Saturday, January 30, 2016

Heshiiska Doorashada 2016 iyo Doodda Puntland


Heshiiska ay dhowaan gaareen madaxda Soomaaliyeed, ee lagu iclaamiyey shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Muqdisho ku qabsoomay; waxaa soo dhoweeyey madaxda Dawladda Federaalka, Beesha Caalamka, shacabka Soomaaliyeed iyo Maamul Goboleedyada dalka, marka laga reebo Maamulka Puntland.

Sababta uu u diiday Maamulka Puntland waxay ku salaysan tahay damac beeleed iyo sedbursi. Dadka qaar haddii ay la tahay inay sax tahay doodda Puntland waa inay ogaadaan in Puntland ay iyada laftigeeda oo sheegata inay ka horraysay Dawladda Federaalka, ay weli ku dhaqanto habka qabiilka ama 'traditional-ka' ah. Sidoo kale, Cabdiweli Gaas iyo kooxdiisu waa kuwii ka hor yimi in Puntland u gudubto hannaanka xisbiyada badan.

Waxaa xusid mudan, degmooyinka iyo gobolada dalka waxaa loo sameeyey arrimo maamul, ee looma samayn arrimo awood-qaybsi iyo metelaad siyaasadeed. In degmooyinka iyo gobolada dalka lagu saleeyo awood-qaybsi iyo metelaad siyaasadeed waa dulmi iyo gaf aan la aqbali karin. Ma jirto cid ku heshiin karta degmooyinka iyo gobolada dalka maadaama la wada deggan yahay, tusaale ahaan, haddii beel ay degmo leedahay oo degmadaasina xukunto toban tuulo oo beelo kale degan yihiin, taa macanheedu maaha in beesha degmada leh ay kuraasta wada qaadanayso, sida ay qabaan kuwa damac beeleedka qaba. Ilaa laga laga gaaro doorashooyin xor ah, lana asteeyo degaanada doorashooyinka iyo metelaadaha, ma jirto caqliyad ah in xilligan degmooyin loogu salayn karo doorashada soo aaddan.

Waxaa ayaandarro ah in madaxda Puntland ay jahawareerinayaan bulshadooda, iyagoo ka been sheegaya wixii lagu wada heshiiyey laga soo bilaabo Kismaayo ilaa shirkii ugu danbeeyey ee Muqdisho. Shacabka reer Puntland waa in aanay qaadan hadalada aan daacadda iyo dhabta ahayn ee Maamulka Cabdiweli Gaas, oo ku fashilmay arrimihii gudaha ee Puntland iyo tii qaranka. Puntland oo awal horseed ka ahayd arrimaha qaranka, maanta waa la hoggaamiyaa ama cidlaa looga tagaa ama waa la go'doomiyaa!

Shacabka Puntland waa inay ogaadaan in guuldarrada ay badeen kuwa ay xilka u dhiibteen, ee aanay badin madax kale oo Soomaaliyeed ama Beesha Caalamka. Cidda la rabo in la canbaareeyeyo ama lagu muddaharaado waa Cabdiweli Gaas iyo kooxdiisa.

Ugu danbayntii, talada lagu gaaray Muqdisho waa mid Soomaaliyeed oo ay maragna ka yihiin Beesha Caalamka iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan. Waxaa la gudboon reer Puntland waa inay qaataan go'aankaasi qaran, oo aan meel looga laabto jirin, isla markaana uu oggolaaday Cabdiweli Gaas. Taa waxaa weheliya, in shacabka iyo baarlamanka Puntland ay iska hor leexiyaan cidda khiyaamaysa ee guuldarradana badday.

Cabdirashiid Muuse Siciid
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid Muse