Thursday, May 21, 2015

Dhibbanihii Aydhiska iyo Dhabar-ka-toogashdii Jabhadda Raaskaanbooni


Waa qisoo ama arrin ku saabsan wiil Soomaaliyeed oo uu ku dhacay cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS, oo aan magaciisa u isticmaali doono Maxamed, laakiin magaciisa dhabta ah aanu ahayn Maxamed.

Maxamed waa wiil Soomaaliyeed oo da'diisu tahay 30 jir oo xilliyadii ugu danbeeyey ku noolaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo haatanna xarun u ah maamulka Jubaland. sida uu ii sheegay waa aabbe saddex jeer guursaday oo dhalay hal wiil, waxana uu asal ahaana ka soo jeedaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, laakiin  waxa uu ehel ku leeyahay  Muqdisho iyo Kismaayo, waxana inta badan uu noloshiisa ku soo qaatay Koonfurta Soomaaliya.

Sanooyinkii ugu danbeeyey, Maxamed waxa uu ku sugnaa magaalada Kismaayo oo ay ka taliyaan Maamulka ku-meelgaarka ah ee Jubaland oo asal ahaan ka soo jeeda Jabhaddii Raaskaanbooni ee magaalada ka qabatay Alshabab iyagoo kaashanaya Ciidanka Kenya oo ku jira dalladda AMISOM. Maxamed waxa uu ahaa nin caafimaad qaba oo xoog badan, laakiin xilliyadii ugu danbeeyey waxaa la soo dersay xanuun isagoo lagu arkay astaamo ka mid ah cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS.
Magaalada Kismaayo waxay maraysaa waqti adag oo ay ammaankeeda gacanta ku hayaan Maleeshiyaadka Raaskaanbooni oo aan lahayn dhisibiliin ciidan, kuwaasi oo dadka dil iyo boob u geysta. Muddo sannad ku dhow ka hor, Maxamed waxa uu habeen habeenada ka mid ah ku dhex lugaynayey magaalada Kismaayo, isagoo sitay telefoonka gacanta ee nooca qaaliga ah ee loo yaqaan Smart Phone. Waxa uu dareensanaa in Mobile-ka lagu soo weerari doono si looga dhaco, waxa uu muddo socdo si uu gurigiisa u gaaro, waxaa meel luuqyo ah kaga soo baxay ciidankii Raaskaanbooni oo xiran dareeskii lagu yaqaanay, waxa uu is dareensiiyey in ay jirto fursad uu kaga baxsan karo ama uu ku carari karo, laakiin nasiib darro, waxay ku soo rideen rasaas ka haleeshay caloosha iyo dhabarka.

Ayaandarradu waxay ahayd in uu waayey telefoonkii uu lahaa badbaadso, isla-markaana ay xabado ku dhaceen oo uu dhaawac yahay, laakiin wuu nasiib wanaagsan yahay mar haddiiba aanu dhiman ee uu dhaawac yahay. Maxamed waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla Kismaayo si loogu dabiibo, waxana la go'aamiyey in qalliin lagu sameeyo, laakiin qaliinka laguma samayn karo ilaa dhiig lagu shubo maadaama uu dhiig baxay.

Waxaa xusid mudan, adeegyada caafimaad iyo xirfadlayaasha caafimaadka ee Kismaayo waa kuwo heerkoodu hooseeyo, taasina waxay muujinaysaa in aan la haysan dadkii aqoonta lahaa iyo agabkii wax loogu qaban lahaa dadka degaanadaasi oo u baahan adeeg caafimaad oo sarreeya. Maxamed waxaa lagu shubay dhiig laga soo qaaday qof la xanuunsanayey cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS, iyadoo aan wax baaritaan ah lagu samayn qofka dhiigga laga soo qaaday, isla-markaana qalabka lagu qalayo ay yihihin kuwo nadaafadoodu aad u liidato ama aan laga dilin haddii ay sidaan cudur. Sidaa awgeed, Maxamed wuxuu halkaa ka xanbaaray Viruska HIV/AIDS, waxana dhawr bilood kadib geeriyooday qofkii looga shubay dhiigga, kaddib markii xanuun la soo dersay. Ogow, Aids ma aha cudur wax dila, ee waxa uu baab'iyaa unugyada difaaca jirka, waxana qofku u nuglaaanayaa in haddii uu cudur kale ku dhaco uu si sahlan ugu dhiman karo.

Xilliyadii ugu danbeeyey Maxamed waxaa uu isku arkay xanuun, waxana uu yimi magaalada Muqdisho maaddaama aanay magaalada Kismaayo lahayn adeegyo caafimaad oo wanaagsan. Dhawr habeen ka hor ayaa warbixintiisu isoo gaadhay, waxana aan Maxamed ugu tegay dhul aanan weligay tegin intii aan Muqdisho joogay oo ah degmada Kaaraan. Laba beri oo isbitaal iyo baritaan caafimaad ah, waxaa la xaqiiyey in Maxamed uu qabo cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS oo marxalad hore ah. Markii natiijada la soo qaadayey, Maxamed waxaan u qaadnay guriga uu ku nool yahay, waxana markii aan natiijadiisa la helay  aan isku daynay inaan isaga oo aad u shakisanaa aan lagaga naxsan, waxana la sameeyey niyad-dhis iyo in hooyadiisa oo la nool loo faro in la xaqdhawro oo aan la faquuqin oo niyadda loo dhiso, isla-markaana inta dhaqtarku caddaynayo tallaabooyin la qaadayo aan waxba loo sheegin, maadaama dhaqtarku mar kale na ballamiyey, laakiin nasiib darro isla-markiiba waxaa bilaabmay in warkii uu ku dhex faafo gurigii iyo ehelkiisii.

Haddaba, Maxamed maanta waa dhibbane oo wuu xanuunsan yahay, lamana yaqaan sida noloshiisu sii ahaan doonto xilliyada soo socda ama uu ku danbayn doono. Inaggoo aqoonsan qaddarta iyo in cudurkan uu ahaa wax loo qoray Maxamed, haddana waxaan u baahanahay in aynu oggaano cidda masuul ka ah in uu ku dhaco dabinka cudurkan dilaaga ah. Ma kula tahay inay masuul ka yihiin kooxdii Raaskaanbooni ee markii ugu horraysay dhaawaacay? Mise masuuliyadda waxaa leh dhakhtarkii iyo shaqaaalihii xaruntii caafimaad ee lagu qalay ama lagu dabiibay?

Intaa waaa dheer, cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDSwaxa uu ku soo badanayaa dalka Soomaaliya, waxana hawl-wadeen ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya uu ii sheegay in sannadkii hore ee 2014 Isbitaalka Banaadir oo keliya laga diiwaangeliyey 43 kiis oo cudurkaasi ah marka la eego dadkii yimi ee laga baaray, laakiin xogtan ma aha mid rasmi ah ama laga helay il rasmi ah. Waxaan shaki ku jirin in cudurkan khatarta badan oo dhibaato badan ku haya dalalka deriska uu si weyn ugu faafayo dalka Soomaaliya oo aan lahayn adeegyo caafimaad iyo karti uu wax kaga qaban karo halistan oo soo siyaadaysa, ilsa-markaana ay yar tahay wacyiga dadka Soomaaliyeed ee xilligan. Dhalinyaradu waa kuwa ugu nugul inay cudurkan qaadaan, maxaa yeelay waxay ugu fursad badan yihiin sababaha loo qaado.

Aids waa masiibo qaran oo fidaysa, waxana loo baahan yahay in Dawladda Soomaaliya, Maamuladda Dalka iyo dhammaan cidda danaysa ay u hawlgalaan sidii loo xakamayn lahaa. Waxaa loo baahan yahay in dadka la baro cudurka iyo siyaabaha looga hortago iyo weliba in la sameeyo qorshayaal qaran oo xilliga dhow iyo fogba ah. Waxaan anigu ku talinayaa in loo abuuro guddi qaran oo qaabilsan cudurkan (Somalia Aids Commission) ma hubo in uu jro ee haddii aanu jirin waa in la abuuraa oo loo helaa miisaaniyad dhaqaale iyo dad karti leh oo agaasima shaqadiisa.

FG: Qoraalkan ujeedadiisu waxay tahay in dadka lala wadaago khatarta cudurkan oo wacyi la  helo, isla markaana sheekooyinkiisa ay dadku la socdaan si aan loo hilmaamin. Sidoo kale, qormadu ma aha mid siyaasadi ka danbayso ee waa baraarujin iyo soo bandhigid dhibaatada haleeshay wiilkan Soomaaliyeed ee walaalkeen ah ee dhibbane u ah wax laga hortegi karay. 

Cabdirashiid Muuse Siciid
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid Muse

Monday, May 11, 2015

Doorashooyin xor ah ma ka qabsoomi karaan Soomaaliya 2016?


Dalka Soomaaliya waxaa doorashooyin baarlamaan iyo madaxtinimo oo dimuquraadi ah loo ballansan yahay sannadka soo socda ee 2016. Inkastoo dad badan oo la socda siyaasadda Soomaaliya ay shaki weyn ka muujinayaan in doorashooyinkaasi u qabsoomaan habka hal qof iyo hal cod, ayaa Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu bilowgii asbuucan dib u xaqiijiyey in doorashooyinku ku  dhacayaan xilliga loo asteeyey oo aan kudarsi iman doonin. Warka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee leh doorasho waa dhacaysaa 2016 waa hadal sax ah oo wanaagsan, laakiin ujeedadiisu tahay baadil iyo been. Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan ku xujeynaa bal marka la gaaro August 2016 doorasho ka qabo gobolka Banaadir iska daa dalka ballaaran intiisa kale!
Qof walba oo Soomaaliyeed oo dan ka leh in dalkiisu hagaago oo dib u dhismo, waxa uu doonayaa in doorashooyin dimuquraadi ah oo toos ah ka dhacaan dalka marka uu dhamaado xilliga Madaxweynaha xafiiska jooga. Kolka la eego duruufta dalka ka jirta iyo waaqica uu dalku marayo, ma muuqato rajo ah in la qaban karo doorashooyin  xor ah oo qof walba codkiisa dhiibto, iyadoo hawlaha loo baahan yahay in dalka laga qabto ka hor waqtiga doorashada loo ballansan yahay ay u muuqdaan kuwo aanu dhawr sano xitaa ku qaban karin hoggaanka Madaxweyne Xasan.
Madaxweynuhu waxa uu doonayaa in uu yiraahdo anigu doorashaan diyaar u ahay, marka waqtigu uu dhowaadona uu guddiga hawlaha doorashada loo xilsaaray oo hal qolo soo xushay yiraahdo doorasho lama qaban karo ee waa in waqtiga la kordhiyaa. Dad badan ayaa su'aal ka keenaya dhexdhexaadnimada guddiyada qaran ee shaqadoodu ku ururaysao hawlaha aragtida hiigisga 2016 oo la tilmaamayo in lagu soo xulay asaas kooxeed iyo dano gaar ah. 

Ma jirtaa cid xil kordhin karta? Madaxweynayaal Maamul Goboleedyo oo gacan ku rimis ah oo kursiga ku tegay xoog iyo musuqmaasuq, oo aan haysan taageero dadweyne maadaama aan shacab dooran iyaga miyaa kordhin kara waqtiga?
Sida looga wareegayo doorashooyinka2016 waa in ay noqotaa wax qaranka oo dhan ay ka wada qaybqaataan oo laga wada tashado, gaar ahaan, hoggaamiyayaasha siyaasadda dalka, hoggaamiyayaasha dhaqanka, ururada siyaasadeed ee dalka ka hanaqaaday iyo bulshada rayidka ah. Saamileyda siyaasadda dalka laguma soo koobi karo Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo iyagu aan haysan sharciyad weyn oo ay dadka degaanada oo dhan ku meteli karaan. Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada waxaa ka sharciyad iyo aaminaad badan hoggaamiyayaasha dhaqanka waayo iyagu waxay haystaan aaminaad dadweyne iyo suldad sharci ah oo dhaqan, inkastoo iyaguna aanay ceeb la'ayn.
Talo midaysan oo qaran waa in laga yeeshaa amuuraha dalka ee aan process-ka ama hannaanka siyaasadda dalka lagu koobin koox hadba magaalo ku shirta oo danley ah, waxana loo baahan yahay daacadnimo iyo in loo wada hawlgalo danta guud ee ummadeed iyagoo laga gudbayo danaha kooxaha, qabiilka iyo gobolaysiga ku dhisan.

Guuleysta Soomaaliyeey!

Cabdirashiid Muuse Siciid
Qoraa, lafa-gure siyaasadeed iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax bannaan
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid Muse