Wednesday, November 24, 2021

Farriin ku socota Isimada iyo Waxgaradka Puntland oo ku aaddan Dagaalka iyo Damaca Siciid Deni

 

Maaddaama Puntland aanay lahayn hay'ado dawladeed oo awood iyo karti leh oo si ka madaxbannan laanta fulinta u shaqeeya, isimada iyo hoggaamiyayaasha dhaqanka ayaa ah marjaca ugu awoodda badan ee xal gaari kara marka ay soo baxaan arrimo wiiqi kara ama meesha ka saari kara nabadda iyo nidaamka maamul ee Puntland ee muddo lagu soo caana maalayey. 

Isimada iyo guurtida waaweyn ee reer Puntland waxay daawadayaal ka ahaayeen Deni oo barqa cad weeraray baarlamankii Puntland ee isaga doortay, iyo weliba isagoo ku dhiirraday in iyadoo dhiiggii qoyan yahay oo tacsidii taal uu xoog ku tuuro guddoomiyihii baarlamanka isla markaana si musuqmaasuq ah uu ku keeno gudddoomiye baarlaman oo gacan-ku-rimis ah.

Sidoo kale, isimadu waxay daawadayaal iyo marag ka ahaayeen Deni oo si sharci darro ah baarlamanka uga eryey 8 xildhibaan oo ay dadku horay u soo xusheen ama soo wakiisheen. Arrintan waxay xadgudub ku ahayd  dastuurka Puntland iyo sida ay u shaqayso dawladnimada casriga ah.

Waxaa kale oo la daawanayey Deni oo ku tagrifalaya awoodda dawladeed ee ammaanada ah ee Puntland, isagoo u adeegsaday dano gaar ah oo siyaasadeed, dhaqaale iyo kooxeed iyo weliba u-shaqaynta dawlado shisheeye oo caqabad ku ah danaha, dawladnimada iyo nabadda Soomaaliya. Waa laga wada dheregsan yahay in Deni uu muddo caqabad ku ahaa dawladnimada Soomaaliya iyo hirgelinta doorashooyinka qaranka, isagoo dagaal-wakiileed  ka riday Muqdisho.

Deni oo hadda ah murashax ay dabada ka riixayaan dhinacyo shisheeye, waxa uu qorshaynayaa inuu si aan horay loo arag u boobo kuraasta baarlamanka ee doorashadoodu ka dhacayso Garoowe iyo Boosaaso. Deni wuxuu horay ugu tagrifalay oo u boobay kuraastii aqalka sare, laakiin hadda waxa uu u soo marya dhigtay kuraastii beelaha ee aqalka hoose.

Si uu u meelmariyo damacaasi foosha xun, wuxuu ciidan ku daabulayaa magaalada Boosaaso oo nabad ah si uu halkaas qas iyo dagaal uga rido isla markaana ugu danbayn uu si sandulle ah u soo xusho xubno uu ku tilmaamay xildhibaanno la doortay. Tallaabada kowaad ee uu ugu gogol-xaarayo qorshahaas waa in uu meesha ka saaro hoggaanka iyo taliska ciidanka PSF, oo ah awoodda keliya ee ka jirta Puntland ee aan hoos tegin nidaamka Ilma Deni. Sidoo kale, wuxuu rabaa inuu dhaqaale ka sameeyo PSF oo ilma Deni ku wareejiyo, sidii uu horay uga sameeyey hay'adda ciidanka PMPF oo isu beddeshay ganacsi qoys (family enterprise).

Haddaba, inta goori goor tahay haddii aan Siciid Cabdullaahi Deni la qaban gacanta uu ku sito qoriga dabka ah ee uu doonayo in uu ku gubo Boosaaso, runtii waxaa halkaa ka dhaca waxay noqonayaan wax aan la mahadin doonin oo laga qoomameeyo. Dhammaan waxa ka dhasha ficilada qar-iska-xoornimada ah ee Deni waxaa masuuliyadeeda qaadaya Siciid Deni iyo hoggaamiyayaasha bulshada ama isimada dhaqanka oo leh awood ay ku joojin karaan qorshayaashiisa gurracan.

Ugu danbayntii, waxaan caddaynayaa in dadka reer Boosaaso aanay gacmaha ka laaban doonin magaaladooda oo lagu dagaalamayo, dadkoodii oo la barakicinayo iyo hantidoodii oo la burburinayo. Waxay qaadanayaan hoggaanka qorshe walba oo la iskaga caabbinayo maleeshiyaadka Deni, laguna hor istaagayo damaca waalan ee lagu doonayo in lagu boobo kuraastooda baarlamanka. 

Deni wuxuu gaaray meeshii lagu joojin lahaa!


Abdirashid Muse