Laga soo bilaabo markii uu burburay
nidaamkii militariga ahaa ee uu hoggaaminayey Maj. General Maxamed Siyaad Barre
horraantii sannadkii 1991-dii, Soomaaliya ma lahayn nidaam maaliyadeed oo lagu
kalsoon yahay oo shaqaynaya inkastoo Dawlad Goboleedyada iyo Xukuumadda Dhexe
ay xilliyo kala duwan qaadeen tallaabooyin dib loogu hirgelinayey hay’ado
maaliyadeed oo aan si habsami ah oo la aamini karo u shaqaynayn laakiin u
hawlgelayey iney ka ka jawaabaan baahiyo gaar ah oo loo qabay. Qaran-jabka ku
dhacay Soomaaliya ma saamayn oo keliya dhinaca hay’adaha siyaasadda oo keli ah
ee waxaa burburay dhammaan qaab-dhismeedyadii dawladnimo iyo kuwii danta guud.
Marka la eego dalalka siyaasad ahaan u burburay, waxaa tusaale xilli dhow ah
loo soo qaadan karaa Libya oo uu meesha ka baxday nidaamkii siyaasadeed ee
dalka isku haye, hase ahaatee, iyadoo siyaasadda lagu kala tegay oo la kala
qoqoban yahay, waxaa sii shaqaynaya hay’adaha maaliyadda iyadoo xilliyadii
danbe la arki karay Bangiga Dhexe oo ka shaqaynaya magaalooyin ay kala haystaan
kooxo aragtida siyaasadda iyo aydaloojiyadda ku kala duwan, waxana hay’adaha
daweynaha loola wada dhaqmaa si ixtiraam ku jrio si adeegga iyo nolosha
daweynuhu si wanaagsan ugu socoto.
Marka loo soo laabto dalkeenna
Soomaaliya, waxaa hal mar wada dumay dhammaan hay’adihii dawladda ee caamka
ahaa oo ay ka mid ahaayeen kuwii maaliyadda ee bixinayey adeegyada dhinaca
maaliyadda. Inkastoo haatan wax walba si tatriib tartiib ah u soo hagaagayaan,
haddana waxaa jirta wadda dheer oo ay tahay in la maro si wax walba loo
caadiyeeyo.
Dawlad Goboleedyada Soomaaliya iyo Dawladda Dhexe ee Federaalka ah ee curdinka
ah, waxaa hay’adahooda maaliyaddu ugu tayo iyo fac weyn Somaliland oo
hirgelisay Bangi Dhexe iyo lacag gaar ah oo la yaqaan cadadkeeda si loo
kantaroolo suuqa iyo sarrifka lacagaha qalaad, loona ilaaliyo dhaqaalaha iyo
nolosha dadweynaha, inkastoo hay’adahooda maaliyadda laftigoodu aanay ceeb ka
nasahnayn, waxaase la oran karaa waxay ka soo gudbeen caqabado soo bixi lahaa
haddii aanay unkanayn.
Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee
Puntland oo la asaasay sannadkii 1998-dii waxaa tan iyo xilligaasi ka jiray
xaalad ka duwan marka loo eego gobolada koonfurta iyo bartamaha dalka, laakiin
waxay la wadaagaan duruufo badan oo dhaqaalaha iyo dhinacyo kale ah. Dhanka
maaliyaddu oo su’aasheennu tahay, Puntland wax weyn kama gedisana koonfurta iyo
bartamaha Soomaaliyada iyadoo Bangiga Dawlad Goboleedka ee Puntland (Puntland
State Bank) uu maareeyo keliya dhaqaalaha maamulka ama dakhliga iyo
kharashaadka baxaya, laakiin ma sal goyn karo suuqa iyo sicirka iyo qiimaha ee
lacagaha kala duwan ee seyladaha yaalla ama la isticmaalo, taasina waxay ka
dhigtay in uu noqdo sidii bakhaar lacagta la geliyo oo lagana saaro. Maaddaama aanu awood u lahayn in
uu suuqa la socdo sababa jira oo badan awgeed oo ay ka mid yihiin lacagaha la
isticmaalo oo kala duwan iyo lacagta Shiling Soomaaliga oo u badan been abuur
ama faaliso oo xilliyo kala duwan la sameeyey, isla markaana meelo kala duwan
oo dalka iyo dibadda ah lagu daabacay, una furan iney ku wareegto gobolada
dalka oo dhan iyadoo taasi keentay in aan la ogaan karin tirada lacagta Shilin
Soomaaliga ah ee suuqa ku wareegysa iyo tan lacagaha qalaad ee iyana suuqa
taalla.
Cashar
Dhaxalgal ah
Xilliyo dhawr ah, waxaa Puntland ka
dhacay sicir-barar iyo qiimo-beel lacageed ka dib markii la daabacay lacago
faaliso ah oo ay kala lahaayeen shakhsiyaad gaar ah iyo maamulka ama labada
dhinacba ay shuraako ku ahaayeen oo ay wadaageen. Sicir-barar iyo qiima dhaca lacagta
ku yimaada waxa uu saamaynayaa awoodda wax soo gadashada ee guri walba ama
dadweynaha, waxana taasi marka ugu danbeeya ay dhibaato u keenaysaa dhaqaalaha
guud iyo wax soo saarka. Xilligii uu Cadde Muuse madaxweynaha ka ahaa Puntland,
ayey si weyn u soo ifbaxday daahirada lacagaha faalisada ah ee gudaha lagu
daabaco oo ay wadeen rag dhawr oo maamulka ku jiray iyo qaar ganacsato ahaa,
laakin markii ay qiilqiil gashay nolosha dadweynaha oo dhaqaaluhuna inuu
jilbaha dhulka ku dhifto u dhowaaday,
ayaa culimada degaanka iyo hoggaamiyayaasha bulshadu ka hor tageen oo u
hawlgaleen sidii lagu joojin lahaa, iyadoo ugu danbayntiina lagu guuleystay in
la gubo lacag badan oo faalisa ahayd isla markaana makiinadihii samaynayey
degaanka laga qaaday, taasi oo keentay in dhaqaaluhu xasilo.
Cilmiga weyn ee dhaxalgalka ah ee
arrintan laga bartay ayaa ah in lacago la daabaco oo weliba been abuur ah aanay
ka qaybqaadan karin kobcinta wax soo saarka dhaqaalaha (Economic output). Dad
badan ayaa is weydiinaya haddii Dawlad ama Maamul ay soo waajahdo xaalad
dhaqaale xumi ah oo miisaaniyaddu is dhinto ama deyn lagu yeesho maxay lacag
badan loo daabici waayey? Sababtu waxa weeye lacag badan oo la daabaco sinaba
uma kordhiso wax soo saarka dhaqaalaha – waxa keli ah ee ka dhasha waaa
sicir-barar.
·
Ka soo qaad suuqa Puntland waxaa
yaalla badeeco raashin ah oo dhiganta lacag $20 malyuun. Tusaale ahaan
badeecadaaasi waa bariis gaaraya hal malyuun oo kiish, waxana halkii kiish la
siiyaa $20.
·
Haddii maamulku laba jibaaro
lacagta suuqa soo gelaysa, waxaynu weli haysannaa hal malyuun oo kiish oo
bariis ah laakiin dadkii baa lacag badan gacanta ku haysta. Dalabka bariisku
wuu kacayaa iyadoo shirkaduhuna sicirka kor u qaadayaan.
·
Siinaariyahan haddii lacagta
suuqa soo gelaysa la badiyo, waxaynu weli haysannaa hal malyuun oo bariis ah oo
lagu iibiyey $40 halkii lagu iibin lahaa $20, laakiin tirada badeecadda waxba
iskama beddelin.
·
Waan oran karnaa kororka ku yimi
GDP-ga waa lacag been ah – waa sax in lacagtu badatay, laakiin wax kasta waa
qaali, mana jirto wax kuu hagaagay ama kuu wanaagsanaaday.
·
Habkan yar ee fudud, waxaa lagu
ogaanayaa in lacag la daabaco ay badeecada ka dhigto wax qaali ah, laakiin
aanay beddelin tirada badeecadda.
Dhibaatada
Sicir-bararka
Haddii
sicir-barar yimaado waxaa adkaanaysa in dadku wax gataan maxaa yeelay sicirku
durbadiiba waa is beddelayaa. Haddii aad subaxnimada gelinka hore aad rooti
badan iibsato, waxaad ka nasiib wanaagsan tahay qof gelinkii hore rooti yar iibsaday
oo gelinkii danbe damcay in uu rooti kale iibsado iyadoo sicirkii kor u kacay.
Tani waxay keenaysaa in dhaqaaluha ay xasilooni darro soo waajahdo oo la isku
dhex yaaco. Waxaa imanaysa hubanti la’aan iyo jaha wareer. Haddii sicir barar
yimaado, dadka ama shirkaduhu waxay joojinayaan iney lacag wax ku maalgashadaan
taasoo keenaysa in uu hoos u dhaco kobocii iyo kororkii dhaqaalaha.
Waxaa
hoos u dhacaya qiimaha lacagaha meel dhigto.Haddii dadku ay lacag kaash ah meel
dhigtaan, sicir-bararku waxa uu xaalufinayaa qiimaha lacagta aad meel dhigatay.
Tusaale ahaan laba malyuun oo Shilling Soomaali ah oo reer maanta dukaan u
taalla waa lacag badan oo wax u goysa, laakiin marka sicir barar yimaado dhawr
bilood ama sannad lacagtaasi waa qiimo beelaysaa oo waxba ma goyneyso. Haddi
sicir-barar yimaado waxaa yaraanaysa in lacag meel la dhigto. Lacgta la daabacaa
waxay saameysaa qiimaha lacagtaasi lahayd.Haddii lacag la daabaco oo sicir
barar yimaado, markaasi waxaa dhacaysa in lacagta qiimaheeda uu hoos u dhaco.
Ka soo qaad sicir barar ku yimaada Puntland waxauu gaaray 100%, sicir bararka
ka jira Somaliland-na waa 0%. Tan macnaheedu waxa weeye sicirka Puntland waxa
uu laba jibaar ku noqonaya sicirka ka jira Somaliland marka loo barbar dhigo,
waxaadna u baahanaysaa lacag laba jibaar oo shlling Soomaali ah markaad joogto
Puntland si aad wax u iibsato. Awoodda wax gadashada ee lacagta Shilling
Soomaaliga ah ee Puntland hoos ayey u dhacaysaa, sidaa daraadeed waxaa dhacaya
qiimaha sarrifka lacagta.
Ugu
danbayntii, iyadoo Maamulka Cabdiweli Maxamed Cali ee Gaas ee Puntland uu
damacsan yahay inuu mushahar ku bixiyo ama suuqa soogeliyo lacagta faalisada ah
ee bilihii ugu danbeeyey lagu daabacayey makiinadda taalla Boosaaso, ayaan
waxaan uga digayaa dadka reer Puntlaand inay fududaystaan oo oggolaadaan
Lacagtan faalisada ah. Lacagtan waxay gubayaa oo dab qabadsiinaysaa guryo badan,
waxay nolosha ciriirki ku gelinaysaa qoysas badan oo noloshoodu maanta
xasiloontahay. Mar haddii lacag been abuur ah aysan kor u qaadayn waxsoosaarka
dhaqaalaha, isla markaana ay horseedayso sicir barar, waxaa lagama maarmaan ah
in la hor istaago inay suuqa soo gasho. Arrintan waa indhab laga noqdaa, maxaa
yeelay waxay taabanaysaa nolosha qoyayskeenna iyo dadkeennna.
Cabdiweli
Gaas waa aqoon yahan dhinaca dhaqaalaha, laakiin ogaada arrintan aqoondarro uma
samaynayee waxa uusan dan ka lahayn dhibaatadiina, waxa keli ah ee uu
fiirsanayo waa dan gaar ah oo uu ku doonayo in uu iskaga yareeyo culayska
mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidamada. Waxaan ugu baaqayaa waxgaradka,
isimada, culimada, haweenkaiyo iyo dhammaan qaybaha kala duwan bulshada in laga
hortago oo la diido lacagtaasi been-abuurka ah.
Cabdirashiid Muuse
Siciid
Email:
abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid
Muse