Iyadoo Turkigu furayo
Isbitaallo, Waddooyin laami ah, iyo Ayraboor, dhisayona mid ka mid ah
safaaradihiisa ugu weyn Africa, haddana balanqaaday mashaariic hor leh oo ay ka
mid tahay dhismaha toban kun oo guri, ayaa walaalaheenna Carabtuna qaybinayaan
timir dhacday markaas ayey jaraa'idkooda ku soo qorayaan timir ayaan ka
qaybinay Soomaaliya si ay innoo bahdilaan oo muuqaalkeenna u xumeeyaan, isla
markaana ummaddeena loogu arko dad gaajonaya oo la quudinayo. Haddii ay wax
inala qabanayaan oo nimanku wanaageenna jecel yihiin ha ka qaybqaateen
horumarka dalka sababtoo ah haddii aan horumar la samayn oo kabayaasha
dhaqaalaha wax laga qaban dhibaatadu waa halkeedii oo mar kasta waa la
gaajaysan yahay oo timir ayaa loo baahan yahay. Ha dhiman oo timir iyo cunto ayaan
ku siin, gaajona ha ka bixin oo ma dooneyno horumarkaaga ayaa ficilkoodu yahay,
imaxaa yeelay mashaariicda horumarineed iyo taageerada siyaasadeed iyo midda
dhaqaale waa waxa gaajada iyo dhibaatooyinka looga baxo.
Timirtooda iyo
magac-xumayntooda waxaa inoo dheer dhibaatadooda! Waxay dalkeenna keeneen
fikradaha iyo aydalojiyadaha dhibaatada maanta innaku ku haya oo ah waxa
nabadda iyo horumarka inaka hortaagan.Waxay maalgeliyeen kooxaha sharka iyo
argagaxisada, iyagoo aan waxba inaku caawin mudadii burburka iyo xilligan aynu
dooneyno inaan ka baxno godka aynu rubuc qarniga sanoku jirnay. Yaaneyba na
taageerine magac-xumayntooda ha naga daayeen iyo dhibaatadooda, hana daweeyeen
ama xal ha u keeneen fikradaha leexsan ee ay hadyadda inooga dhigeen ee dalalkooda
laga keenay, kuwaaso qiimo dad iyo maalbe leh aynu ku weynay, khatarna geliyey
jiritaankeenna iyo dawladnimadeenna.
Soomaaliya aan horey qaadno
Soomaaliyeey
Iyagoo wararka xun ee
ammaandarrada iyo liidashada Soomaalida buunbuuniya, ayaa wargeyska Al-sharqi
ayaa sidan daabacay:
Qaddar Khayriya oo shixnad
Timir ah ka Qaybisay Soomaaliya
قطر الخيرية توزع شحنة من التمور في الصومال
No comments:
Post a Comment