Monday, April 20, 2015

Shiico-diid mise Shaxaad-doon


Mashaariicidii Wahaabiyada Sucuudiga oo dib loo daradrgelinayo waxana bilaabmay ololaha shaxaad-doonka, iyadoo   mashruuca ugu lacagta badan ee haatan loo baahan yahay in Sucuudiga wax lagaga qaato uu yahay ka hortagidda Shiicada iyo Shiicaynta.Ogow, dhibaatada Muslimiinta maanta adduunka meel walba ku haysata waa wax ka yimi Wahaabiyiinta Sucuudiga ee ma aha wax ka yimi Shiicada ama Iran. Waxa Boosaaso Kooxda Ictisaam ka waddo waa waqti lumis ee nimanku ha ka hadlaan arrimaha gudaha ee dalka iyo dhibaatada fikirka takfiiriga ah ee ay iyagu dalka keeneen. Ha ka hadlaan weerarada argagaxisada ee ka dhacaya Garoowe, Boosaaso iyo Muqdisho iyo weliba Gaarisa iyo meel walba oo adduunka ka mid ah ee ay geysanayaann dadkaa leh fikirka qalloocan.

Shiicadu khatar weyn kuma aha Soomaaliya ee fikirka Sucuudiga iyo kooxda Ictisaam ayaa khatarta ugu weyn ku haya dalka Soomaaliya, waana in shacab, dawlad iyo maamulba laga digtoonaadaa fikirka qalloocan ee Wahaabiyiinta Ictisaam oo horay u ahaa Al-itixaad oo dalkanna denbiyo badan ka galay, ilaa haatanna weli u hanqaltaagaya denbiyo hor leh iyo dhiig ay daadiyaan, iyadoo waxba aan dhaamin garabkooda dagaalama ee Al-shabaab oo ay horay u wada ahaayeen Al-itixaad. Alshabaab iyo Al-ictisaam waxba kuma kala duwana oo waa isku fikir ee waa is qaybiyeen oo qolaa waxaa loo xilsaaray dagaalka, qolada kalena fikirka iyo  in ay gacanta ku hayaan hantida, iskuulada iyo jaamacadaha oo ay markaa maalgeliyaan dadka dagaalamaya, maaddaama aanay duurka wada geli karin oo taasi burburinayso fikirkooda khatarta badan.

Ma garanayo dadka Soomaaliyeed goortay kala fahmi doonaan xaqiiqda iyo dhalanteedka oo ay ka xoroobi doonaan fikradaha qalloocan ee ay kooxaha mugdigu ku doonayaan inay ku afduubtaan mustaqbalka bidhaamaya ee dadka Soomaaliyeed. Urur-diimeed iyo fikirro qalloocan oo meelo kale laga soo dhoofiyey boos kuma laha mustaqbalka Soomaaliya ee yaanay is daalin kooxahaasi. Wixii aad samayseen waa diwaan idin sugaya mustaqbalka, dadka Soomaaliyeedna ma jirto cid afduubi karta, iyagaana u madax banaan mustaqbalkooda iyo aayahoodu siduu noqonayo. Dadka Soomaaliyeed waxay doonayaan inay noqdaan bulsho iyo mujtamac furfuran oo casri ah oo nidaamka xukunkooduna yahay Dimuquraadi ay shacabku iyagu wax go'aamiyaan ama xukunka iyaga loo celinayo. Waa dal xor ah oo Dimuquraadi ah, halkaas ayeyna ku jirtaa barwaaqada iyo ilbaxnimadu iyo in adduunka wax lala qaybsado. 

Kooxahan Islaamiyiinta kama turjumaan rabitaanka dadka Soomaaliyeed ee waxay ku astaysan yihiin, aqoon darro, dib-u-dhac, xanbaarsanaan ajande shisheeye, u habuun-qabid dhiig Soomaaliyeed, khibrad la’aan iyo karti darro, haba yaraatee mana laha qorshe iyo ajande qaran oo waddaniyad xanbaarsan. Dadka Soomaaliyeed waa marag, lagumana qaldi karo wax wahmi ama dhalanteed ah oo aan sal lahayn oo la doonayo in Soomaalida lagu jahawareeriyo oo meelo kalena ajandeyaal lacag wata lagaga soo qaato.


Soomaaliyeey Soomaalinimo ku waara!


Cabdirashiid Muuse Siciid
Qoraa, lafa-gure siyaasadeed iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax bannaan
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid Muse

Cabdiweli Gaasoow Iscasil intaan lagu casilin!



Tan iyo markii uu xilka hoggaanka Puntland la wareegay Cabdiweli Gaas, waxaa isa soo tarayey dhibaatada iyo hoos u dhaca ku imanayey Puntland oo sanooyin badan ku caanamaashay nabad iyo maamul. Waxaan horay u sheegay in hoggaanka jilicsan ee Cabdiweli Gaas ee Putland uu qiimo badan ugu kici doono dadka Puntland haddii ay ahaan lahayd dhinaca nabadda, midnimada iyo wadajirka Puntland.
Kooxda Isbedeldoonka ee Puntland ee lagu naanaysay Xaflad-joog, waxay waqtigooda geliyaan waxyaalo aan dan u ahayn Puntland, waxana ay meel kasta u dhiibeen dad aan khibrad llahayn oo u badan qurbo-joog. Waxaa aad u shaqeeya qabyaalada iyo reeraysiga, iyadoo ay khatar ku jirto helitaanka wixii la isku oran jiray Puntland ee shanta gobol ka koobnaa oo manata la hayo laba gobol oo kala ah Nugaal iyo Bari.
Kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab waxay qarka u saarantahay inay gebi ahaan la wareegto magaalada dekeedda ah ee Boosaaso oo uu ka soo xeroodo dakhliga ay Puntland ku shaqayso. Kooxdan waxay ka faa'iidaysatay hoggaanka jilicsan ee Cabdiweli Gaas iyo kartidarrada maamulkiisa oo sababay in bilooyin xilka laga qaadi kari waayo taliyayaal ciidan. Waxa ka socda magaalada Boosaaso ma aha wax la dhayalsan karo ee waa khatar la doonayo in dadku iska wada kaashadaan sidii loo wajihilaa.
Magaaladada Garoowe waxaa saldhigyada lagala baxayaa rag eedaysanayaal ah, waxaa la diiday in canshuurtii loo ururiyo Wasaaradda Maaliyadda, waxaa la diiday in gebi ahaanba laga amarqaato maamulka taagta daran ee cabdiweli Gaas. Intaa marka la isku daro waxaa soo baxaya in aan meesha wax maamul ah ka jirin.
Cabdiweli Gaas waxaan kula talinayaa in uu iscasilo oo yiraahdo shaqadan ma qaban karo ee ciddii i dooratay ayaan u celinayaa. Haddii uu sidaa yeeli waayo oo dhibaatadu halkaa ka sii socoto waxay ila tahay waxa baarlamanka iyo waxgaradka Puntland la gudboon waa in la sooo goloe joojiyoCabdiweli Gaas iyo xukuumaddiisa oo codka kalsoonida loo qaado si loo casilo.

This is wakeup call! wax badan ayaa xigi doona haddii aan tallaabooyin adag la qaadin.

Cabdirashiid Muuse Siciid
Qoraa, lafa-gure siyaasadeed iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax bannaan
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid Muse


Wednesday, April 15, 2015

Dawlad Goboleednimadaada Dood miyaa ka jirta?


Nidaamka Federaalka ah ee Soomaaliya waxa uu gelayaa marxaladdiisii muhiimka ahayd, ee haddana aadka u xanafta badnayd, waxana socda hirgelintiisa iyo sida ay gobolada isu raacayaan. Gobolada haatan la is raaciyey ee abuuray Dawlad Goboleedyada rasmiga ah, waxaa la isu raaciyey iyadoo laga shidaal qaadanayo hannaanka laba gobol iyo wixii ka badan ee la isuma raacin intii isku isir ama isku hayb ah, maaddaama gobolada ay beelaha Soomaaliyeed wada degaan. Dawladda Federaalka ee Soomaaliya laba State ama Dawlad Goboleed oo qura ayey u aqoonsatay Gobolada iyo degaanada ay ka koobmayaan mustaqbalka, waxana ay kala yihiin:

1.  Jubaland

Marka la eego heshiisyadii Dawladda Federaalka iyo Maamulka Jubaland, Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay oggolaatay in gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo ay abuuraan Dawlad Goboleedka Jubaland ee Soomaaliya, waxana muran sannad qaatay kaddib ay hoggaanka Jubaland, Dawladda Federaalka iyo Beesha Caalamkuba  arrinta ku dhammmeeyeen xeer jajab, iyadoo ay xusid mudan tahay in geeddi-socodkii lagu abuuray  Jubaland uu ahaa mid aan nidaamka waafaqsanayn oo duruuftu keentay.

2. Koonfur Galbeed

Dawladda Federaalka Soomaaliya kaddib markii la isku qabtay lix gobol iyo saddex gobol, waxaa ugu danbayntii la isla waafaqay in saddexda gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ay abuuraan Dawlad Goboleed, taasi oo markii danbe dhammaan dhinacyadu isla wada oggolaadeen oo maanta sidaa lagu aqoonsaday. Dawlad Goboleedkaasi, waxaa ku jira beelo Soomaaliyeed oo kala hayb ah, laakiin tusaale waanagsan u noqon kara wax wadaagga iyo wax wada qaybsiga Soomaalinimada ku dhisan ee aan qabiilka ahayn.

Intaa waxaa dheer, dhammaadkii bishii July ee sannadkii hore Dawladda Federaalka Soomaaliya, dadka degaanka  iyo Beesha Caalamka ee inna taageerta, waxaa la  isla oggolaaday in Gobolada Mudug iyo Galguduud ay abuuraan Dawlad Goboleed ay yeeshaan labadaasi gobol, maaddaama Dastuurku qorayo laba gobol iyo wixii ka badan ayaa noqon kara State ama Dawlad Goboleed. Maantana waxaa loo fadhiyaa abuuritaankii Dawlad Goboleedkaasi oo aan u rajaynayo in hawshiisu guul ku dhamaato.

Iyadoo arrintu halkaa marayso, waxaa jirta in Puntland  la asaasay sannadkii 1998-dii oo ay ka horraysay nidaamka Federaalka, waxana Puntland sheegataa iny ka kooban tahay shan gobol oo kala ah Bari, Nugaal, Mudug, Sool, iyo Sanaag oo ay weheliso degmada Buuhoodle marka loo eego 18-ka gobol, walow Puntland ay iyadu ay gobollo cusub magcaabatay. Laakiin ku dhowaad18 sano kaddib xaqiiqda jirta ee dhulka taalla  (facts on the ground) wey ka duwan tahay sheegashada haatan ee Puntland, sida Puntland lagu asaasay iyo wixii lagu midoobey. Gobollada Sool iyo Sanaag iyo degmada Buuhoodle marka la is raaciyo, waxaa ka jira Maamullo degaanka ah oo doonaya inay ka baxaan Puntland oo ay abuuraan State gooni ah oo Federaalka hoos taga, waxana sidoo kale  ka jira Somaliland oo iyaga laftigoodu sheeganaya in gobolladaasi ay ka tirsan yihiin maamulkaasi gooni-goosadka ah ee Somaliland.

Halkaa waxaa kaaga soo baxaya in aanay jirin hubanti iyo sharciyad go'aamisay sida ay isu raacayaan gobolada dalka iyo astaynta xuduudahooda marka laga tago inta la isu oggoladay ee aan kor ku xusay,  waana hawl qabyo ah ooo dastuurka federaalkuna farayo cidda qaban doonta. Hubanti kama jirto in Sool iyo Sanaag ay mustaqblka soo socda ka mid ahaan doonaan Puntland, in ay Dawlad Goboleed goonni ah ahaan doonaan, in la kala qaybin doono iyo in ay Somaliland raaci doonaan, haddiiba la isla afgarto midnimo iyo in ay wax wada yeeshaan. Sidoo kale waxaan caddayn mustaqbalka Somaliland, maaddaama goboladaasi ay muhiim u yihiin Somaliland, laakiin la isku diidan yahay go'itaanka iyo midnimada, waxaa cad in Somaliland aanay go'i karin goboladaasi la'aantood. Sidoo kale, waxaa goboladan la duruuf ah gobolka Mudug, mana cadda in gobolka Mudug iyo magaalada xarunta ah ee Gaalkacanyo la kala qaybin doono iyadoo loo eegayo hadba intii isku isir iyo isku qabiil ah iyo in la midayn doono meeshey doonaanba ha raaceene.


Dastuurka Federaalku ma dhigayo in gobolada iyo degaanada ay qabiil isu raacaan, waayo haddii qayb ka mid ah gobol ay diido in ay gobolka intiisa  kale raacdo maaddaama aanay isku qabiil ahayn, waxay keenaysaa in dadka kalena ay ka laabtaan gobolada aanay isku haybta ahayn, tusaale ahaan haddii la diido in Mudug la is raaciyo maxaa diidaya in degmada saakow tiraahdo anigu Jubaland ma raacyo ee waxaan ku biirayaa Koonfur Galbeed, ama Bu'aale tiraahdo magaaladan ha la kala qaybiyo miyaanay dadkaasi xaq lahayn? Waxaa xusid mudan, in israacinta gobolada Jubaland iyo Koonfur Galbeed aanay talo ku lahayn dadweynuhu. Heshiisyada lagu unkay Jubaland iyo Koonfur Galbeed waa kuwo siyaasadeed ee ma aha heshiis shacabka ka yimi iyo maamullada gobolada iyo degmooyinka. Dastuurku waxa uu qabaa waxa isku biiraya waa maamulada gobolada, dadka la rabo in ay go'aan ku yeeshaanna waa dadweynaha si loo abuuro Dawlad Goboleed. Nin gobolkiisa Al-shaab haysatay oo la go'aamiyey in uu gobol kale raaco, miyaanu berri xaq u lahayn in uu diido? isku soo wada duuboo waxaa innaga horreeya jid qodax badan, guushuna ma dhowa ee waxay u baahan tahay isu tanaasul iyo in Soomaalinimo wax lagu dhiso oo qabiilka laga tago.

FG: Khariidada ama Map-ka Federaalka Soomaaliya ee aan isticmaalay kama tarjumayo aragtidayda ee waxa uu yara tusaalaynayaa sida ay wax abuurmayaan, laakiin xaqiiqda wax badan ayaa iska beddeli kara. Khariidadan waxaa la isticmaalay sannadkii hore, waqtigana lama socoto. Waxaan ka soo qaatay somaliawakeuponline.


Cabdirashiid Muuse Siciid
Qoraa, lafa-gure siyaasadeed iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax bannaan
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid Muse

Sunday, April 12, 2015

Cabdiweli Gaas ma Doonayaa inuu Saddex kun oo Ciidamadiisa ah ku Biiriyo Dawladda Dhexe mise waa Mushahar-doon?


War-murtiyeed ka soo baxay wada-xaajoodkii magaalada Garoowe ku dhex maray Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed, waxaa lagu sheegay in Puntland saddex kun oo ciidamo ah loogu daro ciidamada qaranka si ciidamada la isugu dhafo. Marka la eego Puntland, maamulka Cabdiweli Gaas waxaa haysta caqabado badan oo ay ka mid yihiin la dagaalanka Al-shabaabta buuraha Galgala, iska-difaacidda haddii weerar uga yimaado Somaliland iyo la tacaalidda ammaanka gudaha oo ay adag tahay in la hanto maaddaama dadku wada hubaysan yahay. Sidoo kale, waxaa dadka qaar walaac ka qabaan in magaalada Boosaaso oo kale ay khatar ugu jirto inay soo galaan kooxda Al-shabaab ee argagaxisada ah.

Maamulka Cabdiweli Gaas oo xilliyadii ugu danbeeyey ay soo waajahday maamul-xumo baahsan iyo in uu xitaa Garoowe hanan kari waayo, ayaa haatan ku tiirsan maleeshiyo gaar ah oo ay isku hayb yihiin, isagoo dhowaanna beelaha gobolka Bari ka codsaday ciidan iyo dhaqaale si la isaga difaaco khatar la filan karo oo Puntland ku iman karta xilli kasta. Waxa iyana xusid mudan, haddii la doonayo ciidan dadka Soomaaliyeed oo dhan wada metela oo saraakiisha iyo dablayaashiisu ay ku wada jiraan dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka ama beelahaba, waxaa dadka qaar is weydiin karaan war horta ciidanka Puntland ma yahay mid loo dhan yahay oo dadka degaanka oo dhan ay ku wada jiraan marka la eego saraakiishiisa iyo xitaa dablayaasha hoose? Jawaabta inay bixiyaan waxaa laga rabaa dadka deggan dhulkaasi.

Maamulka Cabdiweli Gaas diyaar ma u yahay in uu saddex kun oo ciidamadiisa ah u diro Xamar ama kuwo hor leh u qoro Dawladda Dhexe? Ma oggolaan karaa in hoggaanka ciidamada Puntland la hoos geeyo Wasaaradda Gaashaandhiga ee Dawladda Federaalka? Haddi Ciidanka Puntland la hoos geeyo Taliska Dhexe ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxay ku shaqayn doonaan awaamiirta Dawladda Dhexe oo xilli kasta ciidamadaasi isku beddeli karta ama ugu yaraan ciidamo ka yimi gobolada dhexe ama kuwa koonfureed u soo beddeli karta Puntland. Sidoo kale Puntland diyaar ma u tahay in ay hubka ay samaysatay ku wareejiso Dawladda Dhexe?

Aniga waxay ila tahay qodobkan waxa uu niyad-dhis u yahay Dawladda Federaalka oo u muuqata in ay awoodo dastuuri ah oo badan oo ay leedahay ka tanaasulayso oo u oggolaanayso Dawlad Goboleedyada. Tusaale ahaan, Dawladda Dhexe waxay ka tanaasulaysaa siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah, socdaalka, ciidamada militariga, maamulidda dakhliga iyo lacagta dalka. In Puntland xaquuq ku yeelato Dawladda Dhexe oo ay ka mid tahay sida  deeqaha caalamiga ah iyo kuwo kale oo badan oo dhinaca horumarka ah ma aha arrin la diidi karo, ee waxaa meesha yaalla waa anigoo waxayga haysta waxaaga iyo wax kale  ha la iigu daro.

Wax shaki ah igagama jiro in maamulka Cabdiweli Gaas oo ku fashilmay arrimaha Puntland oo bixin kari waayey mushaharaadka Ciidamada Daraawiishta iyo shaqaalaha rayidka ah uu doonayo in arrintaasi uu xal u helo oo Dawladda Dhexe ay dhaqaale ay Muqdisho ka qaadday siiso ciidamadiisa. Waxaa jirta in Bangiga Adduunka uu Puntland ka saacidi doono bixinta mushaharaadka shaqaalaha rayid ah si la mid ah Dawladda Federaalka, laakiin maamulkaasi waxa uu u caal la' yahay bixinta mushahaardka ciidamada militariga ee loo yaqaan Daraawiishta. Ogow, ciidamada nabadsugidda ee Puntland waxaa mushahar siiya Maraykanka, halka kuwa baddana ay mushaharka ka helaan Dawladda Imaaraadka, kolkaa Cabdiweli Gaas waxa uu u baahan yahay in Saddex kun oo Daraawiish ah uu mushahar uga helo Muqdisho.

Xilligan waxa uu Cabdiweli Gaas ku mashquulsan yahay in uu urursado dhaqaale badan oo uu doonayo in uu mar kale ugu tartamo Madaxtinimada Soomaaliya oo uu ku guuldarraystay sannadkii 2012-kii. Tan iyo markii uu awoodda wareejiyey Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, Puntland oo ahayd go'doon waxay ka maqnayd saaxadda siyaasadda ee Soomaaliya, waxana maamulkan talada haya uu doonayaa inuu saaxadda dib ugu soo laabto, maaddaama ay caddaatay in Puntland keligeed aanay waxba qabsan karin, kaddib markii ay go'doon ku soo rogtay kooxda Damul Jadiid ee haysata awoodda Soomaaliya oo iyadu awoodda giijisanaysay sanooyinkii ugu danbeeyey.


Waxaan filayaa in qodobada is-afgaradka ah ee Garoowe lagu gaaray, aanay wax badan ka hirgeli doonin, maaddaama labada dhinac uu mid walba masaalix gaar ah eeganayo ee aan laga wada shaqaynayn maslaxadda qaran ee dalka Soomaaliya. U malayn maayo in amuuraha qaar waqtigoodii la joogo, waxana ay u baahan yihiin is-aaminaad, kalsooni bulshada iyo hoggaanada siyaasadda ee Dawladda Dhexe iyo Dawlad Goboleedyada ah iyo weliba in la helo daacadnimo iyo Soomaalinimo dhab ah oo laga tago danaha gaarka ah ee shakhsiga, kooxaha iyo reeraha ku dhisan.


Cabdirashiid Muuse Siciid
Qoraa, lafa-gure siyaasadeed iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax bannaan
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid Muse

Tuesday, April 7, 2015

Labo aan is qaban!



Alshabaab waxay gudaha Soomaaliya ku dilayaan dad Soomaaliyeed oo muslimiin ah, iyagoo aan dadka kala saarin ayeyna qarxiyaan, toogtaan ama bartilmaameedsadaan meel rayid ah, halka Kenyana ay dadka u kala saarayaan Muslimiin iyo Masiixiyiin. Ujeedada dagaalkoodu kuma salaysna diin iyo in ay u dagaalamaayaan Soomaali iyo Muslimiin, waayo dhamaan ficiladooda waxay dhibaato ka soo gaadhaa dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda.
Marka ay Kenya la joogo, in daka Muslimiin iyo Masiixiyiin loo kala saaraa waxay ii muujinaysaa inay uga golleeyihiin in shacabka Kenya ay u kala qaybiyaan laba qaybood oo ay abuuraan isku-dhac diimaha ah. Waxay ka faa'iidaystaan isku-dhaca bulshooyinka si ay halkaas boos uga helaan, iyagoo doonaya inay kasbadaan shacbiyad ama taageero dadweyne, hadba cidda ay u arkaan inay dagaalkooda wax ku biirin karto.
Gudaha Soomaaliya, waxay isku diraan beelaha dhexdooda iyo Maamullada iyo beelaha si ay khilaafkooda fursad uga dhex raadiyaan. Waa koox ay hagto aragti gurracan oo dhiigyacabnimo ah, mana jirto cid gaar ah oo ay wanaag u sameeyaan ama ay dantooda ka shaqeeyaan. Koox maafiya ah oo wax burburinaysa oo aan cidna dhaafayn, ma aha in warbaahinta adduunku ku summado inay Soomaali yihiin ama diinta Islaamka ee xaniifka ah iyo dadka Soomaaliyeed ee dhaqanka wanaagsan ay ka tirsan yihiin oo ku abtirsadaan, mana jirto cid u wakiilatay Soomaalinimo iyo Islaanimo oo ay metelaan oo ay u dagaalamayaan.
In la bartilmaameedsado goob waxbarasho oo ay joogaan dad rayid ah, waa arrin fulaynimo iyo naflacaarinimo ah oo aan qiil loo samayn karin. Qof kasta oo damiir bani aadantinimo leh waa in uu canbaareeyaa oo dareenkiisa la wadaagaa dadka dhibaatadu soo gaadhay. Kani waa weerar bahalnimo ah oo lagu soo qaaday insaaniyadda, nabadda gobolka iyo caalamka, mana jirto diin, qiyam iyo akhlaag oggolaan karta.
Qaramada gobolka iyo adduun weynuhu waa in uu isu yimaadaa oo xooggiisa mideeyaa si uu u waajaho masiibadan kawniga ama caalamiga ah ee dhibaatada ugu badan ka soo gaadho dadka iyo dalalka ay magacooda dhiigga ku daadiyaan.


Caddaalad, Sinnaan iyo Midnimo waa Hadafkeenna Guusha




Ma rumaysni in dadkayga Soomaaliyeed qaar ka mid ah loo liidi karo ama loo hoos marin karo iyadoo loo eegayo midabkooda, reerka ay yihiin, degaanka ay degan yihiin iyo xirfadda ay leeyihiin. Dadka Soomaaliyeed waa mid, mana kala sarreeyaan ee waxay leeyihiin xuquuq isku mid ah. Ma oggolaan karno in dad Soomaaliyeed xuquuqdooda lagu tunto qarankan weyn hortiisa oo ay aynu ka aamusno amaba qayb ka noqono dulmiga dadkaasi lagu hayo. Waa in la soo afjaraa faquuqidda lagu hayo qayb muhiim ah oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed, oo wax weynna u taray dadka iyo dalkaba.
Dadka Soomaaliyeed waxay leeyihiin hayb mid ah iyo mustaqbal ay wadagaan oo mid ah, waana in aan wada ilaalinaa waxa inna mideeya ee ummadnimo, oo awoodda aan leenahay uga faa'iidaysannaa sidii aynu horay ugu qaadi lahayn qarankeenna iyo weliba sugidda in caddaalad taam ah ay wada gaadho geyiga Soomaaliyeed. Soomaaliyeey, Waxaan u baahanahay in aynu maalgashanno mustaqbalka wanaagsan ee ifaya ee aynu wadaagno ee horteenna yaalla, waana in mustaqbalkaasi noqdaa mid aynu ku wada jirno ama abuuritaankiisa qayb ka wada nahay. Qof kasta oo Soomaaliyeed waxa uu kaalin iyo boos ku leeyahay mustaqbalkaasi, waxaana saaran masuuliyad qaran oo ah in uu ka qaybqaato ilaalintiisa iyo difaaciddiisa.

abrashidmuse@gmail.com