Intii lagu guda jiray Shir-madaxeedkii Wadamada Afrika iyo Maraykanka ee horraantii bishii hore ee August ka qabsoomay magaalada Washington ee dalka Maraykanka, Wasaaradd Betroolka iyo Macdanta ee DFS waxay ku luglahayd wadahadalo ay la yeelanaysay Madax sare oo ka socotay Maraykanka iyo wakiilo kale oo metelayey shirkadihii waaweynaa ee qandaraasyada Shidaal baarista ka haystay Soomaaliya ka hor inta aanay dhicin Dowladdii Maxamed Siyaad. Wadahadaladaasi waxay ahaayeen kuwo natiijo fiican leh oo asaas u noqon kara inay qaabeeyaan mustaqbalka shidaalka Soomaaliya, iyagoo saamayn ku yeelan kara siyaasadda Maraykanka iyo tan gudaha ee Soomalaiya.
Dawladda Maraykanku
waxay dooneysaa inay shiinaha ka hor istaagto soo-gelitaanka wadanka
khayraadka dabiiciga ah hodonka ku ah ee Soomalaiya , isla-markaasina ku yaalla
barta istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika oo noqon doona albaabka laga galo
qaarada Afrika iyo buundada ama biriijka isku-xira Wadamada Asia iyo dalalka
Saxaraha ka hooseeya ee Afrika. Dhulkaasi ay Soomaaliya ku taallo oo ay maraan
marino badeed, waxaa isha ku haya Maraykanka iyo Shiinaha.
Washington waxay mar hore
meesha ka saaratay siyaasaddii labada gees (Dual Track) oo ay kula macaamili
jirtay DFS iyo Maamulada Gobolada, waxana ay aqoonsatay Dawladda sharciga ah ee
Muqdisho oo wakiil ka ah dalka oo dhan. Tallaabadani kuma faraxsanayn Maamulada
Goboladu, waxana ay u arkayeen in ay wiiqmayso awoodda ay horey u
haysteen iyo sida ay ula macaamili jireen dawladda ugu weyn adduunka iyo weliba
raadka ay tallaabadani ku keeni karto in dalalka kalena ay tubtan qaadaan.
DFS waxay awoodeeda ku
baahinaysa gobolada dalka, waxana la dhisayaa Maamul Goboleedyo ka hanaqaadi
doona Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya iyadoo xitaa maamulo ka soo bixi
karaan dhul ay markii hore sheegan jireen Maamulo isu arka inay ka horreeyeen
nidaamka Federaalka ama ay dalka ka go'een. Waxaa suuragal ah in arrintan ay
dalka khilaaf dhaxalsiiso ama xitaa dagaal uu ka dhici karo dhulka ay ka soo
baxayaan Maamuladaasi, laakiin ugu danbaynta khilaafkaasi laguma jiri doono
waqti dheer ee waxay arrintu isugu biya-shubanaysaa in la wada ogolaado
awoodaha uu bixinayo Dastuurka Federaalka. Ma jiri doonto Dawlad Dhexe iyo
Maamul Goboleed isku awood ah iyo Maamul Goboleed mid kale ka awood badan,
waxana dhammaan lagu wada dhaqmaya heshiish bulsho ee dastuuri ah oo dadka si
siman wax ugu qaybinaya.
Arrinta Maaraynta Khayraadka
dabiiciga ah ee Soomaaliya ma jirto
keligeed cid go'aamin karta
ha ahaato Maamulada Gobolada oo galay heshiishyada sharci-darroda ah ama
Dawladda Dhexe oo aan samayn Shuruucdii hagi lahayd oo ay tahay inay gacan ku
yeeshaan Maamulada Goboleedyada sida uu farayo Dastuurka Federaaliga ah
ee Soomaaliya. DFS waxay leedahay awoodda weyn marka ay timaado arriman iyo
kuwo kale, maadaama adduunku iyada la macaamilayo ama loo aqoonsan yahay
Dawladda Metesha Soomaaliya oo dhan, mana jirto wax adduunku u yaqaan laba
Soomaaliya ama Saddex Soomaaliya.
Awoodda Dawladda Dhexe waxaa
laga akhrisan doonaa sida ay uga jawaabaan shirkadaha Maamul Goboleedyada
heshiishka kula galay dhulka xilli hore ay dawladda Maxamed Siyaad
ruqsada ugu siisay inay shidaal ka baaraan, maadaama ay dalka kaga baxeen
khatar amni oo soo waajahday ee aanay jirin sabab kale (Force Majeure). Arinta
tijaabada kowaad ah waa shirkadda laga leeyahay Norway DNO oo hubeyneysa
cutubyo ka tirsan ciidanka Somaliland si ay u ilaaliyaan hawlaha shidaalka
lagaga baarayo dhulka gobolka Sool oo uu ku taagan yahay khilaaf loo arko in
arrintani ay dab ku sii shidi karto. Arrintan waxay saamaynaysaa dhammaan
shirkadaha yar yar ee heshiishyada ka haysta Maamulada Puntland iyo Somaliland
oo u shaqeeya qaab madax bannaan, laakiin hadda ay iyo wixii ka danbeeya ay soo
waajihi doonto caqabado wiiqaya awoodooda iyo habka ay u shaqeeyaan.
Ugu danbayntii, waxaan
rajaynayaa in arrintani ku dhamaato si waafaqsan dastuurka dalka iyo
dawladnimada Soomaaliya, isla-markaasina cid walba qaadato awoodda ay leedahay
si loo yareeyo siku-dhac ku yimaada DFS iyo Maamulada Gobolada. Marka la eego
DFS iyo Maamul Goboleeydyada, Labada qoloba waxay leeyihiin laba awoodeed oo is
weydaarsan; tan kowaad, Dawladdu waxay leedahay sharciyad ay dalka ku metelayso
Magaca Dawladda Soomaaliya, Maamulada Goboladuna waxay leeyihiin awood ah inay
dhulka shidaalka ee laga hadlayo ay iyagu maamluanaan. Waxaa loo baahan yahay
in labadaa arrimood inta la is waafajiyo laga soo saaro wax dan u ah dadka
Soomaaliyeed oo dhan ee aan waqti iyo khilaaf aan macno lahayn lagu dhammayn
wax aan dadka Soomaaliyeed waxba dhaxalsiin doonin.
Halkaan ka akhri
war-saxaafadeedkii Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta DFS ay ka soo saarat
shirarkii Washinton
http://kismaayonews.com/2014/09/04/the-ministry-of-petroleum-and-mineral-resouces-had-two-days-intensive-meetings-with-us-state-department-and-the-major-international-oil-companies-in-washington/
Cabdirashiid Muuse Siciid
Qoraa, lafa-gure siyaasadeed
iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax bannaan
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter:@AbdirashidMuse