Heshiiska
ay dhowaan gaareen madaxda Soomaaliyeed, ee lagu iclaamiyey shirkii Madasha
Wada-tashiga Qaran ee Muqdisho ku qabsoomay; waxaa soo dhoweeyey madaxda
Dawladda Federaalka, Beesha Caalamka, shacabka Soomaaliyeed iyo Maamul
Goboleedyada dalka, marka laga reebo Maamulka Puntland.
Sababta
uu u diiday Maamulka Puntland waxay ku salaysan tahay damac beeleed iyo
sedbursi. Dadka qaar haddii ay la tahay inay sax tahay doodda Puntland waa inay
ogaadaan in Puntland ay iyada laftigeeda oo sheegata inay ka horraysay Dawladda
Federaalka, ay weli ku dhaqanto habka qabiilka ama 'traditional-ka' ah. Sidoo
kale, Cabdiweli Gaas iyo kooxdiisu waa kuwii ka hor yimi in Puntland u gudubto
hannaanka xisbiyada badan.
Waxaa
xusid mudan, degmooyinka iyo gobolada dalka waxaa loo sameeyey arrimo maamul,
ee looma samayn arrimo awood-qaybsi iyo metelaad siyaasadeed. In degmooyinka
iyo gobolada dalka lagu saleeyo awood-qaybsi iyo metelaad siyaasadeed waa dulmi
iyo gaf aan la aqbali karin. Ma jirto cid ku heshiin karta degmooyinka iyo
gobolada dalka maadaama la wada deggan yahay, tusaale ahaan, haddii beel ay
degmo leedahay oo degmadaasina xukunto toban tuulo oo beelo kale degan yihiin,
taa macanheedu maaha in beesha degmada leh ay kuraasta wada qaadanayso, sida ay
qabaan kuwa damac beeleedka qaba. Ilaa laga laga gaaro doorashooyin xor ah,
lana asteeyo degaanada doorashooyinka iyo metelaadaha, ma jirto caqliyad ah in
xilligan degmooyin loogu salayn karo doorashada soo aaddan.
Waxaa
ayaandarro ah in madaxda Puntland ay jahawareerinayaan bulshadooda, iyagoo ka
been sheegaya wixii lagu wada heshiiyey laga soo bilaabo Kismaayo ilaa shirkii
ugu danbeeyey ee Muqdisho. Shacabka reer Puntland waa in aanay qaadan hadalada
aan daacadda iyo dhabta ahayn ee Maamulka Cabdiweli Gaas, oo ku fashilmay
arrimihii gudaha ee Puntland iyo tii qaranka. Puntland oo awal horseed ka ahayd
arrimaha qaranka, maanta waa la hoggaamiyaa ama cidlaa looga tagaa ama waa la
go'doomiyaa!
Shacabka
Puntland waa inay ogaadaan in guuldarrada ay badeen kuwa ay xilka u dhiibteen,
ee aanay badin madax kale oo Soomaaliyeed ama Beesha Caalamka. Cidda la rabo in
la canbaareeyeyo ama lagu muddaharaado waa Cabdiweli Gaas iyo kooxdiisa.
Ugu
danbayntii, talada lagu gaaray Muqdisho waa mid Soomaaliyeed oo ay maragna ka
yihiin Beesha Caalamka iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan. Waxaa la gudboon reer
Puntland waa inay qaataan go'aankaasi qaran, oo aan meel looga laabto jirin,
isla markaana uu oggolaaday Cabdiweli Gaas. Taa waxaa weheliya, in shacabka iyo
baarlamanka Puntland ay iska hor leexiyaan cidda khiyaamaysa ee guuldarradana
badday.
Cabdirashiid Muuse
Siciid
Email:
abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid
Muse