ahaa. Waxay ahayd shaqo qaran oo ay ila hayeen rag aan jaal shaqo ahayn oo taasina na kulmisay ama aan isku baranay. Waxa ugu muhiimsan ee aan ka fekerayey ayaa ahayd bal iney iman doonto maalin aan kuraasta hore ku fariisan doono oo hadalkaygu noqdo mid la diiwaan geliyo, halkii aan anigu markii hore wax ka diiwaangelin jiray.

Rajo iyo filitaan yar ayaa jiray markii kursigaa danbe laftigiisa aan imtixaan kaga guuleystay kuwo kale oo mudnaa shaqadaa laakiin malaha uu nasiibku baalmarsiiyey. Bar-dhamaadka hayaankaygu ma ahayn kursigaasi danbe ee waxa uu lug-qabsi (foothold) u ahaa meelo kale, waxana uu hordhac u ahaa buuro kale oo ay tahay inaan ka boodo, Iyadoo tartankii aan ku imi meesha uu markii horeba i tusmaynayey dagaallo kale oo waaweyn oo ay ahayd/tahay inaan isu diyaariyo.

Maalmaha xanbaarsan fursadaha, fursad la'aanta iyo khataraha wey wareegaan, waqtiga ballanqaadka samaynaya iyo duruufaha ku geedaamanna wey abuurmaan, laakiin filashadaydu waxay mar kasta ahayd mid cad oo wanaagsan oo i dhiirrigelinaysay, runtiina marna shaki igagma jirin maalmaha wanaagsan ee horreeya, xeeladaha gaaritaankooda iyo caqabadaha ku gudban oo mar kasta ahaa kuwo aan tusmaysanayey ama oddorosayey.

Shaki igagama jirin/ igagamana jiri doono in khaladaad iyo guuldarrooyin imanayaan intaan jidkaa hayo, laakiin waxaan hubaal u aaminay iney ku lamaanaan doonaan guulo yar yar oo ururi doona ka dibna dhali doona libin weyn oo la mahadi doono. Taasina waa midda dareenkayga iyo filashadayda mustaqbalka mar kasta ka dhigta iney sarreeyaan .

Haddaba, anigoo ku guuldarraystay waxaan bil ka badan daba carayey, waxaan yaqiinsaday rajada iyo sida ay u iftiimayso, waxana duruus ka bartay waxa la barto markaad la loolanto libaaxyo kaa awood badan oo ay guuldarro ku badaan ama ku dhigaan.
Iyaga iyo jaalkoodu waxay i bareen xeeladaha iyo tubta guusha, waxay i bareen waxa ay iyagu yihiin ee ay rumaysan yhiin iyo shakhsiyadooda, waxay i bareen isu-dheelitirka awoodaha, waxay i bareen saaxiibada guusha iyo kuwa guuldarrada, waxay i bareen saaxiibadooda, waxay i bareen saaxiibadayda dhabta ah, waxay i bareen cadawgooda, waxay i bareen cadawgayga, waxay i bareen nolosha dhabta ah ee halganka iyo u dhowaanshaha guusha. Waxay i tuseen saadaasha mustaqbalka iyo isku-aadka awoodaha iyo caqabadaha, waxana loollankan daba dheeraaday ee hadba rajo iyo xaalad cusub abuuray uu iyaga geeyey meel ay igu ictiraafaan oo ku garawsadaan qofka aan ahay, waxa aan doonayo iyo waxaan istaahilo.

Waxaan mar kale yaqiinsaday in guushu dhow dahay haddii loo hawlgalo, waxaan dib u yaqiinsaday in hayaankayga mustaqbalka uu dheer yahay oo aanu dhammaan doonin. Waxaan dib u go'aansaday in noloshaydu ay weligeed ahaato mid halgan ku dhisan.

Waxaan si sharaf leh u hanbalyeynayaa qolada guushu raacday ee mudnaa, waxaan bogaadinayaa ciddii dhinacayga ahayd. Waxaan hanbalyeynayaa guud ahaan Golaha Wasiirrada ee la magcaabay anigoo filaya/rajaynaya inay heli doonaan codka kalsoonida Baarlamanka si ay u gutaan hawlaha iyo masuuliyadda qaran ee loo igmaday.

Taariikda dunidaa iyadoo is daba taal ninba meel u tuurtee, aniguna tusmaystoo qayrkay halkuu tegay u tabaabushaystee. Taageer Allahayoow hawshaydan ka taal adaa toosin karayee.

Abdirashid Muse 
.