Tuesday, November 10, 2015

Soomaaliya Waa Mashruuc!



Danjire Nicholas Kay: "Haddii ay yaraato ama la dhimo taageerada la siiyo Soomaaliya, taasi waxay keenaysaa qulqul qaxooti ah" Sidaasi waxaa shalay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka jeediyey Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Taakulaynta Soomalaiya Danjire Kay. Waa hadal ay dadka qaar run u qaadan karaan, laakiin aan xaqiiqda ka tarjumayn, oo uu ka danbeeyo damac weyn oo lagu doonayo in magaca Soomaaliya loo isticmaalo qalab lacag lagu helo ama mashruucan lagu sii dheeraysto.

Hadalkaasi waa mid uu shaqadiisa ku ilaashanayo, oo uu beesha caalamka ku xuuxinayo in haddii taageerada xafiiskiisa ay yaraato, ay Soomaaliya ka sii darayso, oo dalkana barakac iyo qaxooti dalalka Galbeedka ku yaaca ay ka bilaabanayso. Hadalkan, waxa uu ku soo beegmayaa xilli wadamada Yurub ay la tacaalayaan qulqulka qaxootiga reer Suuriya.

Yaan Soomaaliyeey la idin gaadin oo magaciina loo isticmaalin aalad lagu lacagaysto.Taageerada ay bixiyaan xafiiskan UNSOM iyo kan kale ee UNSOA (United Nations Support Office for AMISOM) oo hadda loo beddelay UNSOS (United Nations Support Office for Somalia), waxaa ka waxqabad wanaagsan kuwa ay bixiyaan dalalka taageeradoodu tooska tahay.

Dhowaan, wafdi uu hogaaminayey Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa booqday dhadhaaab, waxana tani ay qayb ka ahayd hawlaha dib- u-soo-celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya, waxana intii ay socotay booqashadaasi iyo wadahadladii saddex geesoodka ahaa ee u dhexeeyey Kenya, Somalia iyo UNHCR, ay AMISOM soo saartay bayaan ay ku leeyihiin waa in dhaqaale badan ay beesha caalamku na siiso si aan dib-u-dejin ugu samaynno qaxootiga Somaaliyeed. AMISOM, marka ay sidaa leedahay waa mar ay dayacday waajibaadkeedii la dagaalanka argagaxisada iyo nabad ilaalinta Soomaaliya, isla markaana ay ka soo baxday dhulkii horey loo xoreeyey. Ogoow, shaqadan waa mid ay leedahay Dawladda Soomaaliyeed, laakiin qoladan ay dooneyso inay kula daarato!

Intaa waxaa dheer, xaggee ku danbeeyey barnaamijkii Heshiishka Cusub ama New Deal ee lagu yaboohay balaayiinta dollar? Haddii ay ballantu ahayd in lacagaha si toos ah loo siiyo dhinacyada dadka Soomaaliyeed, oo iyagu mudnaanta leh, xaggee lacagahaasi mareen? PSG-yadii ama hadafyadii Nabad-dhisidda iyo Dawlad-dhisidda maxaa laga qabtay?

Cirashiid Muuse Siciid
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid Muse


Saturday, August 22, 2015

Lacag Faaliso ah Faa’iido ma u leedahay Puntland?


Laga soo bilaabo markii uu burburay nidaamkii militariga ahaa ee uu hoggaaminayey Maj. General Maxamed Siyaad Barre horraantii sannadkii 1991-dii, Soomaaliya ma lahayn nidaam maaliyadeed oo lagu kalsoon yahay oo shaqaynaya inkastoo Dawlad Goboleedyada iyo Xukuumadda Dhexe ay xilliyo kala duwan qaadeen tallaabooyin dib loogu hirgelinayey hay’ado maaliyadeed oo aan si habsami ah oo la aamini karo u shaqaynayn laakiin u hawlgelayey iney ka ka jawaabaan baahiyo gaar ah oo loo qabay. Qaran-jabka ku dhacay Soomaaliya ma saamayn oo keliya dhinaca hay’adaha siyaasadda oo keli ah ee waxaa burburay dhammaan qaab-dhismeedyadii dawladnimo iyo kuwii danta guud. Marka la eego dalalka siyaasad ahaan u burburay, waxaa tusaale xilli dhow ah loo soo qaadan karaa Libya oo uu meesha ka baxday nidaamkii siyaasadeed ee dalka isku haye, hase ahaatee, iyadoo siyaasadda lagu kala tegay oo la kala qoqoban yahay, waxaa sii shaqaynaya hay’adaha maaliyadda iyadoo xilliyadii danbe la arki karay Bangiga Dhexe oo ka shaqaynaya magaalooyin ay kala haystaan kooxo aragtida siyaasadda iyo aydaloojiyadda ku kala duwan, waxana hay’adaha daweynaha loola wada dhaqmaa si ixtiraam ku jrio si adeegga iyo nolosha daweynuhu si wanaagsan ugu socoto.

Marka loo soo laabto dalkeenna Soomaaliya, waxaa hal mar wada dumay dhammaan hay’adihii dawladda ee caamka ahaa oo ay ka mid ahaayeen kuwii maaliyadda ee bixinayey adeegyada dhinaca maaliyadda. Inkastoo haatan wax walba si tatriib tartiib ah u soo hagaagayaan, haddana waxaa jirta wadda dheer oo ay tahay in la maro si wax walba loo caadiyeeyo.

 Dawlad Goboleedyada Soomaaliya iyo Dawladda Dhexe ee Federaalka ah ee curdinka ah, waxaa hay’adahooda maaliyaddu ugu tayo iyo fac weyn Somaliland oo hirgelisay Bangi Dhexe iyo lacag gaar ah oo la yaqaan cadadkeeda si loo kantaroolo suuqa iyo sarrifka lacagaha qalaad, loona ilaaliyo dhaqaalaha iyo nolosha dadweynaha, inkastoo hay’adahooda maaliyadda laftigoodu aanay ceeb ka nasahnayn, waxaase la oran karaa waxay ka soo gudbeen caqabado soo bixi lahaa haddii aanay unkanayn.

Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo la asaasay sannadkii 1998-dii waxaa tan iyo xilligaasi ka jiray xaalad ka duwan marka loo eego gobolada koonfurta iyo bartamaha dalka, laakiin waxay la wadaagaan duruufo badan oo dhaqaalaha iyo dhinacyo kale ah. Dhanka maaliyaddu oo su’aasheennu tahay, Puntland wax weyn kama gedisana koonfurta iyo bartamaha Soomaaliyada iyadoo Bangiga Dawlad Goboleedka ee Puntland (Puntland State Bank) uu maareeyo keliya dhaqaalaha maamulka ama dakhliga iyo kharashaadka baxaya, laakiin ma sal goyn karo suuqa iyo sicirka iyo qiimaha ee lacagaha kala duwan ee seyladaha yaalla ama la isticmaalo, taasina waxay ka dhigtay in uu noqdo sidii bakhaar lacagta la geliyo oo  lagana saaro. Maaddaama aanu awood u lahayn in uu suuqa la socdo sababa jira oo badan awgeed oo ay ka mid yihiin lacagaha la isticmaalo oo kala duwan iyo lacagta Shiling Soomaaliga oo u badan been abuur ama faaliso oo xilliyo kala duwan la sameeyey, isla markaana meelo kala duwan oo dalka iyo dibadda ah lagu daabacay, una furan iney ku wareegto gobolada dalka oo dhan iyadoo taasi keentay in aan la ogaan karin tirada lacagta Shilin Soomaaliga ah ee suuqa ku wareegysa iyo tan lacagaha qalaad ee iyana suuqa taalla.

Cashar Dhaxalgal ah

Xilliyo dhawr ah, waxaa Puntland ka dhacay sicir-barar iyo qiimo-beel lacageed ka dib markii la daabacay lacago faaliso ah oo ay kala lahaayeen shakhsiyaad gaar ah iyo maamulka ama labada dhinacba ay shuraako ku ahaayeen oo ay wadaageen. Sicir-barar iyo qiima dhaca lacagta ku yimaada waxa uu saamaynayaa awoodda wax soo gadashada ee guri walba ama dadweynaha, waxana taasi marka ugu danbeeya ay dhibaato u keenaysaa dhaqaalaha guud iyo wax soo saarka. Xilligii uu Cadde Muuse madaxweynaha ka ahaa Puntland, ayey si weyn u soo ifbaxday daahirada lacagaha faalisada ah ee gudaha lagu daabaco oo ay wadeen rag dhawr oo maamulka ku jiray iyo qaar ganacsato ahaa, laakin markii ay qiilqiil gashay nolosha dadweynaha oo dhaqaaluhuna inuu jilbaha dhulka ku dhifto  u dhowaaday, ayaa culimada degaanka iyo hoggaamiyayaasha bulshadu ka hor tageen oo u hawlgaleen sidii lagu joojin lahaa, iyadoo ugu danbayntiina lagu guuleystay in la gubo lacag badan oo faalisa ahayd isla markaana makiinadihii samaynayey degaanka laga qaaday, taasi oo keentay in dhaqaaluhu xasilo.

Cilmiga weyn ee dhaxalgalka ah ee arrintan laga bartay ayaa ah in lacago la daabaco oo weliba been abuur ah aanay ka qaybqaadan karin kobcinta wax soo saarka dhaqaalaha (Economic output). Dad badan ayaa is weydiinaya haddii Dawlad ama Maamul ay soo waajahdo xaalad dhaqaale xumi ah oo miisaaniyaddu is dhinto ama deyn lagu yeesho maxay lacag badan loo daabici waayey? Sababtu waxa weeye lacag badan oo la daabaco sinaba uma kordhiso wax soo saarka dhaqaalaha ­– waxa keli ah ee ka dhasha waaa sicir-barar.

·         Ka soo qaad suuqa Puntland waxaa yaalla badeeco raashin ah oo dhiganta lacag $20 malyuun. Tusaale ahaan badeecadaaasi waa bariis gaaraya hal malyuun oo kiish, waxana halkii kiish la siiyaa $20.
·         Haddii maamulku laba jibaaro lacagta suuqa soo gelaysa, waxaynu weli haysannaa hal malyuun oo kiish oo bariis ah laakiin dadkii baa lacag badan gacanta ku haysta. Dalabka bariisku wuu kacayaa iyadoo shirkaduhuna sicirka kor u qaadayaan.
·         Siinaariyahan haddii lacagta suuqa soo gelaysa la badiyo, waxaynu weli haysannaa hal malyuun oo bariis ah oo lagu iibiyey $40 halkii lagu iibin lahaa $20, laakiin tirada badeecadda waxba iskama beddelin.
·         Waan oran karnaa kororka ku yimi GDP-ga waa lacag been ah – waa sax in lacagtu badatay, laakiin wax kasta waa qaali, mana jirto wax kuu hagaagay ama kuu wanaagsanaaday.
·         Habkan yar ee fudud, waxaa lagu ogaanayaa in lacag la daabaco ay badeecada ka dhigto wax qaali ah, laakiin aanay beddelin tirada badeecadda.

Dhibaatada Sicir-bararka

Haddii sicir-barar yimaado waxaa adkaanaysa in dadku wax gataan maxaa yeelay sicirku durbadiiba waa is beddelayaa. Haddii aad subaxnimada gelinka hore aad rooti badan iibsato, waxaad ka nasiib wanaagsan tahay qof gelinkii hore rooti yar iibsaday oo gelinkii danbe damcay in uu rooti kale iibsado iyadoo sicirkii kor u kacay. Tani waxay keenaysaa in dhaqaaluha ay xasilooni darro soo waajahdo oo la isku dhex yaaco. Waxaa imanaysa hubanti la’aan iyo jaha wareer. Haddii sicir barar yimaado, dadka ama shirkaduhu waxay joojinayaan iney lacag wax ku maalgashadaan taasoo keenaysa in uu hoos u dhaco kobocii iyo kororkii dhaqaalaha.

Waxaa hoos u dhacaya qiimaha lacagaha meel dhigto.Haddii dadku ay lacag kaash ah meel dhigtaan, sicir-bararku waxa uu xaalufinayaa qiimaha lacagta aad meel dhigatay. Tusaale ahaan laba malyuun oo Shilling Soomaali ah oo reer maanta dukaan u taalla waa lacag badan oo wax u goysa, laakiin marka sicir barar yimaado dhawr bilood ama sannad lacagtaasi waa qiimo beelaysaa oo waxba ma goyneyso. Haddi sicir-barar yimaado waxaa yaraanaysa in lacag meel la dhigto.  Lacgta la daabacaa waxay saameysaa qiimaha lacagtaasi lahayd.Haddii lacag la daabaco oo sicir barar yimaado, markaasi waxaa dhacaysa in lacagta qiimaheeda uu hoos u dhaco. Ka soo qaad sicir barar ku yimaada Puntland waxauu gaaray 100%, sicir bararka ka jira Somaliland-na waa 0%. Tan macnaheedu waxa weeye sicirka Puntland waxa uu laba jibaar ku noqonaya sicirka ka jira Somaliland marka loo barbar dhigo, waxaadna u baahanaysaa lacag laba jibaar oo shlling Soomaali ah markaad joogto Puntland si aad wax u iibsato. Awoodda wax gadashada ee lacagta Shilling Soomaaliga ah ee Puntland hoos ayey u dhacaysaa, sidaa daraadeed waxaa dhacaya qiimaha sarrifka lacagta.

Ugu danbayntii, iyadoo Maamulka Cabdiweli Maxamed Cali ee Gaas ee Puntland uu damacsan yahay inuu mushahar ku bixiyo ama suuqa soogeliyo lacagta faalisada ah ee bilihii ugu danbeeyey lagu daabacayey makiinadda taalla Boosaaso, ayaan waxaan uga digayaa dadka reer Puntlaand inay fududaystaan oo oggolaadaan Lacagtan faalisada ah. Lacagtan waxay gubayaa oo dab qabadsiinaysaa guryo badan, waxay nolosha ciriirki ku gelinaysaa qoysas badan oo noloshoodu maanta xasiloontahay. Mar haddii lacag been abuur ah aysan kor u qaadayn waxsoosaarka dhaqaalaha, isla markaana ay horseedayso sicir barar, waxaa lagama maarmaan ah in la hor istaago inay suuqa soo gasho. Arrintan waa indhab laga noqdaa, maxaa yeelay waxay taabanaysaa nolosha qoyayskeenna iyo dadkeennna.

Cabdiweli Gaas waa aqoon yahan dhinaca dhaqaalaha, laakiin ogaada arrintan aqoondarro uma samaynayee waxa uusan dan ka lahayn dhibaatadiina, waxa keli ah ee uu fiirsanayo waa dan gaar ah oo uu ku doonayo in uu iskaga yareeyo culayska mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidamada. Waxaan ugu baaqayaa waxgaradka, isimada, culimada, haweenkaiyo iyo dhammaan qaybaha kala duwan bulshada in laga hortago oo la diido lacagtaasi been-abuurka ah.

Cabdirashiid Muuse Siciid
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon

Facebook: Abdirashid Muse

Thursday, July 23, 2015

Obama ma Baagamuuddaa!!!





Xilligii qabqablayaasha Soomaaliya, gaar ahaan wixii ka danbeeyey 11-kii September ee ahayd markii la qarxiyey sarihii ganacsiga ee Maraykanka, ee uu haddana soo baxay dagaalka waxa loogu yeero la dagaalanka argagaxisada, ayaa qabqablayaashii Soomaaliya guud ahaaan waxay u arkeen in ay fursad u tahay inay la shaqeeyaan Maraykanka si ay dhaqaale iyo malaha magac ugu helaan ka mid noqoshada xulufada dagaalkaasi.

Qabqable reer Muqdisho ah, ayaa la sheegay inuu dhawr jeer u yeeray odayaasha beeshiisa oo ku yiri waxaan xiriir la leeyahay ninkan adduunka magaciisu wareeriyey ee George Bush. Odayaashu markay la soo fariistaan, ayuu intuu telefoon dhegta saaro oo meel gooni ah la yara istaago, waxa uu yiraahdaa "Hello Bush i am in Mogadishu". Oday ka mid ahaa odayaashii ayaa laga hayaa: "Ar heey Buush ma baagamuudda".

Maalmahan waxaa magaalada Nairobi ku sugnaa Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Gaas,oo ay taageerayaashiisu noo sheegeen inuu Nairobi ku sugayo Madaxweynaha Maraykanka si uu ula kulmo, oo ay uga wada hadlaan arrimaha Soomaaliya. Dadka qaaar ee taageerayaasha Gaas ah, waxay i yiraahdeen boowe Gaas waa nin Maraykanka ah oo keligiis ayaa Maraykanku casumay.
Dadkii Hoteelada Nairobi kula kulmay Cabdiweli Gaas waxaa laga sheegay inay arkeen Cabdiweli Gaas oo telefoon gaar ula baxaya oo leh "Hello Obama i am in Nairobi iyo Hello John Kerry I am in Nairobi", markaas ayaan aniguna is iri "Ari Boowe Obama ma Baagamuuddaa"

Waa laga yaabaa in labada nin is arkaan oo Dawladda Kenya, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Dibadda ka saacido sidii loola kulansiin lahaa Obama, balse waan eegnaa inay berri kulmaan iyo in kale.


Cabdirashiid Muuse Siciid
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid Muse



Friday, June 26, 2015

Maxaa ka danbeeya Mooshinka Madaxweynaha?


Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa hor yaalla Mooshin maamuus ka xayiibin ah (impeachment), waxana soo badanaysa xildhibaanada saxiixaya mooshinka oo hadda u dhow tirada loo baahan yahay si Madaxweynaha Jamhuuriyadda shaqada looga eryo.

Xildhibaanada oo aan qaar ka mid ah sheekaysanay, waxay ii sheegeen in Madaxweynaha ay u harsan tahay muddo hal sano ah, sidaa daraadeed uu ku fashilmay hoggaaminta dalka iyo hirgelinta barnaamijkiisii iyo balanqaadkiisii siyaasedeed ee Xildhibaanadu ay ku doorteen. Sidoo kale, waxay ii sheegeen inay Madaxweynaha ka dalbadeen qorsha hiigsiga 2016 iyo aragtidiisa ku aaddan arrintaa, waxana ay intaa ku dareen in Madaxweynaha uu taageersan yahay in xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ay soo xulaan Maamul Goboleedyada hadda dhisan iyo kuwa dhismi doona. Dabcan ujeedadu waa in Cabdiweli Gaas, Axmed Madoobe, Shariif Axmed iyo kuwa ku xiga ay baarlamanka soo xulaan iyagoo danahooda gaarka ah qola walba wadato ama wax ku salayneyso.

Qorshahaasi Xildhibaanaduba waa diideen aniguna waan ku raacsanahay, mana aha wax la qbali karo(unexpectable). Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadu waa siyaasiyiin danahooda u shaqaysta, sidaa daraadeed waxa ay soo xulaan xalaal ma aha ee waa wax dan siyaasadeed ku dhisan.

Markii Xildhibaanadii diideen qorshaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo kuwa Maamul Goboleedyadu isku raaceen, haddana uu soo baxay mooshinkan maamuuska looga xayuubinayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaa la ii sheegay in Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu Xildhibaanada ka codsaday in waqti la siiyo si uu u keeno qorshaha beddelka ah ee looga wareegayo in Cabdiweli Gaas, Axmed Madoobe, Shariif Axmed iyo kan hadda lacagta Dawladda lagu bixinayo ay dadku magan ugu noqdaan inay masiirkooda iyo mustaqbalkooda siyaasadeed ay iyagu u go'aamiyaan ama xildhibaanadooda u soo xulaan.

Ya o oggolaan kara in Madaxweyne beeleed uu beelaha kale u soo xulo cidda siyaasadda u metelaysa ama wakiilka uga noqoneysa? Qorshahan ah in Maamul Goboleedyadu soo xulaan Baarlamanka xiga iyo in dalka doorasho xor ah laga qabto, labaduba wey fashilmeen oo ma socon doonaan ee markaa waxaa loo baahan yahay in beeluhu ay iyagu soo xushaan Xildhibaanadooda. Isimada waaweyn ee Beelaha Soomaaliyeed waxay leeyihiin Suldo sharci ah oo lagu kalsoon yahay marka loo barbar dhigo Axmed madoobe iyo Cabdiweli Gaas.

Haddaba haddii aan su'aasha si dhab ah u abbaaro, mooshinka Madaxweynaha ujeedadiisu waxay u badan tahay mid siyaasadeed oo ah hiigsiga 2016, kamana maqna danooyin kale oo xildhibaanadu leeyihiin ama yeelan karaan. Waxaa Xildhibaanadu doonayaan inay qayb ka noqdaan saamileyda aragtida hiigsiga 2016  ama ugu yaraan aan dusha wax looga keenin ee ay samaynta go'aamada siyaasadeed ee dalka ka qayb qaataan. Mooshinka waa aalad culays lagu saari karo Madaxweynaha si uu u beddelo itijaaha uu siyaasadda ku wado, isla markaana qaabaynta hiigsiga siyaasadeed ee 2016 aanay ku koobnaan Madaxweynaha iyo Xuxuumadda iyo dhinaca kale oo ah Maamul Goboleedyada. Mucaaradka siyaasadeed ee dalka ka jirana waxay doonayaan in iyagoo kaashanaya beesha caalamka ay ka mid noqdaan jilayaasha siyaasadda dalka, waxana xusid mudan in Baaramanka ay ku badan yihiin kutlooyin mucaarad ah, laakiin hadba mudanayaasha Baarlamanku waxay la guur guuraan danahooda.

Arrinta aan Xildhibaanada haatan jooga isku diidanahay oo aan Madaxweynahana isku mowqifka ka nahay waa in iyaga waqtiga loo kordhiyo oo Madaxweynahana la soo doorto, taasina suuragal ma aha ee waa in ay wada tagaan oo isbeddel dhacaa. Waxaan aaminsanahay in aan xal ku jirin in waqtigan xaadirka ah Madaxweynaha la rido, laakiin loo baahan yahay in laga heshiiyo waxa aniga iyo xildhibaanadu aan tabanayno ee ah isku-koobiidda go'aaminta siyaasadda dalka iyo hiigsiga 2016.Waa wax na taabanaya, mana aqbali karno in Maamul Goboleed wax soo xulaan ee waa in Isimada Dhaqanku soo xulaan, oo 2016 wixii ka danbeeya la isu diyaariyo afar sano oo hor leh oo dalka laga hirgelinayo doorashooyin xor ah iyadoo aan qiil danbe loo samaynayn  in laga tallaabo doorashooyinkaasi ah  HAL QOF HAL COD..

Cabdirashiid Muuse Siciid
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid Muse


Saturday, June 13, 2015

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ka gaabisay kaalintii kaga aadanayd u-gargaaridda dadka laga soo daadguraynayo dalka Yemen



Dawladda Federaalka oo markii kowaad qayb ka ahayd duulaankii Sucuudigu hoggaaminayey ee lagu qaaday dalka Yemen, isla markaana sheegtay inay biyaha iyo hawada Soomaaliya u fasaxday inay isticmaalaan gaaashaanbuurtii uu hoggaaminayey Sucuudiga ee weeraray Yemen, iyadoo la og yahay in boqolaal kun oo Soomaaliyeed oo duruufaysan ay ku nool yihiin dalka Yemen, ayaa haatan waxba u tarin dadka soo noqonaya ee ka soo firxanaya dagaalka. Dawladdu waxay adduunka ka dalbatay dhaqaale wax looga qabto qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen, taa marka laga tago waxaa ka saaran masuuliyad qaran iyo mid akhlaaqeed oo dadka Soomaaliyeed oo dhanna saaran. Dadka la socda dagaalka Yemen, waxay sheegayaan in Dawladda Federaalku ay arrimo dhaqaale ku beddelatay taageeridda hawlgalka Sucuudiga iyadoo ka indho saabatay dadkeeda darxumaysan ee ku sugnaa Yemen.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go'doomay dagaalada Yemen waxay u baahan yihiin kaalmo ballaaran oo wax looga qabto duruufahooda, waana arrin qaran oo loo baahan yahay inay hoggaamiso Dawladda Federaalka Soomaaliya ee aan lagu eegan bulsho iyo maamul gaar ah oo tabartooda dhaqaale kooban tahay. Waa masuuliyad darro in dadka Soomaaliyeed ee dhaqaalaha haysta ee ka baxsan Puntland marka laga reebo ninka halka markab kireeyey, aanay waxba ku biirin arrintan baaxadda weyn, iyadoo dadka Yemen ka soo cararaya ee Soomaaliyeed ay u badan yihiin gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya. Dadka Soomaaliyeed magaaladay doonaan ha ku dhasheen ama gobolkay doonaan ha ka soo jeedeen waa dad Soomaaliyeed, laakiin waxaa loo baahan yahay in si guud oo qaran masuuliyad la isaga saaro oo dadka Soomaaliyeed oo dhan ay ka qaybqaataan gurmadka, iyadoo ay hoggaaminayso Dawladdan Muqdisho fadhida ee arrin ku yaboohtamaysa ama dhaqaale ku raadsanaysaoo keli ah.

Shacabka Soomaaliyeed ee Puntland iyo Maamulka Puntland, marka loo hadlo sida xaqiiqda ah waxay qabteen wax ka badan awoodooda dhaqaale, xilli lagu jiro duruufo adag oo dhaqaale. Waxaa ayaan darro ah, in dadka qaar ay siyaasadeeyaan arrintan oo ah mid bani aadanntinimo isla markaana u isticmaalaan aalad siyaasadeed oo loogu imtixaano bulsho gaar ah. Isla xilligan, shakhsiyaad isu arka haldoor, waxay qorayaan dacaayado iyo in xilli hore Puntland lagu dhibaatayn jiray dadka reer koonfurka, iyadoo la og yahay in kuwaasi yihiin kuwii soo barakiciyey ama hallaagga iyo dhibaatada baday. Arrin Maamul ku kaco haddii ay tahay Berbera ama Gaalkacayo looma aanayn karo bulsho gaar ah, ee yaa u sheega kuwa aragtida ciriiriga ah qaba.

Intii muddo ahayd waxaan xiriir la lahaa Madax sare oo Puntland ka tirsan oo arrintan aan isla soo qaadnay, waxay ii sheegeen in Dowladda Federaalku ay hay'adaha gargaarka amar ku siisay in iyada looga danbeeyo wixii qaxootiga Yemen ah, isla markaana dhaqaalaha iyada la soo marsiiyo. Haba la marsiiyeey maxay u tartay dadkan maraakiibta lagu soo daabulayo ee Boosaaso la keenayo. Madaxweynaha Jamhuuriyaddu intuu safaro damaashaada h u tegayo Abuja iyo Khartuum oo caleema saar u aadayo muxuu u booqan waayey oo ugu kuurgeliyey xaaladda dadkaasi Soomaaliyeedee uu masuulka ka yahay yaanuba wax tarine? Mise wax qiimo iyo dareen ah uma leh dadkaasi?
Dad badan ayaa ka qayliyey dhacdadii Berbera oo ku tilmaamay wax kasta oo wax lagu ceebeeyo aniguba aan ka mid ahaadee, laakiin kuwaasi iyaga ceeb ma qabato miyaa marka dadka Yemen ka soo noqday ay gaajo iyo in la daryeeli waayey ay kaga cabanayaan Caasimaddii dalka ee Muqdisho oo ay leeyihiin wax na daryeela Dawlad iyo shacab ma hayno! Bal guji link-gan fadlan oo dhegeyso cabashadooda. https://www.facebook.com/AlJasiiraNews/videos/733488483445284/?__mref=message_bubble

Maanta dad gaaraya laba kun iyo shan boqol oo qof ayaa laga dejiyey dekedda Boosaaso, runtiina lama sahlan karo culayska baahiyaha dadkaasi, laakiin waxay marti u yihiin reer Boosaaso iyo Puntland, markaa meeday Dawladdii Soomaaliyeed iyo dadkii Soomaaliyeed ee kale, xilli tobanaan kun oo kale ay xilliyada soo socda ku soo wajahan yihiin dalk? Dawladdan Xamar fadhida iyo bulsho weynta Xamar ee dhaqaalaha haysta maxaa uga qorsheysan dadkaasi mise rerr Boosaaso ayaa lagu imtixaanayaa?

Cabdirashiid Muuse Siciid
Email: abrashidmuse@gmail.com
Facebook: Abdirashid Muse
Twitter: Gobanimodoon

Thursday, May 21, 2015

Dhibbanihii Aydhiska iyo Dhabar-ka-toogashdii Jabhadda Raaskaanbooni


Waa qisoo ama arrin ku saabsan wiil Soomaaliyeed oo uu ku dhacay cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS, oo aan magaciisa u isticmaali doono Maxamed, laakiin magaciisa dhabta ah aanu ahayn Maxamed.

Maxamed waa wiil Soomaaliyeed oo da'diisu tahay 30 jir oo xilliyadii ugu danbeeyey ku noolaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo haatanna xarun u ah maamulka Jubaland. sida uu ii sheegay waa aabbe saddex jeer guursaday oo dhalay hal wiil, waxana uu asal ahaana ka soo jeedaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, laakiin  waxa uu ehel ku leeyahay  Muqdisho iyo Kismaayo, waxana inta badan uu noloshiisa ku soo qaatay Koonfurta Soomaaliya.

Sanooyinkii ugu danbeeyey, Maxamed waxa uu ku sugnaa magaalada Kismaayo oo ay ka taliyaan Maamulka ku-meelgaarka ah ee Jubaland oo asal ahaan ka soo jeeda Jabhaddii Raaskaanbooni ee magaalada ka qabatay Alshabab iyagoo kaashanaya Ciidanka Kenya oo ku jira dalladda AMISOM. Maxamed waxa uu ahaa nin caafimaad qaba oo xoog badan, laakiin xilliyadii ugu danbeeyey waxaa la soo dersay xanuun isagoo lagu arkay astaamo ka mid ah cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS.
Magaalada Kismaayo waxay maraysaa waqti adag oo ay ammaankeeda gacanta ku hayaan Maleeshiyaadka Raaskaanbooni oo aan lahayn dhisibiliin ciidan, kuwaasi oo dadka dil iyo boob u geysta. Muddo sannad ku dhow ka hor, Maxamed waxa uu habeen habeenada ka mid ah ku dhex lugaynayey magaalada Kismaayo, isagoo sitay telefoonka gacanta ee nooca qaaliga ah ee loo yaqaan Smart Phone. Waxa uu dareensanaa in Mobile-ka lagu soo weerari doono si looga dhaco, waxa uu muddo socdo si uu gurigiisa u gaaro, waxaa meel luuqyo ah kaga soo baxay ciidankii Raaskaanbooni oo xiran dareeskii lagu yaqaanay, waxa uu is dareensiiyey in ay jirto fursad uu kaga baxsan karo ama uu ku carari karo, laakiin nasiib darro, waxay ku soo rideen rasaas ka haleeshay caloosha iyo dhabarka.

Ayaandarradu waxay ahayd in uu waayey telefoonkii uu lahaa badbaadso, isla-markaana ay xabado ku dhaceen oo uu dhaawac yahay, laakiin wuu nasiib wanaagsan yahay mar haddiiba aanu dhiman ee uu dhaawac yahay. Maxamed waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla Kismaayo si loogu dabiibo, waxana la go'aamiyey in qalliin lagu sameeyo, laakiin qaliinka laguma samayn karo ilaa dhiig lagu shubo maadaama uu dhiig baxay.

Waxaa xusid mudan, adeegyada caafimaad iyo xirfadlayaasha caafimaadka ee Kismaayo waa kuwo heerkoodu hooseeyo, taasina waxay muujinaysaa in aan la haysan dadkii aqoonta lahaa iyo agabkii wax loogu qaban lahaa dadka degaanadaasi oo u baahan adeeg caafimaad oo sarreeya. Maxamed waxaa lagu shubay dhiig laga soo qaaday qof la xanuunsanayey cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS, iyadoo aan wax baaritaan ah lagu samayn qofka dhiigga laga soo qaaday, isla-markaana qalabka lagu qalayo ay yihihin kuwo nadaafadoodu aad u liidato ama aan laga dilin haddii ay sidaan cudur. Sidaa awgeed, Maxamed wuxuu halkaa ka xanbaaray Viruska HIV/AIDS, waxana dhawr bilood kadib geeriyooday qofkii looga shubay dhiigga, kaddib markii xanuun la soo dersay. Ogow, Aids ma aha cudur wax dila, ee waxa uu baab'iyaa unugyada difaaca jirka, waxana qofku u nuglaaanayaa in haddii uu cudur kale ku dhaco uu si sahlan ugu dhiman karo.

Xilliyadii ugu danbeeyey Maxamed waxaa uu isku arkay xanuun, waxana uu yimi magaalada Muqdisho maaddaama aanay magaalada Kismaayo lahayn adeegyo caafimaad oo wanaagsan. Dhawr habeen ka hor ayaa warbixintiisu isoo gaadhay, waxana aan Maxamed ugu tegay dhul aanan weligay tegin intii aan Muqdisho joogay oo ah degmada Kaaraan. Laba beri oo isbitaal iyo baritaan caafimaad ah, waxaa la xaqiiyey in Maxamed uu qabo cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS oo marxalad hore ah. Markii natiijada la soo qaadayey, Maxamed waxaan u qaadnay guriga uu ku nool yahay, waxana markii aan natiijadiisa la helay  aan isku daynay inaan isaga oo aad u shakisanaa aan lagaga naxsan, waxana la sameeyey niyad-dhis iyo in hooyadiisa oo la nool loo faro in la xaqdhawro oo aan la faquuqin oo niyadda loo dhiso, isla-markaana inta dhaqtarku caddaynayo tallaabooyin la qaadayo aan waxba loo sheegin, maadaama dhaqtarku mar kale na ballamiyey, laakiin nasiib darro isla-markiiba waxaa bilaabmay in warkii uu ku dhex faafo gurigii iyo ehelkiisii.

Haddaba, Maxamed maanta waa dhibbane oo wuu xanuunsan yahay, lamana yaqaan sida noloshiisu sii ahaan doonto xilliyada soo socda ama uu ku danbayn doono. Inaggoo aqoonsan qaddarta iyo in cudurkan uu ahaa wax loo qoray Maxamed, haddana waxaan u baahanahay in aynu oggaano cidda masuul ka ah in uu ku dhaco dabinka cudurkan dilaaga ah. Ma kula tahay inay masuul ka yihiin kooxdii Raaskaanbooni ee markii ugu horraysay dhaawaacay? Mise masuuliyadda waxaa leh dhakhtarkii iyo shaqaaalihii xaruntii caafimaad ee lagu qalay ama lagu dabiibay?

Intaa waaa dheer, cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDSwaxa uu ku soo badanayaa dalka Soomaaliya, waxana hawl-wadeen ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya uu ii sheegay in sannadkii hore ee 2014 Isbitaalka Banaadir oo keliya laga diiwaangeliyey 43 kiis oo cudurkaasi ah marka la eego dadkii yimi ee laga baaray, laakiin xogtan ma aha mid rasmi ah ama laga helay il rasmi ah. Waxaan shaki ku jirin in cudurkan khatarta badan oo dhibaato badan ku haya dalalka deriska uu si weyn ugu faafayo dalka Soomaaliya oo aan lahayn adeegyo caafimaad iyo karti uu wax kaga qaban karo halistan oo soo siyaadaysa, ilsa-markaana ay yar tahay wacyiga dadka Soomaaliyeed ee xilligan. Dhalinyaradu waa kuwa ugu nugul inay cudurkan qaadaan, maxaa yeelay waxay ugu fursad badan yihiin sababaha loo qaado.

Aids waa masiibo qaran oo fidaysa, waxana loo baahan yahay in Dawladda Soomaaliya, Maamuladda Dalka iyo dhammaan cidda danaysa ay u hawlgalaan sidii loo xakamayn lahaa. Waxaa loo baahan yahay in dadka la baro cudurka iyo siyaabaha looga hortago iyo weliba in la sameeyo qorshayaal qaran oo xilliga dhow iyo fogba ah. Waxaan anigu ku talinayaa in loo abuuro guddi qaran oo qaabilsan cudurkan (Somalia Aids Commission) ma hubo in uu jro ee haddii aanu jirin waa in la abuuraa oo loo helaa miisaaniyad dhaqaale iyo dad karti leh oo agaasima shaqadiisa.

FG: Qoraalkan ujeedadiisu waxay tahay in dadka lala wadaago khatarta cudurkan oo wacyi la  helo, isla markaana sheekooyinkiisa ay dadku la socdaan si aan loo hilmaamin. Sidoo kale, qormadu ma aha mid siyaasadi ka danbayso ee waa baraarujin iyo soo bandhigid dhibaatada haleeshay wiilkan Soomaaliyeed ee walaalkeen ah ee dhibbane u ah wax laga hortegi karay. 

Cabdirashiid Muuse Siciid
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid Muse

Monday, May 11, 2015

Doorashooyin xor ah ma ka qabsoomi karaan Soomaaliya 2016?


Dalka Soomaaliya waxaa doorashooyin baarlamaan iyo madaxtinimo oo dimuquraadi ah loo ballansan yahay sannadka soo socda ee 2016. Inkastoo dad badan oo la socda siyaasadda Soomaaliya ay shaki weyn ka muujinayaan in doorashooyinkaasi u qabsoomaan habka hal qof iyo hal cod, ayaa Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu bilowgii asbuucan dib u xaqiijiyey in doorashooyinku ku  dhacayaan xilliga loo asteeyey oo aan kudarsi iman doonin. Warka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee leh doorasho waa dhacaysaa 2016 waa hadal sax ah oo wanaagsan, laakiin ujeedadiisu tahay baadil iyo been. Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan ku xujeynaa bal marka la gaaro August 2016 doorasho ka qabo gobolka Banaadir iska daa dalka ballaaran intiisa kale!
Qof walba oo Soomaaliyeed oo dan ka leh in dalkiisu hagaago oo dib u dhismo, waxa uu doonayaa in doorashooyin dimuquraadi ah oo toos ah ka dhacaan dalka marka uu dhamaado xilliga Madaxweynaha xafiiska jooga. Kolka la eego duruufta dalka ka jirta iyo waaqica uu dalku marayo, ma muuqato rajo ah in la qaban karo doorashooyin  xor ah oo qof walba codkiisa dhiibto, iyadoo hawlaha loo baahan yahay in dalka laga qabto ka hor waqtiga doorashada loo ballansan yahay ay u muuqdaan kuwo aanu dhawr sano xitaa ku qaban karin hoggaanka Madaxweyne Xasan.
Madaxweynuhu waxa uu doonayaa in uu yiraahdo anigu doorashaan diyaar u ahay, marka waqtigu uu dhowaadona uu guddiga hawlaha doorashada loo xilsaaray oo hal qolo soo xushay yiraahdo doorasho lama qaban karo ee waa in waqtiga la kordhiyaa. Dad badan ayaa su'aal ka keenaya dhexdhexaadnimada guddiyada qaran ee shaqadoodu ku ururaysao hawlaha aragtida hiigisga 2016 oo la tilmaamayo in lagu soo xulay asaas kooxeed iyo dano gaar ah. 

Ma jirtaa cid xil kordhin karta? Madaxweynayaal Maamul Goboleedyo oo gacan ku rimis ah oo kursiga ku tegay xoog iyo musuqmaasuq, oo aan haysan taageero dadweyne maadaama aan shacab dooran iyaga miyaa kordhin kara waqtiga?
Sida looga wareegayo doorashooyinka2016 waa in ay noqotaa wax qaranka oo dhan ay ka wada qaybqaataan oo laga wada tashado, gaar ahaan, hoggaamiyayaasha siyaasadda dalka, hoggaamiyayaasha dhaqanka, ururada siyaasadeed ee dalka ka hanaqaaday iyo bulshada rayidka ah. Saamileyda siyaasadda dalka laguma soo koobi karo Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo iyagu aan haysan sharciyad weyn oo ay dadka degaanada oo dhan ku meteli karaan. Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada waxaa ka sharciyad iyo aaminaad badan hoggaamiyayaasha dhaqanka waayo iyagu waxay haystaan aaminaad dadweyne iyo suldad sharci ah oo dhaqan, inkastoo iyaguna aanay ceeb la'ayn.
Talo midaysan oo qaran waa in laga yeeshaa amuuraha dalka ee aan process-ka ama hannaanka siyaasadda dalka lagu koobin koox hadba magaalo ku shirta oo danley ah, waxana loo baahan yahay daacadnimo iyo in loo wada hawlgalo danta guud ee ummadeed iyagoo laga gudbayo danaha kooxaha, qabiilka iyo gobolaysiga ku dhisan.

Guuleysta Soomaaliyeey!

Cabdirashiid Muuse Siciid
Qoraa, lafa-gure siyaasadeed iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax bannaan
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid Muse


Monday, April 20, 2015

Shiico-diid mise Shaxaad-doon


Mashaariicidii Wahaabiyada Sucuudiga oo dib loo daradrgelinayo waxana bilaabmay ololaha shaxaad-doonka, iyadoo   mashruuca ugu lacagta badan ee haatan loo baahan yahay in Sucuudiga wax lagaga qaato uu yahay ka hortagidda Shiicada iyo Shiicaynta.Ogow, dhibaatada Muslimiinta maanta adduunka meel walba ku haysata waa wax ka yimi Wahaabiyiinta Sucuudiga ee ma aha wax ka yimi Shiicada ama Iran. Waxa Boosaaso Kooxda Ictisaam ka waddo waa waqti lumis ee nimanku ha ka hadlaan arrimaha gudaha ee dalka iyo dhibaatada fikirka takfiiriga ah ee ay iyagu dalka keeneen. Ha ka hadlaan weerarada argagaxisada ee ka dhacaya Garoowe, Boosaaso iyo Muqdisho iyo weliba Gaarisa iyo meel walba oo adduunka ka mid ah ee ay geysanayaann dadkaa leh fikirka qalloocan.

Shiicadu khatar weyn kuma aha Soomaaliya ee fikirka Sucuudiga iyo kooxda Ictisaam ayaa khatarta ugu weyn ku haya dalka Soomaaliya, waana in shacab, dawlad iyo maamulba laga digtoonaadaa fikirka qalloocan ee Wahaabiyiinta Ictisaam oo horay u ahaa Al-itixaad oo dalkanna denbiyo badan ka galay, ilaa haatanna weli u hanqaltaagaya denbiyo hor leh iyo dhiig ay daadiyaan, iyadoo waxba aan dhaamin garabkooda dagaalama ee Al-shabaab oo ay horay u wada ahaayeen Al-itixaad. Alshabaab iyo Al-ictisaam waxba kuma kala duwana oo waa isku fikir ee waa is qaybiyeen oo qolaa waxaa loo xilsaaray dagaalka, qolada kalena fikirka iyo  in ay gacanta ku hayaan hantida, iskuulada iyo jaamacadaha oo ay markaa maalgeliyaan dadka dagaalamaya, maaddaama aanay duurka wada geli karin oo taasi burburinayso fikirkooda khatarta badan.

Ma garanayo dadka Soomaaliyeed goortay kala fahmi doonaan xaqiiqda iyo dhalanteedka oo ay ka xoroobi doonaan fikradaha qalloocan ee ay kooxaha mugdigu ku doonayaan inay ku afduubtaan mustaqbalka bidhaamaya ee dadka Soomaaliyeed. Urur-diimeed iyo fikirro qalloocan oo meelo kale laga soo dhoofiyey boos kuma laha mustaqbalka Soomaaliya ee yaanay is daalin kooxahaasi. Wixii aad samayseen waa diwaan idin sugaya mustaqbalka, dadka Soomaaliyeedna ma jirto cid afduubi karta, iyagaana u madax banaan mustaqbalkooda iyo aayahoodu siduu noqonayo. Dadka Soomaaliyeed waxay doonayaan inay noqdaan bulsho iyo mujtamac furfuran oo casri ah oo nidaamka xukunkooduna yahay Dimuquraadi ay shacabku iyagu wax go'aamiyaan ama xukunka iyaga loo celinayo. Waa dal xor ah oo Dimuquraadi ah, halkaas ayeyna ku jirtaa barwaaqada iyo ilbaxnimadu iyo in adduunka wax lala qaybsado. 

Kooxahan Islaamiyiinta kama turjumaan rabitaanka dadka Soomaaliyeed ee waxay ku astaysan yihiin, aqoon darro, dib-u-dhac, xanbaarsanaan ajande shisheeye, u habuun-qabid dhiig Soomaaliyeed, khibrad la’aan iyo karti darro, haba yaraatee mana laha qorshe iyo ajande qaran oo waddaniyad xanbaarsan. Dadka Soomaaliyeed waa marag, lagumana qaldi karo wax wahmi ama dhalanteed ah oo aan sal lahayn oo la doonayo in Soomaalida lagu jahawareeriyo oo meelo kalena ajandeyaal lacag wata lagaga soo qaato.


Soomaaliyeey Soomaalinimo ku waara!


Cabdirashiid Muuse Siciid
Qoraa, lafa-gure siyaasadeed iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax bannaan
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid Muse