Friday, June 26, 2015

Maxaa ka danbeeya Mooshinka Madaxweynaha?


Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa hor yaalla Mooshin maamuus ka xayiibin ah (impeachment), waxana soo badanaysa xildhibaanada saxiixaya mooshinka oo hadda u dhow tirada loo baahan yahay si Madaxweynaha Jamhuuriyadda shaqada looga eryo.

Xildhibaanada oo aan qaar ka mid ah sheekaysanay, waxay ii sheegeen in Madaxweynaha ay u harsan tahay muddo hal sano ah, sidaa daraadeed uu ku fashilmay hoggaaminta dalka iyo hirgelinta barnaamijkiisii iyo balanqaadkiisii siyaasedeed ee Xildhibaanadu ay ku doorteen. Sidoo kale, waxay ii sheegeen inay Madaxweynaha ka dalbadeen qorsha hiigsiga 2016 iyo aragtidiisa ku aaddan arrintaa, waxana ay intaa ku dareen in Madaxweynaha uu taageersan yahay in xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ay soo xulaan Maamul Goboleedyada hadda dhisan iyo kuwa dhismi doona. Dabcan ujeedadu waa in Cabdiweli Gaas, Axmed Madoobe, Shariif Axmed iyo kuwa ku xiga ay baarlamanka soo xulaan iyagoo danahooda gaarka ah qola walba wadato ama wax ku salayneyso.

Qorshahaasi Xildhibaanaduba waa diideen aniguna waan ku raacsanahay, mana aha wax la qbali karo(unexpectable). Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadu waa siyaasiyiin danahooda u shaqaysta, sidaa daraadeed waxa ay soo xulaan xalaal ma aha ee waa wax dan siyaasadeed ku dhisan.

Markii Xildhibaanadii diideen qorshaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo kuwa Maamul Goboleedyadu isku raaceen, haddana uu soo baxay mooshinkan maamuuska looga xayuubinayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaa la ii sheegay in Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu Xildhibaanada ka codsaday in waqti la siiyo si uu u keeno qorshaha beddelka ah ee looga wareegayo in Cabdiweli Gaas, Axmed Madoobe, Shariif Axmed iyo kan hadda lacagta Dawladda lagu bixinayo ay dadku magan ugu noqdaan inay masiirkooda iyo mustaqbalkooda siyaasadeed ay iyagu u go'aamiyaan ama xildhibaanadooda u soo xulaan.

Ya o oggolaan kara in Madaxweyne beeleed uu beelaha kale u soo xulo cidda siyaasadda u metelaysa ama wakiilka uga noqoneysa? Qorshahan ah in Maamul Goboleedyadu soo xulaan Baarlamanka xiga iyo in dalka doorasho xor ah laga qabto, labaduba wey fashilmeen oo ma socon doonaan ee markaa waxaa loo baahan yahay in beeluhu ay iyagu soo xushaan Xildhibaanadooda. Isimada waaweyn ee Beelaha Soomaaliyeed waxay leeyihiin Suldo sharci ah oo lagu kalsoon yahay marka loo barbar dhigo Axmed madoobe iyo Cabdiweli Gaas.

Haddaba haddii aan su'aasha si dhab ah u abbaaro, mooshinka Madaxweynaha ujeedadiisu waxay u badan tahay mid siyaasadeed oo ah hiigsiga 2016, kamana maqna danooyin kale oo xildhibaanadu leeyihiin ama yeelan karaan. Waxaa Xildhibaanadu doonayaan inay qayb ka noqdaan saamileyda aragtida hiigsiga 2016  ama ugu yaraan aan dusha wax looga keenin ee ay samaynta go'aamada siyaasadeed ee dalka ka qayb qaataan. Mooshinka waa aalad culays lagu saari karo Madaxweynaha si uu u beddelo itijaaha uu siyaasadda ku wado, isla markaana qaabaynta hiigsiga siyaasadeed ee 2016 aanay ku koobnaan Madaxweynaha iyo Xuxuumadda iyo dhinaca kale oo ah Maamul Goboleedyada. Mucaaradka siyaasadeed ee dalka ka jirana waxay doonayaan in iyagoo kaashanaya beesha caalamka ay ka mid noqdaan jilayaasha siyaasadda dalka, waxana xusid mudan in Baaramanka ay ku badan yihiin kutlooyin mucaarad ah, laakiin hadba mudanayaasha Baarlamanku waxay la guur guuraan danahooda.

Arrinta aan Xildhibaanada haatan jooga isku diidanahay oo aan Madaxweynahana isku mowqifka ka nahay waa in iyaga waqtiga loo kordhiyo oo Madaxweynahana la soo doorto, taasina suuragal ma aha ee waa in ay wada tagaan oo isbeddel dhacaa. Waxaan aaminsanahay in aan xal ku jirin in waqtigan xaadirka ah Madaxweynaha la rido, laakiin loo baahan yahay in laga heshiiyo waxa aniga iyo xildhibaanadu aan tabanayno ee ah isku-koobiidda go'aaminta siyaasadda dalka iyo hiigsiga 2016.Waa wax na taabanaya, mana aqbali karno in Maamul Goboleed wax soo xulaan ee waa in Isimada Dhaqanku soo xulaan, oo 2016 wixii ka danbeeya la isu diyaariyo afar sano oo hor leh oo dalka laga hirgelinayo doorashooyin xor ah iyadoo aan qiil danbe loo samaynayn  in laga tallaabo doorashooyinkaasi ah  HAL QOF HAL COD..

Cabdirashiid Muuse Siciid
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter: @Gobanimodoon
Facebook: Abdirashid Muse


Saturday, June 13, 2015

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ka gaabisay kaalintii kaga aadanayd u-gargaaridda dadka laga soo daadguraynayo dalka Yemen



Dawladda Federaalka oo markii kowaad qayb ka ahayd duulaankii Sucuudigu hoggaaminayey ee lagu qaaday dalka Yemen, isla markaana sheegtay inay biyaha iyo hawada Soomaaliya u fasaxday inay isticmaalaan gaaashaanbuurtii uu hoggaaminayey Sucuudiga ee weeraray Yemen, iyadoo la og yahay in boqolaal kun oo Soomaaliyeed oo duruufaysan ay ku nool yihiin dalka Yemen, ayaa haatan waxba u tarin dadka soo noqonaya ee ka soo firxanaya dagaalka. Dawladdu waxay adduunka ka dalbatay dhaqaale wax looga qabto qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen, taa marka laga tago waxaa ka saaran masuuliyad qaran iyo mid akhlaaqeed oo dadka Soomaaliyeed oo dhanna saaran. Dadka la socda dagaalka Yemen, waxay sheegayaan in Dawladda Federaalku ay arrimo dhaqaale ku beddelatay taageeridda hawlgalka Sucuudiga iyadoo ka indho saabatay dadkeeda darxumaysan ee ku sugnaa Yemen.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go'doomay dagaalada Yemen waxay u baahan yihiin kaalmo ballaaran oo wax looga qabto duruufahooda, waana arrin qaran oo loo baahan yahay inay hoggaamiso Dawladda Federaalka Soomaaliya ee aan lagu eegan bulsho iyo maamul gaar ah oo tabartooda dhaqaale kooban tahay. Waa masuuliyad darro in dadka Soomaaliyeed ee dhaqaalaha haysta ee ka baxsan Puntland marka laga reebo ninka halka markab kireeyey, aanay waxba ku biirin arrintan baaxadda weyn, iyadoo dadka Yemen ka soo cararaya ee Soomaaliyeed ay u badan yihiin gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya. Dadka Soomaaliyeed magaaladay doonaan ha ku dhasheen ama gobolkay doonaan ha ka soo jeedeen waa dad Soomaaliyeed, laakiin waxaa loo baahan yahay in si guud oo qaran masuuliyad la isaga saaro oo dadka Soomaaliyeed oo dhan ay ka qaybqaataan gurmadka, iyadoo ay hoggaaminayso Dawladdan Muqdisho fadhida ee arrin ku yaboohtamaysa ama dhaqaale ku raadsanaysaoo keli ah.

Shacabka Soomaaliyeed ee Puntland iyo Maamulka Puntland, marka loo hadlo sida xaqiiqda ah waxay qabteen wax ka badan awoodooda dhaqaale, xilli lagu jiro duruufo adag oo dhaqaale. Waxaa ayaan darro ah, in dadka qaar ay siyaasadeeyaan arrintan oo ah mid bani aadanntinimo isla markaana u isticmaalaan aalad siyaasadeed oo loogu imtixaano bulsho gaar ah. Isla xilligan, shakhsiyaad isu arka haldoor, waxay qorayaan dacaayado iyo in xilli hore Puntland lagu dhibaatayn jiray dadka reer koonfurka, iyadoo la og yahay in kuwaasi yihiin kuwii soo barakiciyey ama hallaagga iyo dhibaatada baday. Arrin Maamul ku kaco haddii ay tahay Berbera ama Gaalkacayo looma aanayn karo bulsho gaar ah, ee yaa u sheega kuwa aragtida ciriiriga ah qaba.

Intii muddo ahayd waxaan xiriir la lahaa Madax sare oo Puntland ka tirsan oo arrintan aan isla soo qaadnay, waxay ii sheegeen in Dowladda Federaalku ay hay'adaha gargaarka amar ku siisay in iyada looga danbeeyo wixii qaxootiga Yemen ah, isla markaana dhaqaalaha iyada la soo marsiiyo. Haba la marsiiyeey maxay u tartay dadkan maraakiibta lagu soo daabulayo ee Boosaaso la keenayo. Madaxweynaha Jamhuuriyaddu intuu safaro damaashaada h u tegayo Abuja iyo Khartuum oo caleema saar u aadayo muxuu u booqan waayey oo ugu kuurgeliyey xaaladda dadkaasi Soomaaliyeedee uu masuulka ka yahay yaanuba wax tarine? Mise wax qiimo iyo dareen ah uma leh dadkaasi?
Dad badan ayaa ka qayliyey dhacdadii Berbera oo ku tilmaamay wax kasta oo wax lagu ceebeeyo aniguba aan ka mid ahaadee, laakiin kuwaasi iyaga ceeb ma qabato miyaa marka dadka Yemen ka soo noqday ay gaajo iyo in la daryeeli waayey ay kaga cabanayaan Caasimaddii dalka ee Muqdisho oo ay leeyihiin wax na daryeela Dawlad iyo shacab ma hayno! Bal guji link-gan fadlan oo dhegeyso cabashadooda. https://www.facebook.com/AlJasiiraNews/videos/733488483445284/?__mref=message_bubble

Maanta dad gaaraya laba kun iyo shan boqol oo qof ayaa laga dejiyey dekedda Boosaaso, runtiina lama sahlan karo culayska baahiyaha dadkaasi, laakiin waxay marti u yihiin reer Boosaaso iyo Puntland, markaa meeday Dawladdii Soomaaliyeed iyo dadkii Soomaaliyeed ee kale, xilli tobanaan kun oo kale ay xilliyada soo socda ku soo wajahan yihiin dalk? Dawladdan Xamar fadhida iyo bulsho weynta Xamar ee dhaqaalaha haysta maxaa uga qorsheysan dadkaasi mise rerr Boosaaso ayaa lagu imtixaanayaa?

Cabdirashiid Muuse Siciid
Email: abrashidmuse@gmail.com
Facebook: Abdirashid Muse
Twitter: Gobanimodoon