Danjire
Nicholas Kay: "Haddii ay yaraato ama la dhimo taageerada la siiyo
Soomaaliya, taasi waxay keenaysaa qulqul qaxooti ah" Sidaasi waxaa shalay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka jeediyey Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Taakulaynta Soomalaiya Danjire Kay. Waa hadal ay dadka qaar run u qaadan karaan, laakiin aan xaqiiqda ka tarjumayn, oo uu ka danbeeyo damac weyn oo lagu doonayo in magaca Soomaaliya loo isticmaalo qalab lacag lagu helo ama mashruucan lagu sii dheeraysto.
Hadalkaasi waa mid uu shaqadiisa
ku ilaashanayo, oo uu beesha caalamka ku xuuxinayo in haddii taageerada
xafiiskiisa ay yaraato, ay Soomaaliya ka sii darayso, oo dalkana barakac iyo
qaxooti dalalka Galbeedka ku yaaca ay ka bilaabanayso. Hadalkan, waxa uu ku soo
beegmayaa xilli wadamada Yurub ay la tacaalayaan qulqulka qaxootiga reer
Suuriya.
Yaan Soomaaliyeey la idin gaadin
oo magaciina loo isticmaalin aalad lagu lacagaysto.Taageerada ay bixiyaan
xafiiskan UNSOM iyo kan kale ee UNSOA (United Nations Support Office for
AMISOM) oo hadda loo beddelay UNSOS (United Nations Support Office for
Somalia), waxaa ka waxqabad wanaagsan kuwa ay bixiyaan dalalka taageeradoodu
tooska tahay.
Dhowaan, wafdi uu hogaaminayey
Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa booqday dhadhaaab, waxana tani ay qayb
ka ahayd hawlaha dib- u-soo-celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya,
waxana intii ay socotay booqashadaasi iyo wadahadladii saddex geesoodka ahaa ee
u dhexeeyey Kenya, Somalia iyo UNHCR, ay AMISOM soo saartay bayaan ay ku
leeyihiin waa in dhaqaale badan ay beesha caalamku na siiso si aan dib-u-dejin
ugu samaynno qaxootiga Somaaliyeed. AMISOM, marka ay sidaa leedahay waa mar ay
dayacday waajibaadkeedii la dagaalanka argagaxisada iyo nabad ilaalinta
Soomaaliya, isla markaana ay ka soo baxday dhulkii horey loo xoreeyey. Ogoow,
shaqadan waa mid ay leedahay Dawladda Soomaaliyeed, laakiin qoladan ay dooneyso
inay kula daarato!
Intaa waxaa dheer, xaggee ku
danbeeyey barnaamijkii Heshiishka Cusub ama New Deal ee lagu yaboohay balaayiinta
dollar? Haddii ay ballantu ahayd in lacagaha si toos ah loo siiyo dhinacyada
dadka Soomaaliyeed, oo iyagu mudnaanta leh, xaggee lacagahaasi mareen?
PSG-yadii ama hadafyadii Nabad-dhisidda iyo Dawlad-dhisidda maxaa laga qabtay?
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid Muse