Dalka Soomaaliya waxaa doorashooyin baarlamaan iyo madaxtinimo oo dimuquraadi ah loo ballansan yahay sannadka soo socda ee 2016. Inkastoo dad badan oo la socda siyaasadda Soomaaliya ay shaki weyn ka muujinayaan in doorashooyinkaasi u qabsoomaan habka hal qof iyo hal cod, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu bilowgii asbuucan dib u xaqiijiyey in doorashooyinku ku dhacayaan xilliga loo asteeyey oo aan kudarsi iman doonin. Warka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee leh doorasho waa dhacaysaa 2016 waa hadal sax ah oo wanaagsan, laakiin ujeedadiisu tahay baadil iyo been. Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan ku xujeynaa bal marka la gaaro August 2016 doorasho ka qabo gobolka Banaadir iska daa dalka ballaaran intiisa kale!
Qof walba oo Soomaaliyeed oo dan
ka leh in dalkiisu hagaago oo dib u dhismo, waxa uu doonayaa in doorashooyin
dimuquraadi ah oo toos ah ka dhacaan dalka marka uu dhamaado xilliga Madaxweynaha xafiiska jooga.
Kolka la eego duruufta dalka ka jirta iyo waaqica uu dalku marayo, ma muuqato
rajo ah in la qaban karo doorashooyin xor ah oo qof walba codkiisa
dhiibto, iyadoo hawlaha loo baahan yahay in dalka laga qabto ka hor waqtiga
doorashada loo ballansan yahay ay u muuqdaan kuwo aanu dhawr sano xitaa ku
qaban karin hoggaanka Madaxweyne Xasan.
Madaxweynuhu waxa uu doonayaa in
uu yiraahdo anigu doorashaan diyaar u ahay, marka waqtigu uu dhowaadona uu guddiga hawlaha doorashada loo xilsaaray oo hal qolo soo xushay yiraahdo doorasho lama qaban karo ee waa in waqtiga la kordhiyaa. Dad badan ayaa su'aal
ka keenaya dhexdhexaadnimada guddiyada qaran ee shaqadoodu ku ururaysao hawlaha
aragtida hiigisga 2016 oo la tilmaamayo in lagu soo xulay asaas kooxeed iyo
dano gaar ah.
Ma jirtaa cid xil kordhin karta? Madaxweynayaal Maamul Goboleedyo oo gacan ku rimis ah oo kursiga ku tegay xoog iyo musuqmaasuq, oo aan haysan taageero dadweyne maadaama aan shacab dooran iyaga miyaa kordhin kara waqtiga?
Ma jirtaa cid xil kordhin karta? Madaxweynayaal Maamul Goboleedyo oo gacan ku rimis ah oo kursiga ku tegay xoog iyo musuqmaasuq, oo aan haysan taageero dadweyne maadaama aan shacab dooran iyaga miyaa kordhin kara waqtiga?
Sida looga wareegayo doorashooyinka2016
waa in ay noqotaa wax qaranka oo dhan ay ka wada qaybqaataan oo laga wada tashado, gaar ahaan, hoggaamiyayaasha siyaasadda dalka, hoggaamiyayaasha dhaqanka, ururada
siyaasadeed ee dalka ka hanaqaaday iyo bulshada rayidka ah. Saamileyda
siyaasadda dalka laguma soo koobi karo Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo
Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo iyagu aan haysan sharciyad weyn oo ay
dadka degaanada oo dhan ku meteli karaan. Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada
waxaa ka sharciyad iyo aaminaad badan hoggaamiyayaasha dhaqanka waayo iyagu
waxay haystaan aaminaad dadweyne iyo suldad sharci ah oo dhaqan, inkastoo
iyaguna aanay ceeb la'ayn.
Talo midaysan oo qaran waa in
laga yeeshaa amuuraha dalka ee aan process-ka ama hannaanka siyaasadda dalka
lagu koobin koox hadba magaalo ku shirta oo danley ah, waxana loo baahan yahay
daacadnimo iyo in loo wada hawlgalo danta guud ee ummadeed iyagoo laga gudbayo
danaha kooxaha, qabiilka iyo gobolaysiga ku dhisan.
Guuleysta Soomaaliyeey!
Cabdirashiid Muuse Siciid
Qoraa, lafa-gure siyaasadeed iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax bannaan
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid Muse
No comments:
Post a Comment