Saddexdii sano ee ugu danbeeyey
waxay dadka Soomaaliyeed maqlayeen wadahadalo u dhexeeya Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya iyo Xukuumadda Somaliland oo soo maray marxalad bilow ah. Dadka
intiisa badan waxay is weydiinayaan xaggee wax ku dhammaanayaan iyo maxay
yihiin qorshayaasha labada dhinac ee wada hadlaya.Anigu kama war hayo qorshaha
Dawladda Federaalka Soomaaliya ee ay hoggaamiyaan kooxda khibradda yar ee Damul
Jadiid, laakiin waxaan ka war hayaa qorshaha maamulka gooni-goosadka ah ee
Somaliland oo xilliyadii ugu danbeeyey diyaariyey qorshe ballaaran oo
dhamaystiran oo ay doonayaan inay hordhigaan shirka Wadahadalada Turkiga.
Maamulka Hargeysa waxay doonayaan in
shirka uu ka soo baxo geeddi-socod ama process lagu gaari karo afti dadweyne oo
laga qaado dadka ku nool wixii la isku oran
jiray British Somaliland Protectorate ama Maxmiyaddii Ingiriiska ee
Dhulka Soomaaliyeed.Qorshahan waxay kaga dayanayaan heshiishkii Naivasha ee loo
aqoon jiray (Comprehensive Peace Agreement) oo ahaa heshiis dhamaystiran oo
nabadda oo keli ah aan ku koobnayn ee laakiin ahaa awood-qaybsi iyo in dhawr
sano ka dib afti laga qaado dadka ku nool Koonfur Sudan.
Markii Heshiiskaasi la saxiixayey,
wey iska caddayd in Koonfur Sudan go'i doonto, laakiin waxaa shaki laga qabay
John Grang oo isagu aaminsanaa Sudan mid ah oo ugu danbayntii isaga diyaarad la
dhacday, shaki badana laga muujiyey dhimashadiisa. Go'itaanka Koonfur Sudan
waxaa loo maray dagaal iyo process ka danbeeyey si loo unko Dawladdaa curdinka
ah.
Jabhaddii SNM waxay u xuub siibatay
Maamulka Somaliland oo doonaya inuu abuuro qaran madax bannaan laakiin ay
haysato caqabado dhawr ah si yoolkaasi loo gaaro.Maamulka Hargeysa waxuu
sameeyey afti beeneed ay ku sheegeen in 97% dadka ku nool waqooyi isku raaceen
iney ka go'aan Soomaaliya inteeda kale, laakiin arrintaasi ma aanay aqoonsan
Beesha Caalamka, waxaana loo arkayey wax aan xaqiiqda ka turjumayn maaddaama
xoog iyo caga juglayn lagu hayey bulshada Soomaaliyeed ee midimada jecel ee
waqooyi ku dhaqan iyo weliba tallaabada gooni-goosadka ah ee Somaliland oo hal
dhinac ah oo ay ka maqan tahay kaalintii Dawladii laga go'ayey.
Waaqac Beddelid
Somaliland waxay ka
faa'iideysanaysaa duruufta haysata Koonfurta Soomaaliya oo ay ka jiraan
Maamullo iyo Dawladda Dhexe oo taag daran, ayna hareeyeen xasillooni la'aan
siyaasadeed iyo musuqmaasuq baahsan. Hargeysa waxay u aragtaa in wadahadaladu
aanay daba dheeraan oo laga faa'iidaysto xilliga ay awood ahaan iyo
diblamaasiyad ahaan u taag daran yihiin qolada Koonfurta.
Isla Xilligan Somaliland waxay
waddaa qorshe iyo qaab Waaqac Beddelidd ah “Facts on the Ground” oo ah iney
beddelaan wax kasta oo iyaga ku noqon kara caqabad dhulka taalla, waxayna
qabsanayaan dhul aanay horey u joogin si doodu u noqoto anagaa wada metelna
wixii loo aqoon jiray Maxmiyaddii Ingiriiska ee dhulka Soomaaliyeed, waxaadna
maanta arkaysaa iney dagaal ka wadaan Saax dheer, hana filan waayin iney
berrito duullaan ku qaadaan Yoocada Garoowe, Buuhoodle, iyo guud ahaan Bariga
Sanaag.
Ujeedada ugu weyn ee ay ka leeyihiin
arrintan ay ku doonayaan iney ku qabsadaan dhulka dadka midnimada jecel waxa
weeye iney afduubaan codka dadka diidan go’itaanka. Xukuumadda Siilaanyo oo
waqtigeedii dhamaaday waxay dooneysaa in ay xilka korarsato oo ay abuurto
dagaallo u dhexeeya Somaliland iyo Khaatumo iyo weliba Somaliland iyo Puntland
maaddaama ay soo weerari doonaan dhul ay Puntland xukunto, waxana marka ay
dagaal abuuraan kooxda Siilaanyo ay qiil u helayaan xil kororsi, iyadoo
dastuurka Somaliland dhigayo sababaha xil kororsi ama (extension) loo samayn
karo waxaa ka mid ah colaad ama dagaal soo food saara Somaliland. Marka la
gaaro 26-ka Juun ee sannadkan waxaa ku eg waqtiga Xukuumadda Siilaanyo sidaa
awgeed waxay gobolkaasi gelinaysaa colaad si ay qiil ugu abuuraan qorsha waqti
kororsiga oo ay ku dhawaaqi doonaan Guddiga Doorashooyinka Somaliland. Sidoo
kale, waxay wadahadalada Turkiga u isticmaalayaan iney ku xoojiyaan oo qiil ugu
sameeyaan waqti kororsiga ay damac san yihiin.
Intaas waxaa dheer, Somaliland waxay
ka faa’iidaysanaysaa culayska dhinaca amniga ah ee haysta Puntland oo
xilliyadii ugu danbeeyey kordhayey, waxana kooxda argagaxisada ah ee ka
dagaalanta buuraha Galgala ay xoojinayaan weerarada ka dhanka ah Puntland
iyadoo Puntland ku mashquuli doonto
arrimaha ammaankeeda gudaha oo aanay waqti u heli doonin iney iska difaacdo
duullaanka iyo isballaarinta Somaliland taasina waxay faa’iido u tahay
Hargeysa. Isla xilligan Puntland waxaa caqabad ka haysataa maamulka laga
dhisayo Gobolada Dhexe oo rag ka mid ah dadka ku hawllan dhismaha maamulkaasi
ay doonayaan iney sameeyaan carqalado dhinaca amniga ah oo ka dhan ah Puntland
si loogu arko iney yihiin geesiyiin midayn kara Mudug iyo Galguduud ama dadka
gobolada dhexe, isla markaana ah cidda keli ah ee mudan in la doorto si ay u
yareeyaan awoodda Puntland, iyagoo marmarsiinyo ka dhiganaya Waqooyiga Mudug
waxa uu raacayaa Gobolada Dhexe, waxana inta badan ololahan waday Madaxweynaha
Gal-Mudug Mudane Cabdi Qaybdiid.
Ma saxbaa
isticmaalka ereyada Soomaaliya iyo Somaliland?
Inta badan saxaafadda Soomaaliyeed
iyo dad badan waxay xilliyadii ugu danbeeyey adeegsanayeen waxa loo yaqaan
Soomaaliya iyo Somaliland, waxana marka laga tago iney adeegsadaan reer
Somaliland iyo siyaasiyiintooda, sidoo kale adeegsiga qaabkan ah waxaasoo
shaacsaaray ama caanbixiyey Idaacado Caalami ah oo ku hadla Afka Soomaaliga oo
ay ka shaqaynayeen ama madax ka ahaayeen shakhsiyaad arrintan dano gaar ah ka
lahaa iyadoo markii danbe ay
saxafiyiinta Warbaahintaasi caalamiga ah sidaa u isticmaaleen maadaama uu
noqday wax lala qabsaday. Inta aan la adeegsan labada erey waxaa mudan in la is
weydiiyo maxay u taagan yihiin labadaasi erey ee Soomaaliya iyo Somaliland?
Soomaaliya waa dal ka mid ah beesha
caalamka oo u sharciyan u jira, ayna aqoonsan yihiin qaramada midoobey, waddamada
adduunka iyo ururada kale ee caalamiga ah. Marka laga tago damacooda iyo
sheegashadooda kalka dhinac ah, ma jirto cid adduunka ka mid ah oo Somaliland u
aqoonsan dal jira haddii ay ahaan lahayd Soomaaliya iyo beesha caalamka, waxana
loo arkaa gobol ka mid ah Soomaaliya. Marka ay halkaa joogto, sharciga
caalamiga ah waxa uu Somaliland ka dhigayaa qayb ka mid ah Soomaaliya, iyadoo
adduunku ay waajib ku tahay ixtiraamka Gobonimada/Qaranimada iyo Xurmadda
Dhuleed ee Soomaaliya (Sovereignty and Territorial Integrity).
Wadahadalada Turkigu waxay u
dhexeeyaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda Somaliland oo
adduunku u aqoonsan yahay gobol ama qayb ka mid ah Somaliya, laakiin ku
andacooneysa iney gooni u baxday. Xukuumad ama “Government” waxaa la yiraahdaa
laanta fulinta ee dal ama gobol uu leeyahay oo u igman socodsiinta hawlaha
dalkaasi ama gobolkaasi, markaa Xukuumad iyo waddan waxaa u dhexeeya farqi
wayn. Marka la yiraahdo Somaaliya waxay noqoneysaa dhul, cir, bad, Dawlad iyo
waxa ku jira oo dhan iyo xuduudahooda, markaa miyaaney sharciyan Somaliland ku
jirin Soomaaliya iyo khariidadeeda? Xukuumad oo dadka qaar u isticmaalaan
Dawlad waxay la hadli kartaa dhinac ama qola kasta oo dibadda iyo gudaha ah oo
arrin ama qaddiyadi kala dhexeyso. Tusaale ahaan Xukuumadda Soomaaliya waxay
28-kii August ee sannadkii 2013-kii magaalada Addis Ababa heshiis kula
saxiixatay Maamulka ku-meelgaarka ah ee Jubland markaa malla oran karaa
Wadahadaladii Soomaaliya iyo Jubaland waayo Jubaland dee Soomaaliya ayey ka mid
tahay xitaa haddii ay sida Somaliland gooni-goosad u sheegato. Sidoo kale
Xukuumaddu waxay 14-kii October ee
saannadkii hore ee 2014 magaalada Garoowe heshiis kula saxiixatay Xukuumadda
Dawlad Goboleedka Puntland, markaa malla oran karaa wadahadaladii Soomaaliya
iyo Puntland? waayo Puntland waxay ka mid tahay Soomaaliya. Ka waran haddii
gobolka California oo Maraykanka ka mid ah uu sheegto in uu ka go’ay Maraykanka
intiisa kale, oo haddana ay tahay iney wadahadal arrintaa ka galaan, markaa
malla oran karaa Wadahadaladu waxay u dhexeeyaan Maraykanka iyo California mise waxay tahay
wadahadaladu waxay u dhexeeyaan Xukuumadda ama Dawladda Maraykanka iyo
Xukuumadda Gobolka ama Dawlad Goboleedka California?
Dadka qaar waxay siyaasadaynayaan
isticmaalka ereyadan, dadka inta kalena waxay u isticmaalayaan maxaa yeelay
dhegahooda ayaa lagu shubay, markaa annaguna waa inaan ka shubnaa dadka
dhegahooda. Xukuumad iyo dal waxa ay kala yihiin in bulshada lala wadaago waxaan
u arkaa iney muhiim u tahay arrintan laga hadlayo. Soomaaliya adduunka iyo
sharciga caalamiga ah kama baxsana, sidoo kale, damiirkaa iyo macnaha guud waxa
ay inna siinayaan in isticmaalka Soomaaliya iyo Somaliland uu yahay wax khalad
ah oo gaf ku ah qaranimada iyo sharciga Caalamiga ah, mana habboona in
waraaqaha heshiiska lagu qoro, isla markaana ay warbaahinta iyo dadweynahu
adeegsadaan, waxba kama qabo haddii cid dano gaar ah ka leh ay adeegsanayso.
Maxaa laga
filan karaa wadahadalada?
Labada mowqif ee labada dhinac ee
wada hadlaya waxay kala yihiin midnimo iyo googni-goosad, laakiin waxa muhiimka
ah waxa weeye sida labadaasi la isu waafajinayo oo ay uga soo bixi lahayd wax
labada dhinac ay ku wada qanacsan yihiin, waana sababta loo wada hadlayo,
iyadoo ay jirto duruuf labada qoloba ku khasbaysa wadahadalada. Wadahadaladan
oo ka soo bilaabmay shirkii qaybaha Soomaaliya ee London lagu qabtay horraantii
sannadkii 2012-kii oo ku baaqayey in la furo wadahadalo u dhexeeya labada gees,
waxay hadda u muuqata in laga gudbayo waxyaalaha asaaska ah oo la guda galayo
arrimaha masiiriga ah oo markii hore la oran jiray waa waxa ugu danbeeya ee
laga wada hadli doono.
Shirkan waxa uu u muuqdaa in uu
xoogaa ka yara duwan yahay kuwii hore oo inta badan looga hadli jiray arrimaha
caadiga ah ee dhinaca iskaashiga iyo dhisidda kalsooni, waxana loo arkaa
tallaabada kowaad ee loo qaaday in laga wadahadlo arrimaha masiiriga ah, iyadoo
dhowaan Djibouti lagu gaaray heshiis dhigayey in arrimhaasi la guda galo ee aan
lagu meeraysan waxyaalo aan sidaa u weynayn oo fudud. Qorshahan waxa uu u
muuqdaa in lagu qancinayo shacabka Somaliland maadaama dadka reer Somaliland ay
aad ugu dhega taagayaan wadahadalada si ka duwan kuwa dadka koonfurta isla
markaana aanay ku qanacsanayn in wadahadaladu iska sii jiitamaan, xilli
Siilaanyo waqtigu ka dhamanayo oo ay tahay in uu kalsooni ka helo gudaha
Somaliland.
Dhinaca Madaxweyne Xasan Sheekh iyo
Xukuumadda Soomaaliya, waxaa haysta culays siyaasadeed oo kaga imanaya qaybaha
siyaasadda ee Soomaaliya haddii ay ahaan lahayd gobollada, Maamul Goboleedyada
iyo baarlamanka oo kutlado mucaarada ah ay ka abuurmeen iyo weliba axsaab
siyaasadeed oo liddi ku ah Madaxweynaha iyo xertiisa talada haysta oo
xilliyadii ugu danbeeyey isa soo tarayey, waxana taasi iftiiminaysaa in aanay
ku dhiirran karin qodobo dood iyo xiisad siyaasadeed abuuri kara oo dabcan
keenina kara in mooshin iyo buuq ku furmo, inkastoo baarlamanku haatan fasax
yahay markaa waxay ku dadaalayaan in aanay abuurin wax khatar gelinaya xilkooda,
maaddaama waddanku dhowaan ka soo baxay khilaaf siyaasadeed oo daba dheeraaday
oo weli raadkiisu taagan yahay.
Marka la isu eego xaaladaha
siyaasadeed ee ka jira Muqdisho iyo Hargeysa waxay u badanaysaa in la gaaro
heshiis u xaglinaya dhinaca Somaliland oo aan xilliga dhow waxba u dhimayn
dhinaca Dawladda Federaalka Soomaaliya ama aan ugu yaraan deganaansho la’aan
siyaasadeed ka dhex abuurayn laamaha Dawladda Soomaaliya. Qorshaha Somaliland
iyo ajandahooda shirka wuu cad yahay, waxayna rabaan iney abuuraan
geeddi-socodkii ama process-kii lagu gaari lahaa afti dadweyne iyo
madax-bannaani waxayna rabaan in ay xilligan maalgashadaan arrintaasi. U Malayn
mayo in shirkan uu la mid noqonayo kuwii hore, waxana ka soo baxaya asaaska
meesha ay biyuhu ku shubmi doonaan oo ah kala-tag ama israac, iyadoo xisaabtana
lagu darsanayo xaaladaha siyaasadeed ee wadahadalada ku xeeran ama ka dhalan
kara oo ay tahay in tixgelin la siiyo.
Haddii ay Somaliland wadahadalada
Turkiga u aragto kuwa sii jiitamaya oo aan abuurayn jidkii lagu gaari lahaa
Ictiraafka ay ka raadinayaan Dawladda
Soomaaliya iyo adduunka kale, waxay ka bixi doonaan wadahadalada iyagoo dalbanaya dhexdhexaadiyayaal ncaalami
ah iyo in wadahadalada laga wareejiyo
Turkiga. Marka laga hadlayo arrimaha Masiiriga oo dhinaca Somaliland aad u
danaynayo, aniga waxay ila tahay in Xukuumadda Soomaaliya iyo hoggaanka
Madaxweyne Xasan Sheekh aanay sharciyad iyo idan u haysan in ay arrimahaasi ka
hadli karaan, maxaa yeelay Madaxweynaha ma aanay dooran shacabka Soomaaliyeed
ee waxaa doortay baarlaman la og yahay sida uu ku yimi ama uu u shaqeeyo, oo
hufnaanta soo xulitaankooda shaki la geliyey, isla markaana doorashada
Madaxweynaha lagu eedeeyey iney ahayd mid musuqmaasuq hareeyey oo xitaa dibadda
laga maalgeliyey.
Cabdirashiid Muuse Siciid
Qoraa, lafa-gure siyaasadeed iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax
bannaan
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid Muse